Nin maqan tebiddii, waa nin jooga ceebtii - Nuux Saciid Naxar

Waxaa taagan qofkaan garan ma garto waxaa soo socda, xagga garashada Eebbe dadka kama simin, waxaa jira qof saadaalin kara mustaqabalka waxaa dhici doona, sida qaalibka ah gabyaagu wuxuu leeyahay Ilhaam ay wax ku odorosaan. Gabyaa lagu magacaabo Nuux Saciid Naxar (reer Caluula ) oo ilaaliye ka ahaan jiray daarta Baarlamaankii hore ayaa horaantii 1990kii la yaabay carcarta mushkiladdii bilaawga ahayd ee nuxurkeedu ahaa: (qabiil ku bururka, kursi u qooqa, qarannimo diidka, qabyaalad jacaylka, xasadka, dhabar-ka-wareenka, is-naca, sohdimaha qabiilka iyo seero beeleedka). Gabyaa Nuux oo ka tiiraanyeysan belaayada soo higleh ayaa hanuunintii maalinta Talaadada loo qaban jiray shaqaalaha dowladda ka tiriyey gabay taariikhi ah, wuxuu ku maansooday:

Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa'ida'e
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede,
Waxaaan saxay waxaaan saadiyey iyo waxaan samayn doono,
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganayno,
Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye,
Saldanadiina adkaystaan lahaa yaan la saabiline,
Saracadaan lahaa labada webi dooxadaan sare’e,
Soomaali sidii aan la rabay diiday samahiiye,
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay,
Waa maxay sawaxaankiyo haddaba salawga yeeraaya?
Su'aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane,
Soddon qaad rasaastiis aan sinaba loo waayin,
Saqiir iyo toban jirkiinii sitaad nabad sugaysaane,
Safar la laayiyo naflahaan salashay laabtiisu,
Sanaadiiqda lacagta laga buuxiyee dibedda loo saaray,
Saqiir ooyi hooyada sawaxi oday gacamaha sayrin,
Sirqa baahan dhalinyaro sahwiday oo gaajo ay solatay,
Suuq ololay beesada sabayn aan qaar indhaha saarin,
Saraha dabaqa dheer Laanguruus nimanka saanyooday,
Safkayaga dhergaaya oon bulshada eegin siliceeda,
Seedaha sokeeyaha is jaray nabadda seerowday,
Sulfaha dhacay abaaraha sanqaray waxaakan sooyaamay,
Saddex Allifle Jannankii ka biqi yeyna soo maraye,
Sababaha dhibaatadan ku timid waa la soconaaye,
Soomaaliyey Kitaab beenah baa saan inoo galaye,
Saatirkeenna ma loo noqonayaa weyna saamixiye,

******
Sugaanta meeeshaan la rabay waa nigaa sugaye,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaada...

BAARGAAL MEDIA
Developed by Jago Desain