SIDEY KU SAMEYSMEEN MAGACYADA DUUBABKA SOOMAALIYEED

APR 16 SIDEY KU SAMEYSMEEN MAGACYADA DUUBABKA SOOMAALIYEED
"Dhaqandhufaaniye, isna dhiijis iyo ku dhallaan waa'!"
Diinta iyo damiirka san ee Aadmiga ah waxay tilmaamayaan inuu dadku simman yahay, oo aysan sinnaba u kala sarreynin. Haddana waxaan maalin kasta u joognaa dadyow dadka ka horumarsan, ka abaabulan, kana maamul iyo maareen sareysa. Waxaan aragnaa in dadyowga Reer Galbeedka (Yurub iyo Mareykan) ay dhan kasta uga hormareen dadyowga Reer Bariga, gaar ahaan kuwo Bariga Dhexe. Sidoo kale dadka isla dhashey oo isku dalka ah, inay iyagaba si uun u kala duwanaadaan oo ay ku kala hormarsan yihiin. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa Reer Boontlaan iyo Reer Benaadir. 
Walow ay wada Soomaali yihiin, balse bay'adda dabeeciga marka aad eegtid, aad isleeday, amay Benaadir ay barwaaqo, biyo iyo badar badan tahay, hadana in ka badan 100 sano, loo talinayay, oo marna caddaan u taliyeen marna gibil madow degaamo iyo dalal ka yimid u talinayeen. Halkaan waxaa kaaga cad, in kasta oo ay dadku ku wada nool yihiin dunida, inay kooxba lakab (strata) gaar ah uga jirto sallaanka ama jaranjarta horumarka dhaqan-dhaqaale ee adduunka.
Salka waxa kala saaro dadka, haba isla dhashaane, ma aha inta hanti ay haystaan ama sida degaankooda u barwaaqo yahay, ee waa "dhaqanka" ay leeyihiin. Erayga carbiga ah ee "diin", asal ahaan waa dhaqan oo waa tay yirhaadanaa ( المرء كما يدين يدان) . Dadka Reer Galbeedkase waxay dhaqanka ku macneeyaan ilbaxnimo ama raacidda garasho miid  ama saafi ah oo (http://www.novsu.ru/file/1092483). Haddiise la raaco cilmiga dadaqoolka bulshadeed ee afka khalaad lagu yiraahdo Social Anthropology waxaa noo soo baxayaa in dhaqanka uu yahay wadarinta (ama wadarta guud ee) afka,fikirka, dareenka, aqoonta, farshaxanka, farsamada, afka iyo suugaanta uu sooyaal ahaan dad ay u lahaayeen, kolbana la kobcaayay kobaca dhaqan dhaqaale ee dadka. Bulshooyinka lumiyay sooyaalka dhaqan-dhaqaale ee asal ahaan u lahaayeen, waxaa ka lumaa dareenduxa dhaqameed, waxaana adkaataa inay lahaadaan ficil iyo fakir fog oo fiiro dheer leh, oo waa tii hore loo yiri: ."Intuu fakarkaada iyo falkaada facdheeryahay, ayuu firkaada iyo falxeeylkaada facweyn yahay". Maadaama dalalka Reer Galbeedka in ka badan 2500 sano mar walba ay xoogga saarayeen inay qoraan oo ay u rurshaan dhaqankoodii, waxaa u sahlanaatay inay fahmaan dhaqanada kale ee adduunka, kana qaataan wixii dhaqankoodii hore sii xoojin kara; iyagoo marnaba jirid siibin koodii hore.
Sidaa dartii ayaan Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan kuwa maqaalkaan akhrisanayo, kula talinayaa si qotodheer u baaraan dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed iyagoo abla-ablaynaya ama fitixinaya erayaasha Soomaaliyeed si ay u ogaadaan sababta eray kasto ku sameysmay iyo ba'aydda uu ku sameysmi karay. Ceeb ma aha, balse waa in lagu faanaa in absuulkeenna uu boqongooye (ama boon) ahaa si uu qaar ka mid ah duurjoogtii ugu bedelo dabjoog. Waa horumar bulshadeed ee lagu faano, inaan absuulyadeenna ay dabjoog badan baxnaaniyaan oo ay dhaqdaan heer tiro badnaan awgeed ay nolol ugu filnaato cabitaanka "gorta" (danbar horaadka) lo'da markaas dhashay, kuna faanay inay gor-gaate yihiin (kuwa ugaarta ama gaata lo'da markaas dhashey si ay gorta uga cabaan)
Waa wax lagu faano in qaar ka mid ah absuulkayaga inay  gu' gungooye ahaayeen (gu'gundhabe), si ay xilliga gu'ga u baneeyaan dhulkii keynta ahaa, kana dhigaan dhul beereed oo ay qotaan. Waa astaan ilbaxnimo inay dadyow kala duwan ku soo hayaamaan Geeska Afrika marka ay ka war heleen inay halkaas ku nool yihiin dad karaameyn iyo karanba laga helo sidaasna loogu baxshey Karanle (ama dadkii karanta dhigi jirey) iyo Gurgura (Dadkii gurada ama guryo-godeedka lahaa). Intaas iyo inno ka sii badan ayaa afkeenna iyo sooyaalkeenna ka soo maaxdaa, oo miiddoodana nagu abuuriyaan muhashada tagtadeennii hore, macaansige taaladdeenna nala taal, iyo muuhaalka timaadadeenaba. Arrimahaas waxaa laga heli karaa iyadoo si xagar la'aan loogu xeeto xaarxaarka xeerarkeennii hore, barkareebka duubabkeenna da'da ah, iyo daraaseynta fanka iyo farsamada dabuubsidayaashii hore iyo kuwa nool. Nabigeenni Suubanaa (SCW), isagoo guud ahaan uga hadlaya qiimaha qofka Aadmiga ah wuxuu yiri: "Dadku waa sida macdanta dahabka iyo qalinka. Kuwooda Islaamka ka hor akhyaarta u ahaa, Islaamka gudihiisu waa u akhyaarkooda haddii fiqiga bartaan".
 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : النَّاسُ مَعَادِنُ كَمَعَادِنِ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ , خِيَارُهُمْ فِي الْجَاهِلِيَّةِ خِيَارُهُمْ فِي الإِسْلامِ إِذَا فَقِهُوا 

Soomaalidu waxay tiraahdaa: "Garaad garac ma dhalo." Taas oo muujinayso in xilligii Islaamka ka horeeyay. qofka garaad ama duubn toleed loo dooranayo inuu ahayn qof garac ah ama wecel ah, isna ilmo wecel ah uusan dhalin. Waxay ahaayeen rag ab ka ab, bulshada ay ku dhex noolaayeen sharaf iyo sinji-raac ku lahaa. Ma dhici jirin in la maqlo, qof duub ah, oo haweeney fara xumeeyay ama dilay ama garaacay.
Islaamnimada waxay intaas ku sii dartay, in ragga akhyaarta ah laga fiiriyo sida ay ula dhaqmaan xaasaskooda. Ragga xaasaska garaaca oo dhaqan xumeeya, marna ma ahayn rag akhyaar ah, oo lagu aamini karo hoggaanka masiirka ummadda. Nasiib darada maanta na haysata waa iyadoo madaxda qaar ka mid ah umadda ay dhawr haween soo fureen, ilmahooda dayaceen, suuragal tahayna inay "gogoldhaaf" sameeyaan, oo haddana laga sugayo inay wanaag keenaan. Halkaan waxaa ka cad in qofkii xaasaskiisa dar xumeeya ama "gogoldhaaf" sameeya, inuusan ahayn qof akhyaar ah oo duub ama mas'uuliyad ummadeed lagu aamini karin. Ogaadana in diintayadu tahay daruur da'aysa, oo haddaan la darbadarbayn ama damacdulmi laga lahayn, aakhiro iyo addunyaba looga doogsanayo. Diintu waa daruur markay ku da'da dadkii iyo deggaankii xidid ama  jirid leh, fafisa kana soo saarta dhallaan dhayman ah oo laga dheefo iyo dhir dhadhan leh oo laga dhergo.

 قول الله تعالى (ولكل قوم هاد ) 

DUUB IYO DABUUBSIDE (hadalside ama aftahan) AYAA DAD IYO DEGMO LAGA DAAWADAA!
Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa qaran ka mideysan diin, luqad, dhaqan iyo hiddo soo jireen ah. Waxaa intaa noo sii dheer, oo dad badan ay moog yihiin, iyadoo Allaha Idil-Sarreeya nagu mideeyay dhul ballaaran oo dul, doox iyo deexba leh ayna mardeysay shanta biyood ee kala ah Wabiga Hawaas, Wabiga Oomo, Wabiga Taana, Badweynta Hindiya iyo Badyarada Gacanka Carbeed. Dhulkaas ballaaran oo geed iyo gawaan leh, ayaa Allaha Idil-Abuura nagu beeray, kana dhigay bogugaxda (cradle) iyo xuddunta dadka maanta ku abtirsada Soomaalida Shanta Siman ah. Waxaan nahay dad afkooda iyo aaggooda isku tolan, oo afka Soomaaliga lagama soo amaahan degaanno iyo dad kale. Balse wax kale iska daayee, aqoonyahanada ku xeeldheer luqadaha Afrika, sida Mr Heine, waxay daraasad qotodheer ku heleen, in dhammaan dadyowga Kuushiitikada ee Geeska Afrika, lahjadahooda ka yimaadeen  af Soomaaliga. Iska dhaaf wax kale, cilmibaaristaas waxay af ahaan tilmaameysaa, goorta aya kala baxeen dadka ku hadla lahjadaha iyo afafka laga soo minguuriyay afka Soomaalida ku hadasho.
Sababta afkeena derajadaas gaarsiisay waa isagoo lagu hadlayay muddo ka badan kow iyo toban qarni (11000 sano), kana soo askumay dadyowga ugu facweyn ee Afkika oo kala ah Reer Qooysaan (khoisan), Reer Nayl (Nilotics) iyo Reer Kooshin (Cushitics). Soomaaliga waa af leh, soona maray heerarka afafka ku dhashaan kuna barbaaraan; kuwaas oo kala ah: astaameeyn (summadeeyn), shanqareeyn, shibbaneeyn, shaqleeyn, dabuubeeyn, tix iyo tiraabeeyn. Wixii ka danbeeyay qoraalka afka Soomaaliga ahna, waxaa bilawday abla-ableeynta,isireynta afka Soomaaliga.
Suulis la'aanta afka hooyo waxaa sal u ah jiritaanka duubab iyo dabuubsidayaal, hiddebeeyr iyo hiddesidaba ah, oo jiilba iyo jiilka xiga u sii gudbin jiray wixii dihni iyo dibnaha ka soo baxo, waxaase astaan ahaan (ama shanqar ahaan, shib ahaan, tix iyo tiraab ahaan) ha lagu tilmaamee. 

Muhimadda duubka iyo dabuubsidaha u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, ma aha wax la qiyaasi karo, dadka iyo degaanada Soomaaliyeedna laguma kala saaro sida ay u kala doog badan yihiin, ee waa sida ku kala duub iyo dabuubside u kala badan yihiin; waxaana la yiraahdaa: "Duub iyo dabuubside ayaa dad iyo degmo laga daawadaa". Waxaana halkaan kaga hadleyna sida duubabkaas hiddesidayaasha ah ugu dhexdhalan jireen bulshada Soomaaliyeed.


 SAMEYSANKA MAGACYADA DUUBABKA SOOMAALIYEED
Soomaalida abad-jireenka ah waxay lahaan jireen nidaam kala danbeyn iyo xushmad ku saleysan. Waxay waligeedba lahaan jirtay oday dhaqameed loo yaqaan "Duub" oo udub-dhexaad u ah beesha, tolka ama guud ahaan tolqaranka uu matalo. Sida ku cad maahmaahda ah "Duub waa isku dume", duubnimadu waxay ku dhisan tahay talo-waafin, dhexdhexaadin, xaal raadin, nabadeyn iyo isku heyn. Duub waa inuu ahaadaa qof deggan, hadaladiisuna miisaaman yihiin, soona jeeda.Duubku waa inuu noqdaa  qof deeqsi ah , qof daacad ah, qof dulqaad badan oo samir leh. Murti Soomaaliyeedbaa tiraahdaa tol waxaa "duub" noqdaa:
Nin doofaar cay uga dulqaad badan,
Nin kurtun qorrax uga adkeysi badan iyo
Nin kudkude gaajo uga adkeysi badan.

HARGAANTI
Markuu dhaqan-dhaqaalahooda ku xirnaa qadhaabsiga iyo ugaarsiga waxaa duub (isku -dume ama hoggaamiye) u ahaa "hargaanti". Waayahaas madaxtinimada laguma heli jirin isir iyo isla aw ahaan, ee qofka ayaa kasban jiray. Waxaa dadku haldhig u ahaa "Waxaadan istaahilin, isir laguma raadsho", sidaas darteed lama kala dhaxli jirin hargaantimada iyo duubyada kale, ka hor  qarnigii 17aad inta dalka uusan ku baahin dhaqanka Carbeed iyo kan gumeysiga Yurub.
Tusaale, hargaanti wuxuu ahaa qof u adeega dadkiisa, una sameeya "xabag-mariidka" la marsho fallaaraha. Waa qof ay dadka aaminsanyihiin inuu leeyahay ayaan, burji, karti, kasmo, garaad, xirfad iyo geesinimo har iyo dugsiimo u ah dad badan kaga difaaco dhib ku soo fool leh, amarkiisana la raaco. Hargaanti kasto wuxuu hawl galin jiray  xirin ama xoon (dhowr xirin oo kala degta, hase yeeshee wada duusha).


WABAR
Soomaalidii qodotada noqotay ee meel degtayna waxaa duub lagu soo hirto oo lala hoydo oo lagu hergalo u ahaa "wabar" (oo asal ahaan ka yimid wambarka ama ganbarka lagu fariisto). Sidaas darteed astaamaha lagu noqdo "wabar" waxaa ka mid aheyd dad-jaceel, daryeel, deeqsinimo, martisoornimo  iyo degaan loo wada yaqaan. Erayga "wabar" waxaa laga xusuustaa "Deela-wabar" oo ahayd, xaaskii uu qabay geesigii Axmed Ibraahim Gurey. Erayga "wabar" wuxuu ka imaan karaa "waxbar". Haddaan micnahaan raacno, "wabar" waa qof aqoon leh ee wax laga barto, waxa laga baranayana waxay noqon karaan fan iyo farsamo. "Wabar" wuxuu aalaaba sameeyaa degaan la yiraah "Gamaas" oo ay ku wada nool yihiin dad isir ahaan ama xirfad iyo fan ahaan ku kala duwan. Wabarka wuxuu qolooyin kala duwan ka dhigaa "hal reer" (family), wuxuu unkaa "reerweyn" ama "raxanweyn". 
Dhalashda degaanno "wabar" leh waxay dhaliyeen samaysanka tuulooyinka isku xira dhaqanka ugaaratada, beeralayda iyo xoolodhaqatada, waxaana yaraaday dadkii u dhiman jiray baahida, maadaana hilibkii ugaaratada iyo mirihii ay tabceen qodotada, kor u dhigeen nolosha iyo caafimaadka dadka. Tanna waxay keentay kororka dadka siibana dhalinyarada: Waxaa samaysmay degaammo dhilinta barbaarta ah ee ku nool gaarto  hal "Guda" (labo gaashaan ama 30,000 barbaar). Baarbaar "guda" waxaa yiraahdaa markay u habaysan tahay qaab ciidan, una adag sida geedka yicibka laga guro loo la yiraahdo "Guda". Reerkii leh dagaalyahanno gaaraya "Guda", waa reer adag oo kara in dagaalyahanadiisa qaar u diro qabsashada ama degidda degaanno cusub, isagoo isla markaasna wiiqin awoodda difaaca reerka. Waxaa suuragal ah in reeraha Samaroon Madaxweyne ku biireen "Guda" waqooyiga degneyd, sidaasna loola yeero "Gudabiirsi".

UGAAS
Reerkii barbaartiisa kor u dhaafto labo Guda (60,000), waxaa la yiraahdaa waa reer leh "Gaas" barbaar ah, waana reer eebi badan oo xoog isbedey. Reerkaas oo kale xeerkooda waa ka weyn yahay "xeer wabar", waxayna yeeshaan ugaar ah gaaskaas lana yiraahda "Ugaas". Ugaaska waa inuu yahay nin da' yar, geesi ah, doorashdiisa laga baaraandego , loo talo wadaagaa, loonna dhan yahay. Sida duubyadii dhaqankii hore hargaantiga iyo wabarka, duubka ugaaskana lama dhaxlo ee doorasho ayuu ku yimaadaa!

Islaw:
Wuxuu la micno yahay "Isla-aw" ama "isku ab", waxaana aalaaba la siiyaa ragga dhaxalka u leh "Ugaasnimada", "Garaadnimada", "Wabarnimada",  ama "Boqornimda"
GARAAD
Soomaalidu waxay tiraahdaa: "Tol wadaadna ha lahaado, waranlena ha lahaado". Sidaas hore u sheegnay "Ugaas" wuxuu loo duubay "geesinimo darteed", waxaase badan khalalaasaha iyo khulkhulada colaadaha daba socdo. Taas ayaa keentay in tololka yeeshaan rag cuqaal ah oo xaliyo dhabaatooyinka dadka soo kala gaara. Dadkaas waxaa la yiraahdaa "Garaadyo", waxaana aalaaba yihiin dad "ku talaxtagay tagtada (past), u taagan taalada (present), tilmaama timaadada (future)". Garaadka waa qof abwaan ama qaryoodaan ah, aqoonna u leh garta iyo garnaqqa, xeerka iyo xeergaalka, xigto iyo xigaalka, xinjir iyo xawaaska, xeel iyo xoodaaminta. Taasaana ugu wacan in la yiraahdo: "Tol, garaad garasho leh iyo gaashaan goodiya, ayaa looga gaargaarsadaa".
Garaad waxaa loo dooran jiray nimay aqoonta u dheer tahay hawlkarnimo iyo hawlkasnimo, sidaas ayaa loo yiri: "Garaad ma guuxo, ma gamo, mana gano, ee waa gododo guuraa". Garaadka wuxuu ahaa nin tubxeeshiisu iyo tabxeeshiisu laga shidaal-qaato, lehna awood yibshoxor, yibcir iyo yibxirba. Yibshoxornimada oo ahayd awood iyo xeel lagu nabadeeyo laguna isgaashaanbuuriyo beelaha wada dega, waxay keeni jirtay barwaaqo, baraare iyo beesha oo tiro iyo tayo ahaanba badata. Sababtaas ayay Soomaalidu u tiraah; "Halkuu saaxiib iyo saaxiibtinimo kaa jirto, silic iyo saxariirba kaama jiraan". Yibxirnimada oo ahayd awood iyo xeelad lagu dhaqan iyo dhaqaale ahaan lagu go'doomiyo beesha iyo qofka colaadda wada, waxay keeni jirtay in muddo ka dib dagaal la'aan beeshaas nabad qaadato ama isaga guurto degaanada ay degganaayeen. 

BOQOR
Erayga boqor waxaa la yiraahdaa duub maro ah oo dumarka sida suun ay dhexda ku xirtaan, si ay guntiinada ay wataan hoos ugu dhicin. Boqor waxaa kale oo la yiraahdaa suun ama xarig balaaran oo marsha caloosha ratiga la rarayo, iskuna hayo laba darfo ee kabadda geela la saaro inta aan rarka la saarin. Qofka leh sifada xarigaas oo isku xiro caloosha ama hunguriga tolka ama tolol kala duwan ayaa isna loo yaqaan "Boqor".
A man should sell all
he possesses in order
to marry the daughter
of a scholar, as well
 as marry his daughter
to a scholar.”

Talmud (Pesahim 49a).
Halkaan waxaa ka cad waxa ugu weyn ee qof lagu boqro ay tahay si hantidiisa tolka u anfacdo, marka ay baahi timaado, hantidaas oo uu u bixinayo deeq ama deyn ahaan marka loo baahdo. Boqorka waa kan sii hormariyo marka tolka diyo la saaro, waa kan sii hormariyo sahayda colka duulayo. Boqorku waa falxad "bil lisse" ah, tan oo laga wado, qof leh burji samadda ka yimid oo tolka ama tololka u keema barwaaqo iyo baraara. Baxsanaantiisa, deeqsinimadiisa iyo daryeelkiisa awgeed ayaa Soomaalidu u tiraah: "Boqor waa burjille, bil lisse, boqollaale ah".Sayid Maxamed Cabdulle Xasan isna wuxuu yiri:
Ninkii bala'da lagu yeeriyee, bayraq lagu duubay,

Marna haddaanu bara aain, iyo baahi geys noqonin,

Inaan boqorka loo deynaheyn, ba'ayow sheega.
Markaan baxsanaanta iyo baraaraha laga tago, boqorku waa inuu lahaadaa himilo iyo halbeegeeda, muhaal  iyo tubxeelkeeda (strategy). Boqorku waa dhiirogaliya dadkiisa, kana dhaadhacsho muhimadda ka dhabeynta muuhaalka himilidiisa iyo sido loo gaari karo. Boqorka waa abaabulaha "wadasheyn mideysan" oo tabxeel (tactic) u ah ka dhabeynta  hadafka tubxeesha dhaqan-dhaqaale ee dadkiisa. Boqorka waa daydayaha fursado cusub iyo hagaajinta wixii hagal-daac ah ee jira. 
Developed by Jago Desain