Gaalkacyo : Masuuliyiinta Xisbiga Midnimo oo kormeerey Xarumaha Bulshada

Dr. Saadiq Eenow Gudoomiyaha KMG ah ee Urur Siyaasadeedka Midnimo iyo
xubno sarsare oo kamid ah Xisbiga ayaa maalmahaan waxay kusugnaayeen
Magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ka wadaan abaabul ayxisbiga Xarun uga
furayaan Gobolka Mudug.
Waxay Masuuliyiinta Midnimo maanta ay booqdeen Xarumaha Caafimaadka
iyo Waxbarashada Magaalada Magaalada Gaalkacyo, iyagoo isla markaasna
la kulmey Qaybaha Bulshada ee Gobolka, Maalmaha soo socda wuxuu
xisbigu Xafiiskii Sadexaad ka furanayaa Gaalkacy, horey ayay Qardho
ugasoo fureen Xafiis, halka Bosasana ahayd meeshii ugu horeysey ee
Xisbigu Xafiis ka furto.
Developed by Jago Desain