RAFAD : waa jacbur uu tiriyey Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube

Rafad waa jacbur uu tiriyey, abwaankii wayna  ilaah janada haka waraabiyo’e cabdilaahi cabdi shube, oo caan ku ahaa majaa-jilada dadku uu ku qoslo, si ahaan marka aad u eeg-tana waa gabay runta ka sheegaaya wax walba oo hadana maad ah, yaan kugu raagine waa kan rafad ee hoo:-

Geeraar laabta ku raagaa,
Calooshuu ku raftaa,
Oo marka ruuxu maqlo,
Qosol uu rafa-naayo,
Rax bal aan kaga siiyo,
Ee ruux walboow-ba dhegayso,

Rahu haduu biyo waayo,
Dhoobaduu ku raftaa,
 Inan-kaan la rabayna,
Edaabtuu ku raftaa,
 Reer magaale gaboobay-na,
haday ruuc-ba murmaan,
Walahuu ku raftaa,
Dilaal saylad ku raagay,
xadhiguu la raftaa,

Rubiyad aan sarif-nayni,
Kiishaday raftaa,
Awrkii heerya-diisa ridaana,
Haamuhuu la raftaa,
Ruuxa biilka aan hil-hayni,
Hilbuhuu la raftaa,
Nin qabyaalad rasays-tayna,
Ciil uun buu la raftaa,
Ramad geel ninka maalay-na,
Kibir buu la raftaa,

Meel rasaastu dhacaysa-na,
Maydku wuu ku raftaa,
Diyaarad riin ka xumaaday-na,
Samaday raftaa,
Rabbigay ninkaq diiday-na,
Ee rasuulkii ka ordaana,
Cadaabtuu rafadaa,
Wadaad aan ruugin qu’raanka,
Ruux gunaa-nadi maayee,
Kitaab-kuu rogro-gaayoo,
 Sunuhuu la raftaa,

Nin weyn oo aan run aqoona,
Xaas-kiisa ways la raftaan,
Roob magaalo ku hooray-na,
ramaad soo bixin maayo’e,
laamiduu ku raftaa!
Ana waan shubma-yaayo,
Xikmad aan cidi doonin,
Iyo hadal baan la raftaa,
Siyaasad ruuxa jeclays-tayna,
isagoo aan waxba haynin,
Bay cirro ay rafataa!

Waxan u malaynayaa cabdilaahi cabdi-shube ilaah ha u naxariisto’e, in aanay waxan jacburka tiriyaa aanay cid uga horaysay jirin, ee maanta halkaas aan taag-naano akhris-toow.

* N.B: Hadal Waa Run Ka Sheeg, ama Waa Ku Rafo Ricilaa Kala Goo’.
Developed by Jago Desain