Posts

Madaxweyne Faroole oo qalinka ku duugey xeerka axsaabta siyaasadda ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa
qalinka ku duugay xeerka axsaabta siyaasadeed ee Puntland kaas oo ay
dhowaan soo ansixiyeen goleyaasha wasiirada iyo baarlamaanka ee
Puntland.

Kulankan uu madaxweynuhu xeerkan ku saxiixay oo maanta ka dhacay
xarunta madaxtooyada waxaa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha
wasiirada iyo gudoonka gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka
Maxamed Xasan Barre, wuxuuna sheegay in gudigu intii uu jirey uu hawlo
badan qabtay.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in waxyaabaha la taaban karo ee ay
qabteen ay kamid yihiin: daah furka Dastuurka, afti u qaadistii
Dastuurka iyo diyaarinta xeerka axstaabta.

Madaxweynaha oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey
gudiga doorashada isagoo xusay inay dadaal iyo karti dheeri ah
muujiyeen, islamarkaana ay howl adag qabteen.

Wuxuuna intaas kadib si rasmi ah qalinka ugu duugay xeerka axsaabta
siyaasadda oo ay dhowaan golaha baarlamaanku dood dheer kadib cod
aqlabiyad leh kusoo ansixiyeen.

Talaabadan ayaa noqonaysa mid soo dhoweyneysa balan qaadkii ay
xukuumadda hadda jirtaa horay u samaysay ee ahaa in doorashooyinka soo
socda lagu geli doono hanaanka Dimuqraadiga ah ee axsaabta badan.
Developed by Jago Desain