Beelaha Siwaaqroon ,Dashiishe iyo Cali Jibraahiil oo baaq wada jir ah kasoo saaray magaalada Boosaaso

Duubabka dhaqan ee kasoo jeeda beelaha Dashiishe Cali Jibraahiil iyo
Siwaaqroon oo maanta ku kulmay magaalada Boosaso ee xarunta gobolka
Bari ayaa soo saaray baaq ay u dirayaan mudanayaasha baarlamaanka ee
Puntland, waxaana ay ka codsadeen baarlamaanka inaysan taageerin
degmooyinka Baargaal,Ufayn iyo Waaciye in laga saaro degmooyinka
xibiyada Puntland ay ka tartamayaan.

Baaqa ayaa u qornaa sidaan:


KU: Golaha Xeerdejinta Puntland
Garoowe.
OG: Saxaafadda Madaxa banana
Fadhiyadooda.

OG: Golaha Sare ee Garsoorka Puntland
Garoowe.
OG: Madaxweynaha Puntland
Garoowe.

Ujeeddo:Baaq ay wadajir usoo saareen Beelaha Dishiishe,Siwaaqroon iyo
Cali jibraahiil.

Hordhac.

Curashadii Gobanimada soomaliya oo ku aadnayd 1dii luulyo
1960kii,waxaa lagu dhaliyey dhiigga ummada sooliyeed qaybaheeda kala
duwan oo aan u kala harin sidii ay isaga ridi lahaayeen heeryada
gumeysiga,taas oo lagu gaarey xorriyad iyo qaranimo magac iyo maamuus
weyn ku yeelatay Dunida inteeda kale. Waxaan muran kajirin in guushaas
weyn ay saldhig u ahayd isku duubni,tala wadaag iyo daacadnimo laga
simanyahay si loo gaaro yoolka la higsanayey.

Waxa kaleeto oo iyana laga fiyoobaa qabyaalad,quud jacayl iyo qaybsan
ka jira dhexdooda,taas oo sabab u noqotay jiritaanka qaran
soomaaliyeed muddo ka badan soddon sano,iyadoo ay marba hoggaanka
qabanayeen maamullo kala duwan oo mid waliba ka tegey raad iyo
taariikh qoran oo lagu xusuusto .

Nasiib darro gobanimadii dhibkaas weyn loo soo maray waxaa si fudud
god dheer loogu ridey bilawgii sanadakii 1991dii,waxaana ka dhashay
dagaal sokeeye oo daba dheeraaday islamarkaasna kala geeyey dadkii
wada degganaa ee walaalaha ahaa.inbadan ayaa kala firirkii u baxsaday
Dalalka debedda,in badan oo kale ayaa marti u noqotay wadamada aan
deriska nahay kuwaas oo loogu madacdaray Qaxooti,ilaa maantayna ku
nool nololosha adduunka tan ugu liidata.

Muddo kaddib Burburkaas iyo barakaca dhacay waxaa ka dhashay degaanno
iyo dadyow isu tegey oo labaxay magacyo cusub ee Maamul,waxaana kamid
ah Puntlan iyo Somaliland.

Dhismihii Puntland.

Muddo kaddib Burburkii qarankii soomaaliyeed dadka ku nool gobolada
Puntaland waxay hindiseen isku day farabadan oo ku saabsan sidii lagu
soo celinlahaa Qarankii soomaaliyeed iyadoo meelo kala duwan lagu
qabtay shirar lagu raadinaayo sidii dib loogu unki lahaa Dawladnimadii
soomaliyeed,hase ahaatee waxaa dhacday in lagu wada fashilmay
dhammaantood,taas oo ay usabab ahayd in ay weli jireen fikradihii iyo
shaqsiyaadkii burburiyey qarankii soomaaliyeed,islamarkaasna aanay
maskaxdooda ka bixin Damicii iyo kursi jacaylkii dhaliyey in lawaayo
wixii lahaystey oo dhan(Dawlad,hanti,iyo naf ).

Markii taas laga soo haray ayaa wax garadka Bulshada reer puntland
isugu yimaadeen isku tashi gaar ah si ay u dhistaan maamul u gaar ah
oo isir wadaag ah, kaas oo ugu dambayntii 1dii Augost 1998 kii lagu
dhawaaqay maamul loogu magacdaray Puntland.

Ujeedada maamulkaas waxay ahayd inuu saldhig u noqdo baadi goobka soo
celin rajadii qaranka soomaliyeed iyo midnimadoodii luntay ,iyadoo
Somaliland horay u dhisatay mid kaas ka horjeeda oo ay ku sheegeen
inay gooni isu taageen ayna dib ugu soo noqon doonin soomaalida
inteeda kale,marka laga reebo deristnimo keli ah.

Dhismaha maamulkaas isir wadaagga ah wuxuu horseeday hanaan
Maamul,Dhaqaale ,Siyaasad iyo mid Amni oo ay ku kuunyaan soomaalida
inteeda kale iyo caalamkuba,iyadoo marba marka kadambeeya uu jirey
koboc saameeynaya dhammaan nolosha ijtimaaciga ah oo ay ugu weyneyd in
ay soomaalida iyo derisyada kaleba marti u noqoto,qof walibana uu ka
helo baahidiisa halka uu ka joogo(kaga noolyahay).

Waxaa iyana xusid mudan in maamulkaasi si buuxda u wada gaaray
dhammaan gobolada iyo degmooyinka loo dhisay isagoo ay si
dhammaystiran uga wadashaqeeyeen hayadaha Dawladda,inkastoo ay jireen
marwalba caqabado kala duwan oo dhinac socdey horumarka iyo nabadda
aan ka jirin soomaalida inteeda kale.

Waxaa iyaduna xusid mudan in ay muuqatay himiladii loo dhisay puntland
maxaa yeelay waxay horsed ka ahayd dhismihii Dawladdii soomaaliyeed ee
lagu soo dhisay Dalka Kenya (imbegati) sanadkii 2004,iyadoo uu
madaxweyne ka noqday madaxweynihii Aabaha u ahaa dhismahii
Puntland,ilaa iyo haddana puntland waxay kaga jirtaa kaalin libaax
sidii looga gudbilahaa kumeelgaarka oo loo dhisi lahaa dawlad Qaran
soomaaliyeed oo buuxisa kaalintii lagu yiqiin ummadda soomliyeed.

Maamulka puntland iyo halka maantay uu marayo waa mid Alle lagu
mahadsho in kastoo ay jiraan gol daloolooyin u baahan in wax looga
qabto sida ugu habboon islamarkaasna ay gacanta ku qabtaan dad ay
hormuud u yihiin odayaashii unugeeda lahaa.

Waxaan ku faani karnaa in maantay larabo in loo gudbo habka Axsaabta
badan iyo doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca iyadoo horayna loo
ansixiyey Dastuurkii dalka oo si weyn looga baaraandegey ,ayna
diyaarintiisa iyo Dib u eegistiisaba kawada qayb qaateen bulshada oo
dhan siiba culimada Waaweyn ee puntland si looga fogaado inuu
khilaafno diinteena Xanafiga ah.

Dastuurkaas oo loogu talagalay in lagu dhaqo maamulka dalka waxaa
fulintiisa iska leh hayadda fulinta ,iyadoo ilaalintiisana ay
leeyihiin Golaha wakiilada puntland oo u badan niman shaqaynayey intii
puntland jirtey.

Waxaa kale oo mudan inaysan ilaawin madaxda Maantay in puntland ku
dhisantay wada tashi iyo rabitaan shacab,balse aan lagu dhisin afduub
iyo xoog,ciddii taas isku daydana waxay ka mudan doontaa fara maran
iyo fadeexan aan weligeed ka harin.

Marxaladda Xisbiyada Badan iyo doorashooyinka.

Maadaama aan ka gudbeyno habkii xulidda,oo aan u gudbeyno habaka
doorashada waxaa lagama maarmaan ah inaan dhawrro shaciga iyo xeerarka
aan ugu tala galnay inaan ku gaarno meesha aan u soconno,waxaana si
gaar ah xil uga saaranyahay hayadaha kala duwan ee dawladda
,maxaayeelay haddii aan la dhawrin shuruucdaas waxaa dhici doonta in
aan lagaarin halka loo socdo ,amase ay dhacaan qalalaaso dhaliya
carqalado Siyaasadeed iyo kuwo Amni, maadaama ay jirto kala
duwanaansho Siyaasadeed iyo mid fikir oo ka dkex jirta intii wada
dhisatay puntland amase ay qaar ka mid ah ay madasha hadda ka
maqanyihiin,taasna waxaa lagaga hortegi karaa in aan wada dhawrro
sharciga siwada jir ahna ugu hawlagallo hawlaha socda.

Waxaa muuqata in durba lamarin habaabiyey arrimaha la xidhiidha habka
Doorashooyinka iyo Xisbiyada soo socda lagana leexshey tubtii
toosnayd,taas oo horseedeysa dhibaatooyin ka abuurma puntland
dhexdeeda,waxaana hormuud ka ah Marin habawgaas madaxda Qaranka iyo
hawlawadeenada ay u magcaabeen arrimaha Doorashooyinka iyo xisbiyada
badan.

Guddiga Doorashooyinka Puntland .

Si loo gaaro Dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah waxaa lagama maar
maan ah in la helo ciddii hawshaas si gaar ah ugu qumi lahayd oo aqoon
iyo daacadnimo kaga mira dhalin lahayd.

Maamulka hadda jiraa wuxuuna magcaabay guddigii hawshaas hogaamin
lahaa,balse nasiib darro weyn waxaa ah in madaxda sare ee guddiga
doorashadu yihiin kuwo aan horay loogu aqoon hoggaan
Caddaaladeed,balse ku caanbaxay Cunsuriyad iyo Qabiil jacayl,waxaana
taas u daliil ah sidii ay u maamuleen xubnihii Ergada Beelaha Gobolka
Bari uga qayb galay ansixinta dastuurkii Puntlad ee dhowaan ka dhacay
magaalada garoowe, waa tallaabadii ugu horreysey uguna fududayd hawsha
laga sugayo ,waxayna awoodi waayeen iney lasugaan xeeshooda marka
hawsha weyni bilaabato.

Waxaa kale oo markhaati ah wixii horay looga soo maray waqtigii
UNISOM,iyo halka ay kaga jireen muranka Degmooyinkaas
(Baargal,Ufayn,Rako iyo waaciye),iyadoo maantayna aad mooddo in ay
doonayaan in loo noqdo waqtigii UNISOM oo ay ka soo wareegtey 20 sano,
iyagoo ka bilaabay shaqadii loo igmaday halkii horay loogu ogaa,waa
rajo xumo muujineysa in raadkii hore dib loogu noqdo,tan haatan
lawadaana aan lagu guulayasan oo ay mar dhow fashilanto.

Xeerarka Doorashooyinka dalka

Waxaa jirta in lasameeyey sharciyo kala duwan ee la xidhiidha
Doorashooyinka,kuwaas oo ay saldhig u yihiin Dastuurka Dalka,haddaba
waxaa muuqata in ay hadda jiraan shuruuc ka hor imaaneysa dastuurka
dalakeena kuwaas ay kamid yihiin sharciga Doorashooyinka Golayaasha
Degaanka,kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha wasiirada puntland,
haddana uu horyaallo golaha wakiilada puntlad,sharcigaas waxaa ku
qoran sidan hoos ku qoran:

In Doorashooyinka Golayaasha degaanku ka dhici doonaan 20 Degmo kamid
ah Degmooyinka Puntland,kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen
Degmooyinkii jirey markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee
soomaaliya,iyadoo laga tegey degmooyin kale oo ay horay u magcawday
Dawladdii dhexe ee soomaaliya ,mana jirto sabab sharci oo loo kala
saari karo Degmooyin puntland wada ah isla markaasna isku
waqti,Dawlad iyo Dekreeto ah,degmooyinka laga tegeyna wexey kala
yihiin:-
1. Degmada Baargaal
2. Degmada Ufayn
3. Degmada Waaciye
4. Degmada Rako

Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dastuurka Dawladda Puntland uu
qorayo in doorashooyinka puntland ay kawada dhicidoonto dhammaan
Degmooyinka puntland,Degmo wlibana ay xaq u leedahay in ay hesho
kuraasta ay kaga qayb geleyso dhismaha Dawlad Demuqraadi ah ee ka
dhalata Puntland.
Haddaba Beesha Baaqan soo saartay markay aragtay arrimahan kor ku
xusan waxaa lagama maar noqotay iney soo saarto Baaqan ku socda
Xildhibaanada Puntland waan kan hoos ku qoran:-

Qodobada Baaqa .


  1. Golaha wakiilada Puntalnd waxaan halkan ugu soo gud bineynaa baaqan aan kaga cabanayno in sharciga dalka loo adeegsado sida uu jecelyahay ninka gacanta ku haya ,taas oo macneheedu yahay in lagu tunto xuquuqda Dadka muwaadiniinta ah iyadoo la fulinanaayo dano qof iyo mid Qabiil.
  2. Waxaa Beelaha baaqan soo saaartay cabasho ka soo jeedinayaan dhammaan Degmooyinka Puntland ee laga tegey ee aan kor ku soo sheegnay kuwaas oo loo diidanyahay iney helaan xuquuqdooda dastuuriga ah,ha ahaadeen kuwii dawladdii dhexe ee soomaaliya magcawday,ama kuwa ay puntland magcawday,kuna shaqeeyey maamul Degmo sida Degmada Carmo iwm,islamarkaasna mutaystay in Doorasho laga sameeyo.
  3. Waxaan u soo jeedineyneynaa golaha wakiilada puntland in ay iyagu dadka wakiil u yihiin ayna difaacaan cidda xuquuqdeeda la duud siyayo. Waxaan xaq dhawreynaa xilka aad u haysaan ummada iyo xeerarka dalka,waxaana idinka rajeyneynaa tallaabo raali gelisa Bulshada Puntland dhammaanteed,gaar ahaan Demooyinka iyo Beelaha Baaqacabashada ah soo gudbiyey.Waxaan rajeyneynaa inaad cabbirikartaan cawaaqibka ka imaankara bulsho la caburiyo,iyadoo laga dheehankaro Baraarugga maantay ka socda caalamka hereerteena deggan.
  4. Waxaan uga digeynaa Golaha Baarlamaanka Puntland in eysan sabab u noqon kala goa Dunta tabarta daran ee isu haysa Puntland,gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool,kuwaas oo waayadan dambe lagu xamanayo inay noqdeen kuwo u adeega cid gaar ah amase fushada Dano gaar ah.
  5. Waxaa muuqda in aysan hirgeli doonin hawsha xisbiyada badan iyo doorashooyinka Dawladaha hoose haddii aan la helin hoggaan lagu kalsoonyahay iyagoo madaxda hadda hawsha loo diray aanay ehel u ahayn,aanna lagu aamini Karin iney maamulaan masiir ummadda u dhexeeya,waana riyo khiyaali in lagu hammiyo iney hawsha siiwadaan haddii la doonayo in wax ka qabsoomaan.


Beelaha Baaqan wadajirka u qoray waxay halkan si wadajir ah ugu caddaynayaan inaanay doorashooyin ka dhici doonin degaanada ay ku noolyihiin iyo inta la aragti ah haddii aan wax laga beddlin sida hadda wax u socdaan.


Wa billaahi tawfiiq

Beesha dishiishe

Odey Guud-Warsame Muuse yuusuf (. Shaaquuf)
'' '' salaad Cali Oday
Nabadoon Liibaan Cismaan saalax
Cismaan Ismaaciil braahim (Xarrago)
C/laahi Xaaji Ciise
Maxamuud Maxamad shirwac
Sahal C/salaam yuusuf
Cali Cismaan Maxamad
Gaacshe Maxamuud Afcasre
Yaasiim Xasan Qaal.


Beesha Siwaaqroon

Nabadoon Axsmad Salaad C/raxmaan
Maxamad Caynab Muuse
Nuur Maxamad Xuseen
Sheekh Maxamuud Axmad Cali
Cawil Jaamac Muuse
Caaqil Cawad Xaaji Cumar
Faatax Cali C/raxmaan
Siciid Maxamad Siciid

Cabdalle Axmad Maxamuud
Ganacsade Cismaan Xaaji yuusuf
Axmad Maxamad ciise
Cali Maxamuud Cali (C. Xoolo side)
Maxamad salad yuusuf


Beesha CaJi li braahiil 

Nabadoon Cali Cumar Guure
,, ,, Yuusuf Faarax Maxamuud
,, ,, Xirsi waaberi Xaaji nuux
,, ,, Cali Cumar Guure
,, ,, Xasan huruuse Guuleed
,, ,, mahad askar maxamd
,, ,, Maxamad AW-Aadam Yuusuf
,, ,, Aadam cali saalax
,, ,, Mxamad Aadam muuse
,, ,, Xasan Axmad muuse
,, ,, Maxamad Xuseen Maxamuud
,, ,, C/laahi Shire Maxamad
,, ,, Axmad Xasan Maxamuud
,, ,, Jaamac Jibriil muuse
,, ,, Cabdi faarax Maxamuud
,, ,, Khaliif huruuse Yuusuf
,, ,, Bashiir ciise Irbad
,, ,, Ismaaciil Sheekh cabdisalaam
,, ,, Axmad C/laahi Xaaji Cumar
,, ,, Axmad xaaji Maxamuud Axmad.
Ganacsade Maxamd huruuse yuusuf
,, ,, Cismaan Shure Maxamad
Ganacsade Yaasiin Cartan Maxamad
,, ,, Cali Mire cartan
,, ,, Maxamda siciid Dable
,, ,, Maxamad Mire waaberi
,, ,, C/laahib cabdi saalax
,, ,, C/risaaq salad Cabdi
,, ,, Cumar Jaamac Jiriido
,, ,, Maxamuud Bile cabdi
. Maxamuud Mire waaberi
,, ,, C/salaam Naxar maxamad
,, ,, Sahal Maxamd Axmad
,, ,, Axmad Cismaan Irbad
,, ,, bAxmad Maxamad Maxamuud
,, ,, Naalaye Aadam yuusuf
Developed by Jago Desain