Abwaan Bacadle oo Shirib cusub Afar goobood iyo bar (4.5) ka soo uruuriyay (Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo shabaabki sheeganaay)

Goobtii 1-aad
A:- Siyuum Masfin ma sow Rabaa, Sagaal Abgaal ku saacideen.
B:- Wixii Sabcaayey Saaxibow, Sacad iyo suul hartow badnaay.
C:- Walax la soocoo suntanaay , Sagaal Abgaal u saari maa
A:- Sayuun Masfin Sali uu fidshaa, waa siryo safar Macsiyeed
B:- Sowdkoo dhan waa la sajilee, Saxiixayaalku waa siyeedC:- Nin soo Soohdintiini suntadoo, saxiix rabaa ku saacideen.
A:- Salaaxaan iyo Soohdintaan, Waxaad saxiixdeen sedex Joor.
B:- Sowd Beena lama Suubsadee, bal ii sifee Sedexda Joor.?
A:- Saban Talyaanigii iyo, Salaad Gabeyriyo Yunusom.
A:- Salaad Gabeyre yaa Suntoo Siyaad u Dhiibay Saq dhexaad.?
Goobtii 2-aad
A:- Aleylehe Axmed Diiriyow, Afhayeen waa astaahishaa.
B:- Axmed Ragaa ku aadanoo, Shirkaan abaabulee ogaaw.
A:- Inkirimaayi arinkaas adaana ugu Owr-sanaay.
B:- Isim ka sheeg Abgaal Cusmaan, aan Sheekh Cabdi Iimaan eheen?A:- Aftahan Abdullaahi Shiikh, aqoonyahankii Geedi Owr.
B:- Amiiradaaynii SSA, ma waadan Abshirow aqoon.
A:- SSA iyo SNA Ma aqbalaan Axkaamu diin.
B:- Imaamyadii iyo reer Ugaas Waxaa aqbalay Geedi Owr.
A:- Adyaa ku baray Geedi Owr Adeege Daa’uud maa eheed
Goobtii 3-aad waxaa is weydaarsanaya maxaakiimtii iyo meel ku gaarka
Max:- Haddey Tigreegu kaa tagaan tatoonyadeena waa taqaan
KMG:- Tegi maayaan intaan talaa amase leydin tir tiraa
Max:- Waxaa Tigree ku tashatiin Inaan tumaatiyey tegee
KMG:- Tigree iyo Taangi waa tolkeey idinse waa I toogateen
Max:- Timir kastaa lafaa dhex taal Tigreena deked waa tabee
KMG:- Tigreegaan leyga taabamaa intaan ka tabareysahaa
Max:- Ma taada kulalihiyaa Teydana leyga taaban maa
KMG:- Adna tawakal Calalaah ana Tigreeya Taangigaan
Max:- Taariikh madowya towbad seeg Tigreena beriyow tegaa
KMG:- Talada Tigree kuuma taal Taruurixi tuuryo nacaseed
Max:- Tigree iyo Taangi waa tageen Taariikh madowse tirmi mee
Goobtii 4-aad, waa hogaamiye kooxeedyada
A:- Habaar aruurayaa heloo hogaamiye kooxeedyo waa hereen
B:- hogaamiyeyaalkii halgankaan kan u habaaran (H) ku sheeg.?
A:- Anow horeeyey Heer habaar ninkii ku hadlay waa heshaa
B:- Halkaanu heyb kalow galaa Heer madmadoobe (H) ku sheeg.?
A:- Hal haadiyo hal heybihaa iyo hal hundhurey naqdeen
B:- Hal gankii haaman dhiig ahaay Mo how ku hoobtay (H) ku sheeg.?
A:- Ha igu sheegin halgankaas Hal odayaa ka soo hereee
B:- Halkaana wax yarow heree hogaanka rag ma loo hayaa.?
A:- Hogaanka duul hanuunsanoo Kutaabka heystaa loo hayaa
Barkii 5-aad
 A:- Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo shabaabki sheeganaayB:- Sidaa u sheegtay Shaabad saar Hal shaqsi la shareysamaa 
Developed by Jago Desain