SIDA DAYAXII

SIDA DAYAXII البدر :Waxa heestan lagu soo dhoweeyay NEBI MUXAMED c.s.s.-Markii uu ka soo qaxay Maka, ee uu u soo qaxay Madiina. Marka ay af-Soomaaliga tahay, waxa lagu qaadayaa isla-luuqdeedii Carabiga ahayd.

Soo Muuqayoo Sida Dayaxii طلع البدر علينا
Waa-nakaa Miliilicanee!

Ku Soo Maanshee Sagootigii من ثنيات الوداع 
Meel Nabaduu Soo Maree!

Mahad Baa Nala Wada Gudboon وجب الشكر علينا
Maanta Oo Kale Waa Runee!

Mar Kastoo Wacdiye U Baaqo ماداعا لله داع
Hor-Ilaah Tahay Waa Milgee!

Mudanihii Eebbeh Soo Dirayow أيها المبعوث فينا
Adigaa Noogu Malko Roon!

Warkaaguna Waa Mid Na Deeqay جئت بالأمر مطاع
Muraadkaaguna Waa Maqbuul!

Timidoo Muunaad U Yeeshay جئت شرفت المدينه
Magaaladii Madiina Ahayd!

Mininkuna Mininkaagii Weeye مرحبا ياخير داع 
Soo Dhowow Kii U Mudnaayow! 
Developed by Jago Desain