Posts

Muqdisho oo caawa qarka u kortay in mar qura dhamaan shacabka ay ka barakacaan

Magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya ayaa caawa waxay
mar qura qarka u kortay in dhamaan shacabka ay ka barakacaan ka dib
markii magaalada oo dhan ay mar qura rasaas xoogan ka bilaatay.

Rasaastaan oo aad u xooganeed ayaa salaadii maqrib ka dib waxa ay ka
wada bilaabaatay dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana wada
ridaayay ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya, taa oo ay kala jeedeen
farxadda ciida.

Dadka oo muddo cabaar ah moog ahaa ayaa qof waliba waxa uu bilaabay
inuu xabadka dhulka dhigo iyaga oo garan waayay meesha laga soo galay
iyo rasaasta dhaceysa waxa ay tahay ,waxaana dadka ay bilaabeen in
taleefano ay si hoose isugu diraan hase ahaatee waxay ugu dambeen
ogaadeen in rasaasta ay dabaal deg tahay.

Maalinta beri ah ayaa waxay tahay maalintii 1-aad ee ciidul fidriga,
waxaana caawa badi magaalada Muqdisho laga maqalayaa takbiirta ciida,
iyadoona dhamaan dadka ay yihiin kuwo aad u wada faraxsan.

Waxaan hanbalyo u diraynaa dhamaan umada soomaaliyeed meel kasta ay
dunida ka joogaan waxaan ilahay ka rajaynaynaa in uu naga aqbalo
cibaadada Soonka cadaabtana uu naga xoreeyo Insha Allah.

Waxaan Alle weydiisanaynaa in u dalka Soomaaliya iyo dadkaba uu ka dul
qaado dhibaatada iyo abaaraha uguna badalo Nabad, Cadaalad, Horumar,
Sinaan, iyo Barwaaqo.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain