Golaha Barlamaanka oo qaar kamid ah awoodihii Madaxweynaha laalay

Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta fadhigoodii 15 aad waxaa ay ku
yeesheen Magaalada Muqdisho waxaana ay kulaaleen qodobo badan.

Kulanka Baarlamanka ayaa waxaa looga doodayay qodobo ku jira Dastuurka
Soomaaliya loo sameeyay,waxaana kamid ahaa Arinta ah Madaxwaynaha inuu
awood u yeesho kala darista Baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamad sheekh cismaan Jawaari ayaa
kalfadhigaan shirgudoominayay iyo labadiisa Ku xigeen.

Qilaafka ugu wayn ayaa waxaa uu ahaa Markii baarlamanka ay diideen
maanta in Madaxwaynaha uu kala diri karo iyaga,waxaana ay codsadeen in
qodabkaas laga saaro dustuurka.

Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa isku dayay inuu hoos geliyo
in qodobkaas la dhaafo laakiin waa ay yeeli waayeen Baarlamanka, waana
laga bixiyey dastuurka sidaa darteed MADAXWEYNAHA MARNABA KALAMA DIRI
KARO BAARLAMAANKA.

Baarlamanka ayaa sidoo kale waxaa ay diideen in Wasiirada aysan noqon
10 balse loo baahanyahay in 18 la gaarsiiyo.

shabakada Baargaal@gmail.com
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain