Urur Cusub oo Degaanka Baargaal Looga Dhawaaqay (Sawiro )

waxaa si rasmi ah looga Dhawaaqay Degaanka Baargaal urur cusub oo
magaciisa marka lasoo gaabiyo la yiraahdo ACDO Action Community for
Development Organization ururkan oo ka shaqayn doona arimaha
bulshada sida wax barashada daryeelka caafimaadka iyo ka shaqaynta
deegaanka Baargaal iyo Nawaaxigeeda iyo horumarinta dalka iyo kobcinta
garaadka dhalinyarada oo waqtigan u baahan in dhinacyo badan laga
baraarujiyo.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta ururka ayna ka qeybgaleen
dhalinyaro ,Masuuliyiin kasocotay Maamulka iyo Dawlada Hoose ee
Degmada baargaal , Nabadoono ,Ganacsato , Culimo , Waxgarad iyo
marti sharaf kale .

Munaasabadaas oo ay Hadalo ka jeediyeen masuuliyiintii kasoo qayb
gashay Xaflada , Hadaladaas oo u badnaa dhiirigelin iyo bogaadin ayaa
waxay diirada saareen qiimaha ay bulshada u leedahay wadajirka iyo
midnimada,

Muddadii ay socotay munaasabaddaasi ayaa lagu soo bandhigay ,
waxqabadka ururkaas mudadii yareed ee la waday abaabulkiisa

Asagoo ururku maalmo kahor Furitaankiisa uu Olole ballaaran oo ay iska
kaashadeen maamulka Degmada Baargaal ka sameeyeen ‎Wadooyinka ,
Suuqyada iyo Banaanka Magaalada Baargaal ‎

Ololahaas oo ay Ka qayb galeen dadweynaha Degmada Baargaal iyo ururka
ACDO ayaa waxaa ‎ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa
Gudaha Magaalada Baargaal iyo Banaankeeda si ‎ay mar kale u soo
muuqato Bilicdii ay lahayd magaaladu , waxaana ololahani uu ahaa mid
si ‎weyn loo soo abaabulay isla markaana ay horseed Ka ahaayeen
Xubnaha Ururka ACDO .‎

urur dhisidan ayaa ku soo beegmaysa ka gadaal markii ay arkeen
dhalinyaradu in deegaan kooda iyo dadkoodba aan waxba loo qabanahayn ,
hadayan ayaga bilaabin inay wax qabsadaan iyo sidii aan dib dambe loo
majara habaabin ayna ka tashanayaan ayahooda iyo mustaqbalkooda ayna
taageerayaan wax alaale wixii Degaanadan wax uqabanaya






Intaasi kadib waxaa la gudagalay in loo codeeyo musharaxiintii isu soo
taagtay xilka hoggaanka ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta arimaha
bulshada ACDO , kuwaas oo ahaa ku dhawaan ilaa Sadex xubnood, iyadoo
musharax waliba uu soo bandhigay waxqabadkiisa mustaqbalka haddii la
doorto.

Doorashada oo si deggan ku dhamaatay ayaa waxaa ku guuleeystay in uu
noqdo guddoomiyaha cusub ee ururka ACDO C/risaaq Maxamuud Siciid

Si kastaba ha ahaatee dhalinyaradu waa lafdhabarka bulsha KAsta
waxeyna gacan ka geystaan barnaamijyada horumarineed ee Degaankooda ,
iyadoo magacaabista ururkan loo arko in uu horseed u noqon karo
horumarin ku timaada arimaha Bulshada degaanka

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain