TAARIIKHDA GARAAD AXMED GARAAD IBRAAHIM GARAAD MAXAMED (AXMAD GUREY)

TAARIIKHDA GARAAD AXMED GARAAD IBRAAHIM GARAAD MAXAMED (AXMAD GUREY)

Sawirka Malayaalka ah ee Axmed Ibraahim Gurey (Safka hoose bartamaha) oo labadiisa wiil (Maxamed iyo Naaji) oo garbaha ka joogo. Safka dhexe: Adeerkiis Gaaraad Cadaash (bidix), Awoowiisa Garaad Maxamed Cali Gasasle (dhex sare) iyo Aabiihiisa Garaad Ibraahim Garaad Maxamed Garaad Cali Gasasle Garaad Maxiiqe Garaad Ciye Baalow Siixawle (midig)

Hordhac
Sida ay u tirmeen ama u marin habaabeen sooyaallo tiro badan ee dadka Soomaaliyeed ay lahaayeen, ayay u baaba'een taariikhda boqortooyinkii iyo hoggaamiyaashii bogdhigga u ahaa Soomaalinimada, sida boqortooyinkii Walaasma, Awdal, Harla Kaariye iyo tii Ajuuraan. Waxaa aad iyo aad u yar warka iyo tixraaca laga hayo qaabka ay ahaayeen maamulka iyo raggii horboodka u ahaa  boqortooyinkaas, waxaana arintaas sal u ahaa la'aanta far Soomaali ah oo qoran iyo isirsiibkii Afrikaanimada Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ka bilawday wixii ka danbeeyay qarnigii 18aad. Iyadoo laga guurayo fikradda cunsuriga ah oo tiraahdo qofka madow marnaba ma sameysan karo maamul iyo xirfad dhaqandhaqaale, ayaa si toos ah loo takooray taariikhda iyo dhaqanka Soomaalidii fallaargamayaasha ahaa, faraslayliyaha ahaa, xoolo sabsabaha ahaa, geedogundhabaha ahaa, haybedherilayda ahayd, yib ka cirka ahaa, kas iyo karanweyne ahaa.
Waataa maanta aad aragtaan iyo taariikhdii facaweyneyd ee Baaraxow Daame (ama Dhaame) laga dhigay wax kama jiraan lana diidan yahay inay ahayd tii aasaastay xiriirka Firkii coonka ahaa iyo dhulweynihii dadkii duurdugaalka ahaa ee Boonta. Erayga Boon ayaa waxaa laga dhigay Bun ayadoo la ogyahay inay xilligii faraaciinta iyo ka dibba meel Soomaalida waqooyi bari ah oo "bun" ka baxay ama lagu beeray uusan jirin. Dadka taariikhda Boonta diidan ayaa magacaas u bedelay magacii badmaaxiinta Giriigga ee qarnigii 2aad ugu yeereen dhulka waqooyi bari ee Soomaaliya oo ahaa "The land of Commiphora myrrha". 
Dadka diidaya erayga "boon" una haysta wax xun, waxaysan ogayn in erayga "boon" uu yahay "fallaarta baalasha wada leh" ee ugaarata Soomaaliyeed wada isticmaali jirtay, fallaarta noocaas ahna laga helay xabaalihii faraaciinta ee Fayuum (ku taal Masar) lagu aasay. Fallaar-baal (ama boon) waxaa laga aaminsanaa inay leedahay burji " hoogbaal (hoobaal)", maadaama ay wax disho.  Halkaan waxaa nooga cad in "boonnimadu" tahay hab-dhaqan-dhaqaale oo bulsho kasta Soomaaliya soo martay, ama xilliyaga qaar soo martay. Waxaan ognahay in xilliyada abaaraha oo ay beeraha iyo xoolo ba'aan, in reeraha Soomaaliyeed oo aan la kala saarin  ay qaadan jireen fallaar-baal , baxjoogtana soo ugaarsan jireen.
Nasiib wanaag, wixii ka danbeeyay qoraalka afka Soomaaliga ayaa dadyow tiro badan oo aan hore cod u lahayn ama aanan aqoon u lahayn qorista afafka ajnabiga ah iyo kan Soomaaliga ah, ayaa awood u yeesheen inay baaritaan ugu dhaqaaqaan sooyaalkii hore ee Soomaaliya iyagoo ururinayo malayaallo iyo abtirsiinyo tiro badan, isna barbardhigayo kuwii ay Soomaalidii hore ay ka qoreen dadyowgii ajnabiga ahaa sida Carabta, Boortogiiska iyo Xabashada. Buugaagtaas qaar ka mid ah ayaa lagu tarjumay Af Faransiis iyo Ingiriis, hase yeeshee raggii ama qorayaashii tarjumay ma ahayn kuwo marnaba yaqaanay abtirsiimaha iyo tololka Soomaaliyeed ee markaa degganaa dhulweynaha Soomaalida Galbeed ee xilligaa loo yaqaanay Gabal. Magacyada qaarna waxaa loo qorow si khaldan, oo haddii qof Soomaali ah la qori lahaa, uu ka saxi lahaa erayaal tiro badan oo si xun u qoran.
Si sooyaalkaan sii lumayo, wax looga reebo ayaan isku dayaynaa inaan isku keenno wixii laga qoray halyeygii Geeska Afrika; iyadoo si gaar ah u eegayno qoraaladii laga dhaxlay Xabashadii kolkaas la dagaalaysay Axmed Ibraahim Maxamed, iyo Oroomadii ku soo fiday degaanadii uu ka kacshay Xabashada inta uu dagaalka ku jiray.

Developed by Jago Desain