Posts

Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari oo Ufeyn u ambabaxay

Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka ambabaxay wefdi balaaran oo uu
horkacayo gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.

Wefdigan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland
kuwaasoo ay ka mid yihiin wasiir ku-xigeennada amniga, howlaha guud
iyo kaluumaysiga wuxuu socdaalkoodu ku wajahan yahay degmada Ufeyn ee
gobolka Bari.

Ujeedada socdaalkooduna waa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen shir
balaaran oo maanta ka furmaya degmadaas islamarkaana ay soo qaban
qaabiyeen maamullada degmooyinka Ufeyn, Carmo iyo Waaciye.

Shirkan oo ah mid lagu gorfeyn doono arimo badan waxaa waxyaabaha lagu
soo qaadi doono ugu muhiimsan xoojinta is dhex galka iyo wax wada
qabsiga bulshooyinka sadexdaas degmo.

Goobta lagu shirayo oo ah miyiga degmada Ufeyn waxaa sidoo kale ku
sugan in badan oo kamid ah waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee
beelaha deegaanadaas ku dhaqan.

Wuxuuna shirkani sidoo kale gogol xaar u yahay shir balaaran oo
dhowaan isla degmada Ufeyn ka dhacaya kaas oo looga xaajoon doonno
sidii loo soo afjari lahaa colaado horay deegaanka uga dhacay.

30-kii bishii lasoo dhaafay ee April waxaa degmada Carmo ka dhacay
shir sadex geesood ah kaas oo ay wada yeesheen maamullada degmooyinka
Ufeyn, Waaciye iyo Carmo isalmarkaana ay kasoo qayb galeen
mas'uuliyiinta ugu sareeya maamullada labada gobol ee Bari iyo
Karkaar.

Shirkaas oo noqday kii ugu horeeyey ee noociisa waxaa lagu kala
saxiixday heshiis mideynaya sadexdaas degmo dhigayeyna in
degmooyinkaasi ay iskaashi buuxa oo dhan walba ah yeeshaan si ay u
higsadaan horumar balaaran oo u dhigma kan ka jira degmooyinka waaweyn
ee Puntland.

isku soo duuboo shirarkan ayaa qayb ka ah dadaal la rabo in laba
beelood oo walaalao ah oo colaad ka dhex jirtay mudooyinkan la
heshiisiiyo

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain