Sidee Ku Noqon Kartaa Waalid Aay Caruurtiisu Jaceylyihiin

Halkaan waxaan kusoo qaadanayaa 5 qodob aan is dhihi karno aad bey ucaawineysaa waalidiinta soomaaaliyeed meel walba ay joogaan.
Qodobadaan waxey kaa caawin karayaan sidii ilmahaaga aad waalid fiican ugu noqon laheyd ayagana aad saaxiib uga dhigan laheyd.

1. Soo Bandhig Jaceyl iyo Kalgaceyl Caruurtaada markaad wax siineeyso si kalgaceyl inaad usiiso maba laguu sheegayo waayo waalid baad tahay, lakin inaad hab siiso oo asagoo laabtaada kujira aad lahadasho oo aad wax ugu sheegto taasna joogteey si uu udareemo inuu laabtaada kudago.

2. Dhageyso : Dhageyso ubadkaaga hadaladuu kuhadlo xataa hadii aadan kuqanacsaneyn kadhageyso si uu udareemo in uu xuriyad haaysto,
mararka qaar waxaa laga yaabaa hadalo aan wax macno laheyn inuu kuhadlo ubadkaaga lakin adiga dhageyso runtana kala hadal.

3. Caawi Si ay Amaan udareemaan : Caawi ilmahaada xili walbo aay ubaahdaan waxyaabaha aad awoodo ee waxbo aanan udhimeyn sidii qof weyn ucaawi oo ula hadal si asagana sidii dhaqan dad weyn uu ubarto, bar inuu xushmeeyo dadka kawaaweyn ado si qasab ah kusanduleyneyn, si amaan ah oo degan kudareensii in uu xushmeeyo ayeeyadiis adeeradiis iyo asxaabta waalidiintiis.

4. Amaan Caruurtaada : Caruurtaada markeey qabtaan wax wanaagsan iyo wax xunba haku qeylin amaan si fiican wax ufahansii waa hubaal wuxuu qalday inuu saxo kama quusanayo.

5. Waqti Sii Caruurtaaada : Caruurta xili walbo yeeysan keli dareemin waqti sii latasho wax fahansii wuxuu tabanayo iyo wuxuu kacabanayo ogoow si dagan ugu jaahil bixi wuxuu tabanayay.
Waqti sii markaankuleeyahay xiligaad cunto ama dhar howlahaas uqabaneysid maahan, waqti aad kuwada hadashaan aad ku ogaato wixii is badalay.

6. Ku baarbaari Diinta : Waxaa xaqiiqo ah hadii ubadka lagu barbaariyo diinta islaamka oo juhdi badan lagu bixiyo siduu ugu barbaari lahaa in ubadkaasi uusan caasi noqon doonin ee xiliga aad caawinta uga baahato uu ku caawin doono insha alaah

Baargaal.net Baargaal@gmail.com _____________________
Developed by Jago Desain