Posts

Prof. Maxamed Xareed:: La kulankeygii aqoonyahanada bahda ee wax ku barta Uganda

Safarkii aan ku tegey Kambala Caasimada Dalka Uganda wuxuu ii ahaa
fursad qaali ah. Waxan soo arkay wiilkeyga Bashiir oo aanan muddo
arkin, waxaana la kulmay arday bahda ah oo wax ku barata jaamacadaha
wadanka Ugandha.

Waxaa kale oo fursad wacan ii aheyd in aan la kulmo dada badan oo
ehelkeyga ah ama bahda ah oo aanan waayo is arkin. Safarkeyga Ugaandh
wuxuu ii suurtageliyay in aan soo barto dad badan oo tolka ah oo waayo
dheer deganaa Ugandh iyo Bariga Afrika-ba kuwaas oo loo yaqaano
Sijuuwi.

Soomalidi ugu horeysay ee soo gashaya degtana Bariga Afrika waxay
ahaayeen Siwaaqroon, waayo waxay lahaayeen doonyo u sahlay in ay isga
gooshaan qaaradaha khaas ahaan Bariga Afrika iyo Aasiya.

Bahdeena halkaas degani si sharaf leh ayey u noolyihiin oo waa
shaqeystaan, hase yeeshee hanti buuran ama shirkado ma laha sida
beelaha kale oo wax isku darsaday oo shirkado iyo gancsi xoog leh
sameystay.

Farxad iyo ididiilo waxaa i geliyay in aan la kulmo fikrado aan
isdhaafsano ardey badan oo bahda ah oo ka kooban gabdho iyo wiilal.
Ardeydu waxay isugu jiraan kuwo hadda bilaabaya jaamacadda, kuwo
dhowaan qalinjebinaya iyo kuwo waxabarasho heerka sare ku jira sida
heerka shahaadada loo yaqaan Masterka (M.sc.).

Maalinti ciidda ayaa sheekh Liibaan Maxamed Saciid iyo xaaskiisu nagu
casumeen gurigooda ay ku leeyihiin Kambala. Dayaafaddaas waxaa ka soo
qaybgalay ardey badan oo tolka ah oo degan Ugaandha rag iyo dumar ba
leh , Taasu waxay noo suurtagelisay in aan isku barano, fikrado qaali
ah na la isweydaarsado iyo in dhan kasta la iska kaashado.

Aniga iyo Sheekh Liibaan Maxamed waxaan si qotadheer wadahadalo ula
yeelanay ardeydi iyo bahdii halkaas joogtay, waxanna u soo jeedinay
talooyin waxaanna ku geesigelinay in ayan waxbarashada ka daalin ayna
iskaashiga badiyaan.


Doorashadi guddiga ardeyda

Habeenki dambe ayaa ardeydu shir khaas ah ku qabsadeen hotel qurux
badan. Xafladaas waxaa ka soo qaybgalay ardeyda bahda gabdho iyo
wiilal ba waxaa na goobjoog ka ahaa marti sharaf ay ka mid ahaayeen
Liibaan Maxamed Saciid iyo aniga oo ah Maxamed Xareed. Shirkaas waxaa
laga soo jeedshay fikrado iyo talooyin wacan ee lagu xoojinayo
midnimada, iskaashiga ardeyda iyo sidii loogu tabaabusheysanlahaa
mustaqbilka.

Waxan anigu gaar ahaan ugu riyaaqay farxad na i geliyay waa tirada
buuran ee ardeyda iyo biseylkooda sareya. Hadda ka hore ma i soo marin
tiro intaas leeg oo ardey tolka ah oo waxbarasho heer jaamacadeed ku
jira. Waxaa la soo jeedshay in xiriir aqoon isweydaarsi iyo iskaashi
la dhexdhigo ardeyda qurbajoogtada ee beesha.

Ugu dambeynti waxaa halkaas lagu doortay guddiga ardeyda oo ka kooban
sadex ardey oo isugu jira gabdho iyo wiilal. Waxyaalaha ugu muhimsan
ee ay ardadaasi u qabtaan bahdooda waa in ay soo dhoweyaan dejiyaan na
ardeyda cusub. Waxay xiriiriyaan ardeyda dalka joogta oo dooneysa in
ay waxbarasho u yimaadaan Ugandha. Waxay ka shaqeyaan sida ay
ogolaasho uga soo saarilahaayeen jaamacadda si ay ardeydu si
sharciyeysan ugu soo gelilahaayen Ugandha waayo waa sida ugu sahlan ee
loo helo Visaha Wadankan.


Waxan si weyn ugu hambalyeynayaa waalidiinta iyo ehelada u
surtageliyay ardeydaas in ay waxabarasho heer jaamacadeed ku sii
wataan wadan shisheye. Ma sahlana in qof dhalinyaro ah uu dal shisheye
waxbarasho ku sii wato, waayo waxa ka horimaanaya waxyaalo badan oo ku
cusub ardeyda. Dhanka kale marka laga eego taasi waxay leedahay
faa'ido weyn, waayo qofka ayaa bislaanaya oo kalsooni iyo isku
filaasho kororsanaya.

Waxan hubaa in marka ay ardadaasi soo dhameystaan waxbarashadooda oo
ay wadanka ku soo laabtaan ay horumar la taabankaro u horseedidoonaan
degaankooda iyo dadkooda. Saas darted waxan ugu yeerayaa qof kasta oo
waxgarad ah oo ka tirsan beesheena in uu taageero ardeyda wax u
baraneysa dadkooda iyo degaankooda. Waa in la ogaadaan in ardeydu ay
wax u baraneyso danta guud ee bahdooda iyo degaanka ba.



Prof. Maxamed Xareed
Developed by Jago Desain