June 16, 2012

Sheeko: QUN KA GUUR, QANJO U GUUR

SHARE
Waabaa waxaa jiray reer degay meel duur ah oo dugaag iyo dadqalato degeen ah. Gooray galab gaabad tahay ayaa odaygii reerka wuxuu la kulmay nin dhalinyaro ah oo dhugi xiran oo dhulkaas muddo ku noolaal. Markay iswareysteen ayaa ninkii duurjooga ahaa ku yiri soodegeynkii:

"Adeerow, maa halkaan isaga guurtid oo reerka iyo caruurta meel kale la degtid. Degaankaan dooggiisa yuusan ku dagin oo waa dugaag iyo dadqalato degeennee!".
Odaygii ayaa wiilkii ku yiri: "Adeerow, waqti iyo waayo badan ayaa ii soo beryay, war iyo wacaalna waan ka dheregsanahay, ee adigoo mahadsan soo bari!"
Odaygii "soodegeynka" ahaa, ayaa reerkiisa ku laabtay. Wuxuu mooro ahaan ood ugu wareejiyay halkii ariga iyo reerka deganaa, wuxuuna geesaha ka dhigay kurtumo waaweyn ee dab ah. Lix caruur ah oo uu dhalay ayuu bartanka moorada markuu seexshay, ayuu dhan ka seexday, dhinaca kalana hooyadooda ka seexatay. Wuxuu habeenkii oo idil gabyo oo uu guurow isku maaweeliyo, ayaa gooray saq dhexe tahay, ayaa hurdo la huwiyay, oo uu hii...haa, hii..haa,, ku quuriyay.

Wiilkii duurjoogga ahaa  ayaa reerka sheedda ka fiirsanayay, oo markuu quuradii maqlay, reerka u soo gurguurtay, oo kurtumihii dabka ahaa hoosta ka dhigay ooddii mooro ahaanta u dhisnayd. Halmar ayaa holacii kacay, oo oodda wada dab qabsatay, oo odaygii iyo habartii hurdadii ka soo baraarugeen, oo arigii badbaadiya is yiraahdeen. Intii arigga ku maqnaayeen, ayaa wiilkii duurjoogga ahaa dafay oo dusha saartay wiilasha odayga dhalay kii ugu weynaa oo toban jirka ahaa. Wiilkii yaraa cabaadkiisa ayaa odaygii maqlay, markaasuu u orday halkii codka uu ma maqlay. Wiilka duujoogga ahaa oo dadqalato ahaa, ayaa durba wiilkii marjiyay, meedkiisana duurka la galay. Odaygii wuxuu ordaba iyo kolba dhan u halafleeyay, ayuu markuu daalay dib caruurtii kale iyo hooyadood ugu soo laabtay. Markay aragtay inuu odayga uusan wadin wiilkii curadkeedii ahaa, ayaa hooyadii barooratay oo af labadii qeylisay.

Odaygii oo xaaskiisa iyo caruurtiisa kale dajinayo, ayaa wuxuu yiri: "Habar yahay naga aamus, wixii kugu dhacayo boqol sano ayay kaa weyn yihiin. Sow ma arag waxaan dadaal derbi weyn idinkugu ooday, dab dugaag didis ahna idinku wareejiyay!"
Waaga markuu baryay, ayaa odaygii masaartiisa markuu qaatay, soo guray dhis oo ood tiro badan, Xoolihii wuxuu u dhisay mooro weyn oo geed qodxeed ah, caruurtana wuxuu u sameeyay dhis lagu wareejiyay ood. Galabtii ayuu seexday, si habeenkii oo idil u soo jeedo oo uusan u seexan. Asoo jiifo ayaa casirkii waxaa soo ag maray wiilkii duurjoogga ahaa, oo markuu soo qubeystay biyo ka gasleynayaan, wuxuuna ku yiri:
"Adeerow, wali ma halkiibaa degan tahay?"

Odaygii soodegeynka ahaa ayaa ugu jawaabay: "Haa, wallow xalay wiilkeygii curadka ahaa layga cunay!". Wiilkii duurjoogga ahaabaa markaas yiri: "Adeerow, talo adigaa ku nool, iyada kuguma noolee, maa halkaan isaga guurtid, caruurta yaysan kaa la'anee!"
"Maya, oo xalay hurdaa i qaaday, oo kolba dhimbilihii dabka ayaa oodda gaaray, oo dabka ku kacay. Intii dabkaas ku maqnaa ayaa bahal cunugga igaga tagay. Caawase waan soo jeedi, dab i gubana maba shidayo. Wixii ii soo dhawaadana fallaartaas mariidka leh, ayaan labo labo u liqsiin!".

Wiilkii dadqaladka ahaa ayaa odaygii ku yiri: "Walow aad dadaalaysid, waa ila talo xun tahay!" Wiilkii dadqaladka ahaa oo xuuraansi ku helay qorshaha odayga soodegeynka ahaa, ayaa markuu gows danbeedka  ka qoslay, iska dhaqaaqay.
Gabalka markuu dhacay, ayaa odaygii caruurtii iyo xaaskii ku amray inay xerada dhista ah galaan, wuxuuna afaafka ugu rugay oodweyn oo sinna bahal uga soo boodi karin. Hooyadiina markay caruurteedii dhabta gashatay ayay bartanka deerka hurdo la dhacday. Odaygii oo fallaartiisa wata ayaa mus ka sameystay meel u dhaxaysa moorada ariga iyo deedkii ku wareegsanaa caruurta. Wiilkii dadqaladka ahaa, ayaa tabxeyl cusub la yimid. Goor fiid ah ayuu wuxuu mar maray duurka wuxuuna arkay tiro lo’kissi ah iyo dameer farow oo ag dhooban dhul coosaad u dhawaa halka uu reerka odayga deganaa.

Wiilkii ayaa dab ku shiday caws ku yaalay daafaha halka ay joogeen lo’kisiga iyo dameer farowga. Lo’dii iyo farowgii oo argagaxay ayaa u didiyay dhanka  reerka odayga ay deganaayeen. Isagoo daasado isku garaacayo ayuu daba cararay xoolihii diday. Lo’dii oo rabbootineyso iyo dameer farowgii oo biqleynaya, ayaa qoobka ku qaaday dooddii iyo dhistii reerka lagu wareejiyay, waxayna ka baneeyeen  dhabbo cid kasto qaadi karto. Dadqaladkii oo arrintaan ka faa’ideysanaya ayaa reerkoo amakaagsan u dhacay, gabar yarna la tagay. Hooyadii iyo aabihii ayaa sawaxanka hoolaha ka dhex maqlayay, “Hooyow, aabow macaanow”, waase lala tagay.

Odaygii tala ayaa gacantiisa ka baxday, hooyadii ayaa si waalan markay caruurta wixii haray, gacmaha ka qabsatay, duurkii wiilkeeda iyo gabadheeda loo watay aaday; iyadoo ku barooranayso: "Ama waan wada dhimaneynaa, ama waan wada helayaa!"
Odaygii ayaa xaaskiisa faraqa ku dhigay kuna yiri: "Naa inkaar qabta.tani talo ma aha.Xanuunka ku haayo waan kula qabaa, ee qun ka guur ee qanjo u guur talo ma aha, ee mid kale aan sameyso!"

Xaaskiisa ayaa tiri: "War maxaan sameynaa, ilmihii le'deennee?"  Isagoo u jawaabin ayaa waaga baryay. Waxaana qeyladooda ku soo baxay wiilkii dadqaladka ahaa. Wiilkii oo iska dhigayo qof aan waxba ogeyn ayaa reerka ka wareystay sidey wax u dhaceen. Markuu dhageystay ayuu mar kale odaygii ku yiri: "Adeerow, halkaan isaga guur!".
Odaygii oo caraysan ayaa wiilkii ku yiri: "Qumay baa tahay, ee afkaaga iga cesho!"
Wiilkii dadqaladka ahaa ayaa markaas ku yiri: "Adeerow, shalay waad ila arrin xumeed; xalayna waad ila orod xumeyd, haddana waad ila aqoon yar tahay, ee caruurta meesha ka kaxee!" Waana ka dhaqaaqay.

Hooyadii oo wiilka hadalkiisa ma qashey ayaa caruurtii la aaday, dhankii hore ay ka yimaadeen. Odaygii aa daba baxay isagoo leh: "Naa caruurta ii daah, adiga hadaad rabtid reerkaada aadee!"

"Caruurta anigaa dhalay, oo hoosteyda laga soo qaaday. Inaad kow iga siisid mooyee, oo aad meydkeyga ka tilaanbsatid mooyee, wallee si kale iigama qaadid!" ayuu hooyadii oo caruurteeda ku dhegan tiri. Iyagii oo sidaas isugu dhegan ayaa ku soo baxay nin wadaad ah oo garmadoobe ah. Markii lays wareystay, waaba la isgartay oo waa Shiikh Shaqal Shiishe Shiille. Sheekhii ayaa odaygii iyo xaaskiisa wada dhageystay, waxayna u wada sheegeyn sidey wax u dhaceen iyo digniinta mar kasto ay ka maqli jireen wiilka dhalinyarada ah oo duurjoogga ah. Shiikh ayaa hooyadii caruurta dhashey u sheegay inay ku toosan tahay in caruurteeda kala cararto meesha lagu baabi'inayo, hase yeeshee wuxuu u sheegay inaysan xal u helin dhibaatada jirta, oo ah ogaanshaha cidda dishay caruurteeda. Waxaa intaas ka daran, in waxa caruurteeda ku dhacday, ay la kulmidoonaan reer kasto oo soo dego ruunkaan. Sidaas darteed, waxaa waajid ah, in laga salgaaro oo la ogaado cidda dhibaatadaan waddo, ka dibna laysku garabsado sidii looga reyn lahaa. Shiikha ayaa odaygii iyo xaaskiisa ku dhexdhexaadshey inuu muddo saddex maalin ah uu la joogo, caruurta iyo xoolahana meel banaan ah la dejiyo, oo aan ood haba yaraatee loo oodin.
SHARE

Author: verified_user