Posts

Kooxda Al-shabaab oo Nabadooncaan ah ku Gawracay Degmadda Ceel buur

Kooxda Al-shabaab ayaa ku gawracay Nabadoon caan ah oo lagu magcaabi
jiray Cabdulaahi Maxamuud Faarax Degmadda Ceel buur oo ka mid ah
meelaha ay ka taliyaan Kooxdaasi.


Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Degmadda Ceelbuur ayaa warbaahinta
u sheegay in saaka subaxii hore la soo dhigay Medyka Nabadoonka
Bartamaha Magaaladda.
Qoyska Nabadoonka ayaa laga soo xigtay in ay Maleeshiyaad ka tirsan
Kooxdu ay Nabadoonka kala baxeen Gurigiisa habeenimadii Khamiista
intii ka danbeysay mudadaasna aan la aqoon meel ay ku hayeeen.


Kooxda Al-shabaab kama hadlin sababta ay u dileen Marxuumka hase
yeeshee Qoyskiisu waxay sheegayaan in uu Nabadoonku ka dhego adagya
inuu bixiyo Lacago ay Kooxdu ku xukuntay isaga & Qosykiisa .

Shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain