MUCJISADA MAQALKA


Dhamaan Aayadaha quraanka ee ka waramay Maqalka iyo araga waxa Ilaahay soo horu mariyay Maqalka -marka laga reebo hal Aayad  ( ربنا أبصرنا وسمعنا)سورة السجدة - الآية (12  -.
Ilamaha yari marka uu dhasho waxa uu wax ku bartaa maqalka in ka badan waxa uu ku barto araga, Qofka ku dhashay dhago la'aan way adkaanaysaa inu waligii barto Luuqad ama hadalkaba, Lakin qofka ku dhashay isaga oo la'a nimcadii araga, waxa uu baran karaa luuqado faro badan si fudud waliba.
Waxa jira kumanaan cabaaqiro ah oo indho la'aa, lakin way adagtahay inaynu soo helno dad faro ku tiris ah oo dhego la,aa cabaaqirona noqday, walibana haddii maqal la'aanta uu ku dhashay.


(والله أخرجكم من بطون أمهاتكم لا تعلمون شيئاً وجعل لكم السمع والأبصار والأفئدة لعلكم تشكرون(النحل أية (78).
Aayadan wuxuu Ilaahay horraysiiyay Maqalka isaga oo ka hadlaya habka Ilamaha yari wax ku barto, taas oo tilmaamaysa in maqal asaas u yahay.

Sheekh M. mutawalla shacraawi ayaa isaga oo ka hadlaya xikmadda ku jirta horraysiinta maqalka ayaa wuxuu yidhi: "Qofka aadamaha ahi marka uu waayo Araga waxa uu waayey waxkasta, wuxuu ku jiraa mugdi iyo madow, waxba ma arkayo, waxkastana wuu jiidhayaa.. lakin marka uu qofku waayo Maqalka wax buu arkayaa markaas masiibadu way ka fududahay, lakin Ilaahay waxa uu horraysiiyay Maqalka taasina waa mucjisada Quraanka oo waxay ku tusinaysaa In Ilaahay Mudnaanta siiyay Maqalka, sababtuna waa Maqalka oo ah shayga koowaad ee hawshiisa gutta marka ilamuhu soo dhasho, waa shayga Aad ku maqlayso yeedhmada Aakhiro. Dhagtuna ma seexato waligeed.
Maqalku waa xubin kowad ee hawsheeda si toosa u bilawda marka Ilmu soo dhasho, haddii aad timaado Ilma yar oo markaas uun dhashay agtiisa oo aad kor u dhawaaqdo waxa laga yaabaa in ilmaha yari oohin isla saro kaco, lakin haddii aad gacantaada u dhawaysid Indhishiisa waxaad dareemaysaa inaanu samaynayn wax dhaqaaq ah, taas oo ka dhigan in Ishu ka duwantahay dhagta xaga hor bilawga hawsha.
Qofku haddii uu seexdo xubnaha badankoodu way seexdaan marka laga reebo dhegta oo hawsha maqalka si joogta ah u wada. Haddii aad rabtid inaad toosiso qof hurda oo aad gacantaada u dhawayso indhihiisa ma dareemayo, lakin haddii aad samayso dhawaaq ama sanqadh wuu kasoo hambabarayaa hurdadiisii isla markaba.
dhanka kale dhegtu waa isku xidhaha Aadamaha iyo Adduunka, Ilaahay(swt) markuu doonay inuu Asxaab Alkahf seexiyo Boqolaalka sanno wuxuu yidhi:(ضَرَبْنَا عَلَى آذَانِهِمْ فِي الْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدً)[ [الكهف: 
haddaba halkaas waxa ka cad markii maqalkoodii caddilmay ama hawsha hakiyey waxay awoodeen inay seexdaan boqolaal sanno oo xidhiidh ah, taasi waa sababta sanqadha iyo guuxa maalintii jira awgeed ay u adagtahay in la seexdo hurdo fiican, deganaanshaha iyo sanqadh la'aanta habeenkuna waa sababta ay hurdada habeenku u tahay mid si fiican oo raaxo leh loo seexdo, lakin dhegtu ma seexato mana joojiso hawsha markasta.



Waxa jira waxyaabo kale oo aynu aragno sida in Ilaahay (swt) uu quraanku xusay maqalka markasta isaga oo ah kali(assamcu ) oo ka dhigan maqal , halka uu araga ku xusay isaga oo ah badni ama jamac(Absaar) oo ka dhigan aragyow, Ilaahay wuxuu ku yidhi suuratul Fusilat ( (وَمَا كُنتُمْ تَسْتَتِرُونَ أَنْ يَشْهَدَ عَلَيْكُمْ سَمْعُكُمْ وَلا أَبْصَارُكُمْ وَلا جُلُودُكُمْ وَلَكِن ظَنَنتُمْ أَنَّ اللَّهَ لا يَعْلَمُ كَثِيرًا مِّمَّا تَعْمَلُونَ[)

haddaba waa maxay xikmadda ku jirta in Ilaahay sheegay maqal isaga oo ah kali(mufrad) halka uu arag sheegay isaga oo badan( jamac).? iyada oo ay suurto gal tahay in la yidhaahdo maqal iyo arag ama maqalo iyo aragyow.

Lakin Ilaahay (swt) waxa uu inoo caddaynayaa xikamadda iyo xeeli dheerida Quraanka, Aragu waa dareen qofku uu maamili karo, isaga ka jeedsanaya waxaanu rabin ama Indhaha isku qabanaya si uu araga u xidho. Lakin dhagta ama maqalku maaha wax aad maamuli karto ama aad xakamayn karto doonistaadana kuma xidhna, haddii aad fadhiisato qol ay joogaan toban qof oo qofkastaa hadlayo, qofkasta hadalkiisu wuu soo gaadhayaa dhagtaada doon ama ha doonine, lakin aragaaga waad xakamayn karta adiga oo eegaya kaad rabto, qof walibana xaguu doono ayuu eegayaa hadba doonistiisa, lakin maqalka dhamaanteen isku wax ayaynu maqlaynaa, taas oo macnaheedu noqonayo xaga araga waa lagu kala taganyahay oo qofwaliba xaguu rabo ayuu eegayaa lakin xaga maqalka waa la wadaagaa isku wax ayaa la maqlayaa mar haddii meel la  wada joogo, waana sababta Ilahaay maqalka uga dhigay mid aragana uga dhigay qaar badan.

Haddaba dhagta ama dareenka maqalku waxay shayqaynaysay Ilaa maalinkii aad adduunka timid xaaladkasta iyo meelkasta oo aad joogtid, halka xubnaha kale laga yaabo inay nasasho galaan marka laga reebo wadnaha iyo wixi la halmaala.
haddii ay dhegtu hawsheeda gabto waxa qaylo iyo buuq iyo sawaxan adduunka jiraa qofka dhibi maayaan hurdadana uga kici maayo.

Indhuhu waxay u baahanyihiin iftiin si ay wax u arkaan oo marka iftiinku ku dhaco shayga soo noqoshada iftiinkaas ayuu qofku wax ku arkaa, lakin dhegtu hawsheeda waa joogto habeen iyo maalin, iftiin iyo mugdi , haddii aad soo jeedo iyo haddiiba aad hurudo, waligeed ma seexato mana istaagto. 

SUBHANNALLAAH.
Developed by Jago Desain