Posts

Quusta dadkayga iyo fursooyinka horyaala

Bulsho bulshooyinka kamid ah markay ku adkaato inay isbadal
kusameeyaan waaqicooda waxaa kudhasha cudur khatar ah oo ah quusasho.

Dadkeena somaliyeed oo aan inbadan dhagahooda ku soodhicin wax fiican
ayaa waxaa inta badan arkaysaa in mushkilada quusto ay aad udhexgashay
bulshadeena.

Waxaa qayb wayn kaqaatay aqoonyahanka oo ay bulshadu cilmiku tuhmayso
oo ay in badan ka maqlaan waxyaabo aan fiicnayn.
Maalin ayaan kadhagaystay idaacadd nin aqoonyahan ah laga waraysanayay
markii ay doorashadu dhacday markaas ayuu waxuu sheegay in aysan
dawladda cusub oo ladoortay waxba soo kordhinayn aqoonyahankaas waxaa
intaas dabadhigay in mushkiladda somaliya aan wax xala loo heli karin
.
Iswaydii qofka somaliyeed ee dhibta badan soo arkay dhagaystay xalka
aqoonyahanka maxuu ka qaadi karaah hadalka ninkaas oo ah ninkii uu
iskuhalaynayay una arkayay inuu cilmi iyo caqli dheryahay arintana uu
xal ukeeni doono.
Maxaan kudaawaynaah quusashada
Waxaan orankarnaah si aan bulshadeeda cudurkaas uga dulqaadno waxaan u
baahanahay inaan adeegsano afar arimood.


1: taariikhda oo noo soo gudbinaysah dadkii soomaray waxaay dadkeenu
kujiraan iyo wax ka xun iyo sida ay uga baxeen
Tusaale ahaan nabigeena scw iyo dadkii carbeed oo uu dacwada ka
dhexbilaabay iyo meesha ay kajoogeen ilbaxnimada adduunka iyo sida uu
asaga oo kaligiis ah camalkaas ugu qumay dadka qaar ayaa lagayabaah
inay dhahaan nabi muxamed scw dacwadiisa waxaa laga taageerayay xag
ilaahay taas ayaa guusha keentay .
Aan soo qaadno tusaale kale ninkii wadanka chinaha ee aan maantay
ognahay miisaanka uu adduunka kuleeyahay horumarka gaarsiiyay oo la
oranjiray mow iyo sida ay china ahayd marka uu dhaqdhaqaaqa bilaabay.


Mushkiladihii haystay
30% gumaysi ayay china kujirtay
80% faqri
70% kalaqaybsanan kusalaysan aydloojiyaat
60% cuduro oo waxa taariikhdu warisaah in ay in kabadan 40%
dhalinayarooda ay indhabeelijireenayaga oo ay da.doodu yartahay dadka
dhibtaas kujiray see uga baxeen
Hadday kabaxeen ubadkeenu maantay soo kama bixikarto hadday geesiyaal
hesho maxaa niyad jabka keenay .


2; cilmiga bulshada oo noo faaiidaynayah in riyooyinkii shalay ay
yihiin runta maantay riyooyinka maantay ay noqondoonaan dhabta bari
diyaaradda maalin maalmaha kamid ah ayay ahayd riyo laakiin maantay
waa run


3; mandiqa oo noo faaiidaynayah inqofkii dadaala uu abaalkeeda helayo
qofkii shaqaystah wuu helayaah miraha shaqadaas haddan udadaalno
horumarka bulshadeena waan helaynaah.


4:diinta oo ah rukniga ugu muhiimsan oo ilaahay ayaa noo balanqaaday
inaad guuusha danbe yeelanayno oo musliminta uu ugargaari doono taasna
waa bishaaro kale oo aan quusta kula dagaali karno.


Gabagabo
Walaalayaal quustu waa wax xun mujtamaca ay gasho ma horumaro marka
dadkeena waxaa leeyahay wali wada ayaa furan yaan laquusan ilaahay aan
kukalnoonaano niyadana khayr usheegno.


c/raxman xaashi jabiin.
Developed by Jago Desain