Posts

WAR DEG DEG AH:Dabaylo Qasaare Gaystay oo Gordhow Ku dhuftay Magaaladda Hobyo

Wararka Naga soo Gaaraya Magaala Xeebedka Hobyo ayaa Sheegaya in
gordhow ay Halkaasi ku dhufteen Dabaylo Xoogan oo Sababay Qasaaro Naf
iyo Maal isugu Jira waxaana Wararku intaa Ku Darayaan in Magaalada ay
Baddu U soo dhawaatay Isla Markaana ay Dadkii Isaga Baxayaan.

Mar aan la xiriirnay Dadka deegan ayay noo sheegen in ay Magaaladu
kacsantahay ayna jiraan dabaylo iyo roobab ay wataan in ay Gabi
ahaanba Xeebta iyo Deegaanada ku Xeeran ka Socdaan,wallow uu Qadka
Telfanku Aad u adagyahay hadana Qar ka mida Dadka Deegan oo Markii Ugu
denbeysay aan la xaririirnay iyagoo ku Sugan Degmadda Hobyo ayay noo
xaqiijiyay in ay Jiraan Qasaare Isugu Jira Dhimasho Nafeed iyo Qasaare
Maal hadana waxaa go,ay Isgaarsintii.

Dabaylahan ayaa ku Bilowday inta Badan deegaan Xeebeedyadda Gobolada
Mudug iyo Nugaal waxaa Sidoo kale Dabaylo Xoogan ku dhufteen Degmadda
Garacad Balse nooma Suura galin in aan la xariirno sabab Xaga qadka
Telfonka oo Go,an.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain