Guul ku timid Riyo

Guul ku timid Riyo waxa laga yaabaa inaanad magaca garan lakin waxaad garanaysaa hawl uu qabtay qofka magacaas leh (Harry potter) shekadaas khiyaaliga ah

j.k.Rowling: hore ma u maqashay magacaas.?


waxa laga yaabaa inaanad magaca garan lakin waxaad garanaysaa hawl uu qabtay qofka magacaas leh (Harry potter) shekadaas khiyaaliga ah ee haddana ku guulaysatay iibsigii ugu badna,  gabadhan qortay sheekadana ay hantiday inay noqoto Billionaire sida uu qoray wargeyska Forbes ee ka hadla xaga dhaqaalaha, 2007 ayaa waxay soo saartay gabadhani qaybtii toddobaad ee sheekada Harry potter taas oo  ay sugayeen malaayiin qof si ay u akhriyaan sheekadan, Maraykanka oo kaliya waxa la iibsaday 12milyan oo bugaas ah hal maalin gudihii.


Haddaba waa tuma gabadhani sidee ayaanay ku guulaysatay.?


waa gabadh ingiriis ah  waxay kasoo shaqaysay Ingriiska, faransiiska kadibna Portugal halkaas oo ay dhigi jirtay school caruurta wax lagu baro , halkaas ayaanay isku barteen nin ay markii danbena is guursadeen waxaan u dhashay gabadh yar.
dhawr sanno kadib wuu furay ninkeedii kadib markii uu dhex maray muran iyo qas badan ilaa ay arrinkooda soo dhex gashay safaaradda ingiriisku ku leeyahay Portugal. Waxay Rowling ku laabatay waddankeedii ingiriiska halkaas oo ay la kulantay waxaanay filay, Hooyadeed ayaa dhimatay intii ay maqnayd! arrinkaas oo ku noqday filanwaa warwar badanna ku abuuray.


Rowling waxa ay la dagtay walaasheed oo ku noolayd magaalada   Edinburgh .


Sannadkii 1995kii - Rowling sannadkaas ayay soddon jirsatay- waxay bilawday inay qorto sheekada willka yar ee samaynaya mucjisooyinka badan ee sixirka ah Harry potter kaas oo ay ka heshay markay ku riyootay , waxay ku riyoonaysay iyada oo saaran tareenka sawiro humaag ah oo horteeda soo marayay kuwaas oo qofaynayay sheekada Harry potter .


waqtigaas waxay ku noolayd Rawling lacag caydh ah oo ay  ka qaadan jirtay xukuumadda.


Dabaacaddii Buugga:


Rowling markii ay dhamaysay qorista sheekadan khiyaaliga ah waxay geysay meelaha lagu daabaco buugta ama madbacadaha kuwaas oo ay kala kulantay gacansaydh inay daabacaan sheekadan , Rowlingmay niyad jabin ee waxay waday raadintii waxaana diiday in kabadan 12 madbacadood!!


raadin badan kadib waxay heshay nin haysta madbacad yar oo ka ogolaaday inuu daabaco buuga, sababta uu ugu qancay  waxay ahayd inantiisa yar ee siddeed jirka ah oo u sheegtay inay aad u yaab galisay sheekadani kadib markii ay akhriday.
ninkii haysatay madbacadda waxa uu ku xidhay Rowling shardi ah inaanu ku qorin magaceeda buugga ee uu ku qorayo kaliya xuruuf lasoo gaabsaday, waxaanu ku sababeeyay in dadku aanay iibsanayn buuggan haddii ay ogaadaan inay qortay gabadhan oo aanay dadku jeclaysan doonin, way ka aqbashay Rowling.


Buuggii waa la daabacay suuqa ayaanu galay, buuggii waxa loo iibsaday si wayn waana lasoo dhaweeyay dad badana way ka heleen sheekadan halkaas oo noqotay bilawgii guusha iyo caan baxa Rowling.
waxay ku dhiiratay Rowling inay qorta sheekadan oo ay dhamaystirto waxaana suuqa soo galayay buugagta ay qortay oo gaadhay toddoba buug waxaana laga sameeyay afar filim


Samayntii Boqortooyada Harry potter:


sida la ogyahay buugtan Harry potter waxa suuqyada lagu iibiyay in ka badan 400 oo milyan oo buug dhamaan dacalada dunida , Rowling waxay noqotay maal qabeen.
Rowling waxay noqotay mid ka midah shakhsiyaadka raadka iyo saamaynta leh uguna magaca wayn leh Qarnigan.


sida uu qoray wargeysa SUNDAY TIMES ee ka soo baxay maraykanka Rowling waxa ay noqotay qofka 136 aad ee ugu Hantda badan caalamka, xaga dumarkana waxay noqotay Gabadha 13 aad ee ugu maalqabeensan sannadkii 2001dii.

Sannadkii 2006 sidaay ay qortay wargeyska Forbes Rowling hantideedu way siyaaday waxaanay noqotay gabadha labaad ee ugu hantida badan caalamka, liiska dadka ugu caansan caalamka waxay noqotay qofka 48aad sannadkii 2007.


Dulucda sheekada:
  • Riyadaada waxaad u badali kartaa run kaliya haddii ay kugu jirto doonista ah inaad wax noqoto.
  • gabadhan carmalka ahayd ee ay soo mareen dhibaatooyinka isdaba jooga ah haddana ka baxday waxay tusaale u tahay dadka isku dhiibay dhibta ee hankoodii iyo doonistoodii dilay.
  • Guusha waxay u baahantahay sabir badan waxaynu sheekada ku aragnay inta madbacadood ee diiday inay u daabacaan buuga iyo sida aanay u quusan gabadhani.
  • inaanu hankaagu yaraan oo aanad ku qancin guusha yar ee aad markaasta higsato meel sare.

Developed by Jago Desain