Posts

Tahriibayaal Naftooda ku waayey bada Liibiya

Tahriibayaal gaaraya 54 ayaa ku geeriyooday bada u dhaxeysa dalalka
Liibiya iyo Italy, kadib markii doontii ay wateen burburtay.

Doontan ayaa dadka saaran waxay gaarayeen 55 ruux, waxaana ka
badbaaday hal nin oo u dhashay dalka Eritereya.

Doontan ayaa dhamaadkii bishii June kasoo baxday xeebta dalka Liibiya,
ayagoo kusii jeeday dalka Italy, balse doonta ayaa ciladi ku timid
xili ay u dhaweyd xeebaha Italy, taasi oo keentay in dabeylo doonta
dib ugu soo celiso dhanka bada.

Dadka doonta saaran ayaa u dhintay haraad, waxaana la sheegay in ugu
danbeyntii doontan oo ka sameysan balastik ay burburtay, waxayna bada
dul sabeenaysay muddo 15 maalmood ah.

Ninkan ka badbaaday musiibadan ayaa waxaa bada kasoo saaray ciidamada
bada ee dalka Tuuniisiya kadib markii ay soo sheegeen kaluumeysato u
dhalatay dalka Tuuniisiya.

Sanadkan 2012ka waxaa ku dhintay bada u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo
Italy dad gaaraya 170 ruux, walow ay ayaguna jiraan 1300 Tahriibiyaal
ah oo nolol ku gaaray Italy, halka 1000 kale ay gaareen jasiirada
Malta.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain