Posts

Puntland oo sheegtay Ajaanibtii la afduubay in Hobyo lala aaday

Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu
sheegay in kooxdii shalay gobalka Mudug ka afduubay shaqaalaha hay'ada
IAS ay u baxsadeed dhanka magaalada Hobyo ee koonfurta Mudug.

Warbixinta kasoo baxday dowlada Puntland ayaa lagu shaaciyey magacyada
samafalayaasha la afduubay oo kasoo jeeda dhamaantood dalka Kenya.

Sida lagu xusay qoraalka maanta Dowlada Puntland soo saaray dadka la
qafaashay iyo illaaladii la socotay ayay kooxo hubeysan ku weerareen
meel 6km dhanka Waqooyi ka xigta magaalada Bacaadweyn ee gobalka
Mudug.

Labadii gaari oo ay wateen hay'adan iyo illaaladii la socotay ayaa la
sheegay inay weerareen sadex gaari oo ay wateen kooxdan hubeysan oo
gaarayey 14 dabley ah oo qaarkood ku hubeysnaa boobayaasha loo yaqaan
BKM.

Xiligii uu afduubka dhacayey ayey kooxda rasaas xooga fureen ayadoo ay
halkaasi ku dhaawacmeen sadex qof oo uu ku jiro Wakiilkii hay'ada IAS
ee Puntland Axmed Ciise Xassan oo uu dhaawac culus soo gaaray hadana
lagu hayo isbitaal ku yaal Gaalkacyo, labada qof oo kale dhaawacmay
ayaa kamid ahaa ciidamada SPU ee Booliiska Puntland oo waardiye ka
ahaa dadka la afduubay.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la baxsaday sadex qof ee dalka Kenya kasoo
kale jeeda oo magacyadooda kala yihiin:

1- Haweenay lagu magacaabo Ms. Madoni, oo ahay madaxa wafdigan,
2- Mr. Kariyota, oo ah nin Injineer ah oo u shaqeeya hay'ada IAS;
3- Mr. Abdinur Kambasse, oo dhakhatar Somali ah oo heysta dhalashada
Kenya una shaqeeya hay'ada IAS.

Wafdigan ayaa ka yimid kormeer ay ku tageen magaalooyinka Bacaadweyn,
Xarfo iyo Roox, waana kormeerkii 4aad oo ay ku tagaan deegaankaasi tan
iyo sanadkii 2011, sida lagu sheegay xogta laga helay dowlada
Puntland.

Kooxdan kormeerka u socotay ayaa maalinimadii Arbacadii oo shalay
ahayd ka baxay Garowe ayagoo kormeerkooda soo dhameystay isla shalay,
balse kooxdan ayaa xili ay marayeen jidka Bacaadweyn oo ay kasoo
kicitimeen tuulada Roox, kuna soo jeedeen Garowe, ay jidka u galeen
kooxdan oo la filayo inay dhaq dhaqaaqooda la socdeen.

Kadib afduubka ayey ciidamada Puntland isku dayeen inay ka daba tagaan
maleeshiyadan hubeysan, ayagoo xiray wadooyinka waaweyn sida
Gaalkacyo, Jariiban iyo Bali Busle, isla markaana xiriir la sameeyey
tuulooyinka si looga hortago kooxdan, waxaana abaabulkan qeyb weyn ka
qaatay Guddoomiyaha gobalka Mudug Maxamed Jaamac Yusuf Tigey oo asagu
hogaaminayey ciidamadii ku raadjoogtay kooxdan wax afduubtay.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la xaqiijiyey inay gaareen Tuulada Towfiiq
halkaasi oo la sheegay inuu iska horimaad ku dhexmaray maleeshiyadan
iyo dadka deegaanka oo isku dayey inay qabtaan.

Maleeshiyadan ayaa la sheegay in ay ku guuleysteen inay u gudbaan
dhanka magaalada Hobyo.

Dowlada Puntland ayaa ku eedaysay Kooxda Al Shabaab inay ka danbeysay
afduubkan oo maleeshiyada wax afduubay siiyeen lacagta iyo gaadiidka
lagu fuliyey weerarkan, wallow kooxdaasi aysan weli sheegen afduubkan
ka dhacay shalay gobalka Mudug.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain