Hees aad u Macaan oo qoraal ah

Heeso qoraal ah

nin haween jeclaaday
hawl iyo dhibaatiyo
waayi maayo hadimee
anoo kuu hanweynweyn baad
halbowlaha i go'ysoo
warba iima haysidee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
Baydka labbaad
hedu way baxaysaa
ilayn haybsan maaye
aan kaa horeeyee
haddii kale aan hoydoo
halkii loo badnaa iyo
aakhiro u hayaamee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
by: Mmc Deeq

lovepromise

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa

 heestaan waa hees mcn oo qaas ahIlkaha u eg daruurtee
ciridkaaga duxulka aa
mawluhu ku daahiyo
Debnaha duxusha moodee
mar mar dib uga faydiyo
Sanqaroorka soo degay 
Indha deeraleeyeey
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey 
Dumar ugu filrooneey 
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu masaalyeey 
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey 
Dib timaha u dhacayiyo
Dilimaaha dhabarkiyo
Sida dixida xaada 
Dayrwaa ?? qaadkiyo 
Suniyaasha duuda ah 
Camaan doombir laayee
Daymada xishoodka
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay 
Dahab lagu masaaleey 
Da'da tii todaba toban
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey
Marka socdka dhamacdee
Degenida talaabada
Miisaanka lagu daro
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yidhaahdaan 
May daarin ciidee 
Da'uus la moodyeey 
Daymada xishoodka 
Markad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
oo layga darayaa 
Indho deeraleeyeey
Dumar ugu filrooneey 
Dayax shan iyo tobanaay 
Dahab lagu masaaleey 
Da'da tii todaba toban 
Guga loogu darayeey
Indha deeraleeyeey

maxamed mooge

 Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa

Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa

Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa

hees aan caadi ahayn

Bushaaradii Nafteydaaaay!

Bishaaradii naftaydaay! 
Bugto waxaan kuu soo maray, 
Batallaalihii uu 
Boodhari ku aasnaa. 
Ilaa buurtii Daalood, 
Buraan iyo Hadaaftimo, 
Ceerigaabo iyo Badhan 
Beleddadii kalgacallada.
Iyagoo barwaaqo ah 
Biyuhuna qulqulayaan 
Balliyaduna buuxaan, 
Soo booqday awgaa. 
Sidaan ahay bukaansocod, 
Markii ”baanta!” lays yidhi, 
Bilaneey la’aantaa, 
Lay baxnaannin kariwaa! 
Bini-aadan baad tahay 
Bashar kula midaan ahay 
Naf kuu baahan baanee, 
Barbarkaaga ila qabo! 


Bishaaradii naftaydaay! 
Ballan aan u galay axad 
Weligey kamaan bixin, 
Uma laba-bogleyn ruux. 
Belbelkaniyo naartani 
Baaxaa-deggeygiyo 
Bixisadan ku haysiyo, 
Waa maxay badweyntani! 
ku boqraye ha baayicin
Hayska dhigin biraan jabin, 
Buuraan la mari karin, 
Beena hayska dhaadhicin!
Baxsantaan jeclaayeey! 
Baadiyoobay awgaa, 
I badbaadi maantaad 
Sida bahal i sidataa! 
Bani-aadan baad tahay 
Bashar kula midaan ahay 
Naf kuu baahan baanee, 
Barbarkaaga ila qabo!

Waaw Waaw iyo king khaalid

Waayey oo ku waashoo i wal waali wadna heygoo 
inaan inaan ku weheshado ayaan donayaa 
waayo waayo badan ku doon donayoo 
maalintaan ku arkaan hee waxaan idhi waaw waaw.

waaw waaw wuhowow... way way way ahahaaaaaa 
waaw waaw wuhowow... way way wayeey ahahaaa

hadan yarta dayn lahaa jacalybaa igu dirqinayoo.....
hadan yarta dayn lahaa jacalybaa igu dirqinayee
hadan yarta dayn lahaa jacalybaa igu dirqinayoo
hadan yarta dayn lahaa jacalybaa igu dirqinayoo


markaan yara ee gaba dareenkeyga wuxu uu modayaa...
markaan yara ee gaba dareenkeyga wuxu uu modayaa

inaan durdurkii janada dhex dabaalanayoo.
inaan durdurkii janada dhex dabaalanayoo


somaalay sidee baan
somaalay sidee baan
ugu dul qataa 
ugu dul qataa

Repeat......

Waayey oo ku waashoo i wal waali wadna heygoo 
intaanan waaw waaw waaw odhanoo 
inaan inaan ku weheshado ayan doonayaa
waayo waayo badan ku doon doonayoo 
intaanan waaw waaw.


waaw waaw uhowoow way way way ahahaaaaaaaa 
waaw waaw uhuwoow way way wayeey ahaaaaaaa

Hanaanka daayin siiyaybaa baa indhuhu ay ku doogsadaan.......
Hanaanka daayin siiyaybaa baa indhuhu ay ku doogsadaan
Hanaanka daayin siiyaybaa baa indhuhu ay ku doogsadaan
Hanaanka daayin siiyaybaa baa indhuhu ay ku doogsadaan

markaan yara ee gaba dareenkeyga wuxu uu modayaa...
markaan yara ee gaba dareenkeyga wuxu uu modayaa

inaan durdurkii janada dhex dabaalanayoo.
inaan durdurkii janada dhex dabaalanayoo

somaalay sidee sidee
somaalay sidee baan
ugu dul qataa 
ugu dul qataa

Repeat......

.

HEES KALE AAN CAADI AHAAYN

dunida adan kaa rabaa
daayin intuu abuuray

dookhaygaa ku raacooo
ku dalbaday 
deeqday maankayga

adigaa dagay qalbigaa hahaaa
wadnaha dacalkiisee

soo dagoo i daawee
macaaneey i daawee
soo dagoo i daawee
soo dagoo i daawee


dadka taan ka doortaay
dawadii naftaydaay


taan darsay wanaageed

ku dalbaday deeqdey maankayga
ku dalbaday deeqdey maankayga
ku dalbaday deeqdey maankayga

adigaa dagay qalbiga hahaa
wadnaha dacalkiisee


soo dagoo i daawee
macaaneey i daawee ala
soo dagoo i daawee
soo dagoo i daawee

 

By Lafoole

Nuurkii indhaha iyo 
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyaay
Calaf ineey u noqotaay

Ku nagaatay labtoo 
Nuudayaasha beerkiyo wadnaha
baad ku nabantahayee

Naruuradii jacayl kaay
Sharka laga nasahayee
Sidii nirigta maandeeq 
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan 
Bilaneey kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay

Tii nacab iblaysiyo
Naxli laga fogeeyaay
Noocii ijaabada
Tii lagu nisbeeyaay
Nooci ijaabada
Tii lagu nusbeeyaay
Nasteexadii Ilaaheey
Tii aan ka nooginee
Naajax ku ahaydee



Nugul laba u kala roonee
Naqa iyo abaartuye
Soow laabta umaad noqon
Dagarka iyo doogii

Nacas lama amaanee
Naagaba adoo wacan
Nin raga saamigii siyee

Naruuradii jaceeylkee 
Sharta laga nasahayee
Sidi nirigta maandeeq 
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan bilaneey
Kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay

Lafoole

Dumarkaba Aduunbaa
iigu dhaga nuglaayoo
aan soo dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
waxad tahey dhakhtaradii
mudo iga dhayeeysoo
waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
inaad dhoofto jeceshahey
gaadhigaa dhakhsanayee
kusidaa ma dheeliyo
uma seexdo dhinacyada

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
iyo dhagaxa dahabka ah
qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
iyo dhool aroor da'ay
dhul xareedi wadhantahey
uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
dhawaan soo bax kugu yidhi
dharaar qudha aduunyada
hanti aad ku dhaqatiyo
ha ka waayin dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo.

 

Jacayl kala awood weyne
kii iilka dhigay qays
laylana ag seexshaa
ana igu abuurmoo
oogaduu ku faafoo
diiday inaan adkaysto
iikaa asqeyoo igu kaa
eryaayee ogow naftaa 
kuu ooman adigeee hee
imisaa adoo kale arji
ila timadoo oofin maayo 
aan idhi awadaa uu joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari

Axdi been lama galoo
wacad lama ilaawoo
ruuxii ku aaminaa
lagama indhasaabtee
afar sano iyo dheraad
arimahaan dhisaynee
aan is idhi idlaadeee
wadiigii firdheeyee
ogow naftaa kuu
ooman adigee imisaa 
adoo kale arji ila timidoo
oofin maayo aan idhi 
awadaa u joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari

Ma ogtahay aduunyada
rabi inuu ku uumaay
hablo kaa asluub wacan
ee kaa ilwaad qurux
ama aynigaadaa ana
aanan ka oodneyn
waadigan i agmaraye
sidaan ahayba eegine
ogow naftaa kuu
ooman adigee imisaa 
adoo kale arji ila timidoo
oofin maayo aan idhi 
awadaa u joojee
wadnahay i ololeyee ii dhigo
abaalo arintayda meel mari

Cabdi Nasir Macalin 
Dhul biyuhu maraanoo
Xareeduna baliga taal
Wacan bay ku dhalatiyo
Dhul barwaaqo ah ood garan

Bidhaanteedaan waayoon
Baadi doon ku waashee

Bariga ay ku nooshaa
Shinbir buuba igu tidhi

Bararkeeda oon barkadiyo
Basharkeeda ayaan u bogaya
Bishan dhexdeeda oon helaan
Boqal aan soomaan balan ku qaadee
Bilaash laguma dhaartee.

Buurahan Jecleeystiyo
Bartii muuqa dheerayd
Badhtankeediyo 
Baladwayney ku nooshee

Boqolka soo baxaayaay
Shan iyo Tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan Aragaa ha iga tagin.

Labbad

Bootin Dheer Bureeqa oo
Baalasheedii Fidisoo
In ay buubto biloowdoo
Bilcin nadii ka boodaay
Barigii aan is baranaan
Wadnaha boog ku yeeshee
Beerkii bay damqadayoo
Boqoduhu kuu basaasee
Badda casbaan ku gaynayaa
Biyo Janaan kusiinayaa
Bogeeyga waan ku saarayaa
Badbaado ood aragtiyo
Barwaaqo oo aan gaadhnaan
Bilaahi kuugu marayaa.

Buuraha aan jecleeystiyo
Bartii muuqa dheereeyd
Badhtankeediyo
Baladweeyneey ku nooshee

Boqolka soo baxayaay
Shan iyo tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan araga ha iga tagin
Xasan Adan

Caashadu ilaahay
cirka taagay udubli 
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin

Magool
Cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye 
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo 
cilmi guraan ku fadhiyin 
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow

Xasan Adan

Xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin

Magool

Bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadaan
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa yaa jiroo
caad iga ma saarnee
ee cilmiyada ilaahay
anigoon aan casiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.
 

              

Lafoole
Welwel iyo walaaciyo 
kama baxo wareeree
qurbaan waayo joogee
waa la igu waashee

Wadanka aan jeclaa iyo
gacaladi wacneeydiyo
waalidkii i dhalay
kama helo waraaqoo
weeydiimahaan diro
jawaabtoodi waayee
warba iima keenaan

Dadaoow dadooow ha hahaa
dadoow yaan wakiishaa
iiga soo waramo oo
ana iga wargeeyoo
jano laga waraabshaa

Wehel la'aanta kaligeey
goorwalbo i haysiyoo
waxyeeladan ii gaarka ah
oon la ila wadaageeyn

Nafta anaa ugu wacanoo
hilbkeeygi wadhayoo
ugu wacay dugaagee

Doorbiday waraabaha
halki la igu weeraray
waqtigaa i geeyee


Dadaoow ahaa haa
dadoow yaan wakiishaa
iiga soo waramo oo
ana iga wargeeyoo
jano weeyne geeyaa

Waabeey qadhaadhiyo
sunta anaa walaaqdoo
anigaa ku shubay weel
oo kaba waraabee

Diyaradoo oo warkeeyga
hadba wadan u raacoo
ku walabaday hawado

Anaa diiday waan 
xiisaa i wadayoo
waqalbaa ii hilacee


Dadaoow ahaa haa
dadoow yaan wakiishaa
iiga soo waramo oo
ana iga wargeeyoo
jano laga waraabshaa

Developed by Jago Desain