Madaxweyne Shiriif oo u duulay sucuudiga siuu uga qayb gel0 aaska dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudiga

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka duulay wefdi uu horkacayo
madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shiriif Sheekh
Axmed.

Wefdiga madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada
ayaa ku wajahan magaalada Makkah ee dalka Sucuudiga.

Ujeedada socdaalka wefdiga ayaa ah sidii ay uga qayb geli lahaayeen
aaska dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudiga oo magaalada Makkah maanta
ka dhacaya.

Mas'uuliyiin u badan wasiiro iyo xildhibaano ayaa wefdiga madaxweyne
Shiriif sii sagootiyey xiligii ay ka duulayeen garoonka diyaaradaha
Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Aaska amiir Salmaan Binu Cabdul Casiis waxaa sidoo kale kasoo qayb
galay madaxda dalal badan oo kuwa Muslimka ah iyo dunida kaleba isugu
jira.

Shabakada Baargaal.net
Baargaal/somalia
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain