Posts

Bogga facebooka oo ku dhaliya Xaasidnimo aad u badan & Hinaase qaar kamida dadka isticmaala

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Jarmalka oo ka
tirsan jaamacada Darmstadt Humboldt ayay ku sheegeen in bogga
facebooku uu ku dhaliyo Xaasidnimo aad u badan & Hinaase qaar kamida
dadka isticmaala.

Khubaradan ayaa xustay in sadex meelood meel dadkii ay diraasadda ku
sameeyeen inay u sheegeen inay naftooda ku arkaan xaasidnimo & hinaase
badan oo ay u hayaan dadka facebooka isticmaala xilliga ay ku guda
jiraan isticmaalka facebooka,
Dadka baaritaankan lagu sameeyey qaar kamida ayaa u sheegay Khubaradan
inay dareemaan murugo & niyad jab& kelinimo iyadoo baarayaashan ay
sheegeen in xasadka & Hinaasuhu uu ku imanayo dadkan marka ay arkaan
warar wanaagsan oo saaxiibadood ku saabsan oo Facebooka ay soo
geliyaan in taasi keeneyso inay ka xumaadaan ama ka hinaasaan,

Daraasadan oo lagu sameeyey 600 oo qof oo dhamaantood u dhashay dalka
Jarmalka ayay sheegeen dadkaa qaar kamida inay ka xumaadaan ama ka
hinaasaan sawirada quruxda badan & warbixinada fiican ee qaar
asxaabtooda kamida ay kusoo qoraan bogga Facebooka,

Hanna Krassanova oo mas,uul ka ahayd khubarada daraasadan samaysay
ayaa sheegtay in Insaanku uu noqday mid ka hinaasa qofka lamidka ah
iyagoo intaa ku dartay in dadka isticmaala Facebooku ay ku arkaan
bogga Facebooka warar& warbixino ku saabsan dad kalle markaasna is
barbar dhigga naftooda & dadkaa kalle taasoo jawaab celinteedu noqoto
in dadka Hinaasaha badan uu aad ugu sii bato Hinaasuhu & xaasidnimadu,
Hanna Krassanova oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in dadka
qaarkii marka ay arkaan sawiro qurux badan oo ku saabsan qof ay
saaxiib yihiin oo fasax u tagay goob qurux badan ama ilme yar oo
saaxiibkii u dhashay ama laba qof oo jacayl wada abuurayay taasi ku
keento inay aad uga xumaadaan,
khubaradan ayaa sheegay inuu xidhiidh toosa ka dhaxeeyo xasadka
facebooka & dadka uu ku dhaco oo aan raalli ku ahayn xaalada dhabta ah
ee ay ku nool yihiin iyadoo taasi ku keento dadkaa qaar kamida inay
naftooda hagaajiyaan si ay sawiro qurux badan & warar wanaagsan ay u
soo geliyaan Facebooka,
Hanna Krassanova ayaa ku soo gabagabeysay in Xasadka & Hinaasaha ka
dhasha Facebooka uu ku keeno dadka qaar inay wax ka bedelaan
noloshooda si ay ulla mid noqdaan dadka ay Facebooka kuarkaan ee
asxaabtooda ah ee ay ka Hinaasayaan,

Ilaah baan ka magangallay dadkaas xasadkooda

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain