Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/Raxmaan Sheekh Maxamed
Maxmamuud (Faroole), ayaa wuxuu si aad ah uuuga digay in Dowladda
Soomaaliya ay isku koobto awooda dalka, haddii loo aqoonsaday inay
Dowladda hogaamineyso dalka iyo dadka Somaliyeed.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/Raxmaan Sheekh Maxamed
Maxmamuud (Faroole), ayaa wuxuusi aad ah uu uga soo horjeestay in
Dowladda Somaliya ay isku koobto awooda.
Faroole ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan aqoonsiga Maraykanka
uu siiyay Dowladda Somaliya, hadana wuxuu ka digay in Dowladda
Somaliya ay awooda isku koobto.
"Waa wax wanaagsan oo mudan in la soo dhaweeyo aqoonsiga uu Maraykanku
uu siiyay Somaliya, laakiin waxaan ka digaayaa maadaama aqoonsi la
siiyay Dowladda, inay awooda kiiligeed isku koobto." Ayuu yiri
Madaxweynaha Puntland.
Dr. Faroole oo wareysi siiyay Laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa
wuxuu ku baaqay, in Dowladda Somaliya ay la timaado wax qabad
wanaagsan, oo Caalamka oo idil uu u riyaaqo.
Shabakadda Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Posts