Posts

Kooxo Hubeysan ayaa degmada Waabari ee Gobalka Banaadir ku toogtay Majaajiliiste Marshaale

Kooxo Hubeysan oo aan Heybtooda la garaeynin ayaa goor dhow waxa ay
Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir ku Toogteen Allaha u Naxariiste ,
Majaajiliistihii Caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq oo ay Soomaali u
taqaano Marshaale.

Dilka Marshaale oo la sheegay in ay geesteen 2 Dhalinyaro ah oo ku
hubeysan Bistoolada ayaa waxa uu dhacay wax yar ka hor Xiligii Loo
Diyaar garoobeyay Afurka.

Allaha u Naxariistee Marshaale ayaa la sheegay xiligii la dilayay in
uu fadhiyay afafka hore ee hoygiisa waxeyna kooxda dilka u geestay
Marxuumka ay ku dhufteen 4 Xabadood.

Dadka Deegaan ayaa Marshaale ula Cararay Cisbitaalka Madiina, balse
Markii loo Gudbiyay qolka Camaliyaadka ayuu u Geeriyooday dhaawicii
soo gaaray .

Maamulka iyo shaqaalaha shabakad Baargaal.net waxay halkan tacsi
tiiraanyo leh uga direysaa umada Somaliyeed dilkii gardarada ahaa ee
loo geystay Maarshaale oo ahaa majaajileyste ay umada Somaliyeed
jeceshahay.

inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain