Waa Maxay caashaq

hadii lagu weydiiyo oo lagu su,aalo oo lagu dhaho waa maxay jaceyl maxa ku jawaabi lahayd iisheeg


  Waa Maxay Caashaq , Maxey ku kala duwanyihiin caashaq iyo jaceyl 
 jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raaxmo leh oo aan marna lays saluugayn
waa maxay kalsooni
2.waa maxay kalsooni?
j: sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana ta ku gu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid
waa maxay xishood,
3:waa maxay xishood?
j: xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacayl dhab ah iyo nolol wanaagsan
4:Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la'aantaa ma noolaan karo?
j:waxay u yidhaahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go'in
5: ma marka ka heli taanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?
j:su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan
6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?
j:dhibaatooyink lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha
7:dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?
j:waxaan jeclaan lahaa in aad su'aashan ka soo jawaabtaan idinka oo mahadsan
8:maxaa sababa in qof qof kale u ilmeeyo ha dii uu ka diido jacaylkiisa?
j:waxaa sababa dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta aha ee uu soo bandhigay
9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhig lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?
j:fadlan su'aashan waxaa mudan in aad akhristaw ka soo jawaabto si aan u ogaano fikradaada
10:adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah u hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?
j:runtii tix gelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday
11.hadii aad jeclaatid inan misana si lama filaan ah walaasheed ama inan ka mida ah qoyskeedu kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay
j:akhristaw waxaa haboon in aad nooga soo jawaabto waxaad sameyn lahayd hadii taasi kula gudboonaato
12:hadii aad jeceshahay qof misna aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd?
s:rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga
13: weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ?
j:sidoo kale su'aashan adigaa xaq u leh in aad ka soo jawaabto
14:maa rumaysantahay jacayl laga sameeyo intarnet ama telfoon in lagu guulaysto ?
j:haa waan rumaysanahay waayo waxaa jirta in dunindan wax walba lagu arki karo mana aha wax aad u sii ridan in ay rumawdo waayo horeba waa loo argakay dad ku guulaystay xidhiidhka caynkan ah
15:Qof ayaad jeclaatay si xad dhaaf ah markaas ayaad ku tidhi la'aantaa qof kale ma guursanayo isna wuxuu kuugu jawaabay maya sidaa ha yeelin waxaa laga yaabaa in aan dhinto ama aynu is weyno qofkaasi ma qof ku jecel baa mise waa qof ku neceb?
j:waa qof ku jecel wanaagna kula doonaya
16:hadii aad tahay qof jacayl hayo ma jiraan heeso ama geeraaro aad adigu nafsad ahaantaada curisay ?
j: jawaabtu waa dhankiina idinka oo raali ah
17:hadii aad ruux jeclaato oo uu ku yidhaaho waxaan jeclahay qof kale ee raali noqo ma sidaas ayaad jacaylkaaga ku deyn lahayd mise waad ku dadaali lahayd sidii aad ku heli lahayd kuna kasban lahayd jacaylkiisa?
j:waxaa soomaalidu ku maahmaadaa dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaa waxaana haboon in uuna qofku niyad jabin iskuna dayo in uu ku guulaysto jacaylkiisa taa hadaan ka gudbo qofku ma ilaawo jacaylkiisa u horeeyey ilaa uu meel ku hubsado guul ama guuldaro
18:ma jeclaan lahayd in la sameeyo dad u dooda xuquuqda jacaylka?
j:su'aashan adigaa lagaa sugayaa akhriste.           
Geeraar.
Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

Geeraar
Taariikhdaada nolosheyda
 kama tirmeyso ee talaahi
aan ku dhaartay talaabkastoo
aan qaado adigaan ku
towaa taajkii arooskaaga
tabaabusheysigiisa aan ku
jiraa ee taajirnimo iima
laabnee toosaneey
taladeena waa toostee
tacab shiid waa ka baxnee.


Gacalisadaan jeclaayeey
Guud ahaan adduunyada
Adaan kaa garwaaqsaday
Gaduudkaaga dhiinka ah baa
Gebigeey isaaqay
Axdigii hagarabmarin
Guursanmaayo inan kale
God inaad gasho mooyee
Ama aad igoysaa
Garaadkey wuxuu isiiyey
Guur inaan yagleelnoon
Gurigeey ku geystoon
Gogol kugula seexdo
Ee gef miyaa gacalooy waa mooduuc wacan
Lilaahi bey ìga tahay lahaanshaha jaceylka laabteyda saaqay ladaneey lumisay kalsonidii aana lahaa ladantaada u ban dhig lurkaan heyga leexan adaa ku lifaaqan laabtuye malyuunWaa ka qaaday salaantada qaaliga ahey gacaliso aniga waxaa ii mac erayadaada ayaga ayaana ìgala wanaagsan geeraarka igalana qiima badan dhemanka qaali aad baan u ladanahay 100% in aad iso wacdana waa ley sheegay lakin kuma sowicin waayo waxa ay aheyd waqti dambe anna xoga hurda aya igu jiray qaashaney walaahi runti anigaba waxaan aad ugu heysaa farimahaada markan helana waxaan akhriyaa in badan ayagaana ka dhigtaa wehel macaanto qof loo xanaaqaa miyaa iga tahay maya raali waan ka ahay e adna iga raali noqo maxaa yelay inti yareed e aan warqadan kaala so daahay waxaa macquula in aad dhahday hanad maxa helay ok macaanto lakin marka u hadalka ishegayay waan hurdayay waxan maqlayay o kaliya waxan ku soo dhahay sawiradi bay ku dhahday hada kadibna masiweydin karo hadalki xaleyto ee maxad dhahday ishegbo taana waa ka sugaa dhan kale kuurbadii jaceeylkaa igu soo kordheeysoo kaa kaaftoomi waayay kalimaadaan ku heeysaa oo ayaa i kaafisay kama kaco hurdoo adaa ku lifaaqan laabta ikaafisay kolba goorta qabowga soo dhaco koleeylba leeygu dhaboo kuma negaado sariirte marbaan kutaalaa kool gabadhaad jecleeyd u tabiside kurbadaan ku heeyso gacaliso warqadkalan ku sodiri doonaa inshaa,alaah lakhn tani hada waxaan ugu tala galay in aad iga faalooto sida xalayto wax u dhaceen mahadsanid gacaliso waxaan lataahaya waa jaceylkada waxaan u tabiyaa hada& waa dartaada waxaan wabirigi ku sowaca waa dartaada wadnahad ku taalaa kaama maarmo wehel kale maqabo ilove u gacaliso waxaan ku rajeynaa cimri dheer caafimad cibaado wanaagsan nolol leh mtstaqbal lagu waaro laguna nasto laguna negaado aamin aamin aamin gacaliso aad baana ku jecelahay ilove u .

My Phone Numbers

Siddii sagal dilaacay
Ama hilaac baxay oo kale
Quruxdu soo ma moodaan
Qaabkaaga wacan baad
Qaarkaa ku dhaaftayee
Inaad tahay anigaa qiraayee      
Qiimo malahan caashaqa
Qar qarada hadaadan ka hayn
 Qarni walibana wax baa soo ifbaxeeQalanjooy adigaa qaatay laabtee
Qof walibana dabcigiisa meel noqay
danta in leesku garaa
Qalad iyo gaf ineey tahay
Qalnajooyogsoonoowxasan
Qureyshtii haweenka

Waligeed aduunyada 
Waqtigaa qof saacida  
Midna waayaha xira
 Labadaas waxaan aheyn
 Horaa loogu waayoo
Waa nin iyo waagii
Aniguba wasiisiga
Waxaan weyda lahayaa
Iigu wacan waxyeelada 
Wiish  bay ila sarakacay
Caashaqu wadaad maleh
Walaalowna kuma haro
Waan waanna kala dheer 
Waxba haay idabiibina
Wadka aan is aragnee
Waddadiina ka ambaday
 Biyo looga waayaa
waanadu idhaaftee
waan kuu xiisay
abaayo idil


Geeraar. 

Geeraar
Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso.

Geeraar.


Sahal maahan caashaqa hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhaxdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaane hadba si kugu soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa furiin maxaa ka dhigay?. 
 

Geeraar.

Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

Geeraar. 

Ma jiraa jaceyloo?
Ma jiraa jaceyloo, qofaad waanisoo wehel aad kadhigatooa warkiisa aad raacdoo waji aan wacneyn wax tar kaaga dhiga?.
Ma jiraa jaceyloo qoraaf saad satoo saadir aad katuugtoo suubanaantii caashaqa samaantii jaceylka midna aan kusiin?
Ma jiraa jiraa jaceyloo qofaad jamatoo jirkaaga moodoo aan jiirnaxaynoo jiriricyo jaceyl midna aan u jeedin?
Ma jiraa jaceyloo qofaan kuu naxaynoo naftaada moodoo nuurkii caashaqa iyo naxariistii jaceylka midna aan ku siin
Ma jiraa jaceyloo qofaad qiima wacan & qaayo wacan u yeeshoo hadana aan kuu qireyn?

Geeraar
Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa'inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay
Fariimo jaceyl

Calaacal : hadaba ku bilow sidaan
From : naf kuu oo man
Ku bilow aboowe/abaayo marka hore iga guddoon salaan sidato saxansaxo roobeed oo ugdgoon badan kaagana timid saableyda oo idil

Cishqigaan kuu qabo
Cawadiioo idil
Cindigaan ku hayaa
Caafimaad haddaan helo
Cindigeyga wuxuu tabaa
Guri inaan wadaagno
Galabtii alle keena
Garaadkaan kuu hayaa
Gacan wacan ii fidi
Haddaan garabka la i qaban
God caawa inaan u hoydaan
Go,aan ku gaaray
Galabtii alle keeno
Gabay gaagab sidaa

Waxaa sii socda calaacalka jaceylka sii qooraarso habka aad ugu jeedisan karto naf aad jeceshahay
From :naf loo dhibanyahay

Ku bilow sidaan
Garab baan kaa rabaa
Gacal aan wadaagnoo
Galabtii alle keeno
Garbahaan isku hayaa
Gargaar ii fidi
Haddaan ku waayo habeenkii
Hurdo waan ka quustaa
Harsina warkeeda daa
Halbowlihii dhiigga sidey iyo
Hungurigaa I istaagey
Hamuun baa ii heysee
Hal mar ii imow
Adaan kuu hilboobee
Intaan iilka lay dhigin
Itaan alwaaxa laygu xirin
I saar sambabada agtoodiyo
Saableyda caloosha I saar
Si uun aan u maqsuudo
Sahal ma ahan caashaq
Sidaan ha ii gelin

Calaacal :

From : naf loo dhib qabo
Ku bilow aboowe mise abaayo
Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa

Codsi jaceyel

From : nafkuu waalan
Ku bilow aboowe ama abaayo xabiibi ama xabiibti
Waxaan u bukaa kulankaaga haddaan waayana waxaa hubaal ah inaan

hagar la kulmaayo
Hadaba ka bogosho wacan geeraarkani
Haddaan hawada kaa arkey
Hungurigii oo idil
Hami waan u waayey
Hilow caahaq baan higsadaa
Ma hurdo habeenkii
Hami jaceyl adigaa horey iigu abuurte
Halbowlihii dhiigga wadey iyo
Hagihii nafteydaa adi kuu hibeeyee
Haddan adiga ku helin
Hubaal waxaa ah
Hambalyaan iska daayee
Harsi waan ka sabrey
Iyo hurd habeen oo idil

Sarbeeb jaceyl :

Ku bilow aboowe ama abaayo waxaan kuu hibeeyay salaan ay isu diraan dadka nolosha wadaagey ee kala dheeraadey ee dareemey cidlo

Markii aan ku waayey
Midigteydi baa luntey
Marxabeyn iska daayee
Murug baan dareemey
Macnahaasi maan garan
Ma caashaq baa I helay
Ma hogaan baan rabaa
Ma adigaan ku tabey
Marxaladaan joogo
Ma qiyaasi karaayo
Marxuum in aan ahay
Mugdi inaan ku jiro
Marqaati looma haabno
Midig caashaq ii fiiri
Mar haddaan ku waayo
Mugdi baan dareemaa

Balan jaceyl:

From : naf kulan laga rabo

Ku bilow aboowe mise abaayo
Berigii aan ku bartaa
I laa bil iyo ayaamaa
U bukaa aragaaga
Bohlyow daraaddii
Bal inaan ku bogsado
Bartaada inaan arko
Beerkaad iiga taalaa
Bilicdaada qurxoon
Baan u bogaya anigee
Balan ila wadaagoo
Bartamaha badweyntiyo
Bal inaan booqano
Beerihii afgooyiyo
Bartamaha jannaalaa
Bashaal u aadnaa
Barthamaha jaceylkana
Beer wacan u fidinaa
Ballantaan iga aqbal

Qoomamo jaceyl :
Qoomamaan joogaa
Qiimihii wacanaa iyo
Qurux daad laheyd baa
Qarka iga tuuree
Qabri inaan u hodaa
Qorshahaagu ahaa
Qaadir baa ii macneeyay
Qiyaanadii wadatey iyo
Qalbigaaga ii dumay
Qorshahaad waddoo idil
Qeex baan u haysaa
Qatal haddaad is laheyd
Qorshahaasi wuu lumey
Qurux haddey qiimo leedahay
Qiyaasna loo dhameeyay
Qiyaano aan dhamaan
Qalbi caruur baad tahee
Qiyaamo heer laguma gaaree is qabo

Geeraaro jaceyl

Fron : naf wax lala wado

Gabey baan kuu marayaa
Gacal wacan xambaarsan
Gayaantii xiligaan
Gacal lala wadaaba adigaa
Gacal mudan hadaan ruux
Gacloonayo gacan wacan la siinaayo
Adigaa guddoon mudan
Haddan eego gayaankaan
Gacal looma quuree
Garaad wacan inaad tahay
Garwaaqso ogow
Musbaax baad tahay ifeysoo
Muuqaalkaaga wacan baa
Horay ugu maqsuudee
Saxansaxo roobkiyo
Si carfoon u jiidaa
Saakey iila mid tahay

Geeraar amaan ah
Dahab baa lagu moodaa
Hadduu ruux ku daawado
Kaama daayo eegmada
Danihiisa wuu gabaa
Da,yar wacan inaad tahay
Dadkaan u sheegaa
Daliil looma baahna
Da,yartii qurxooneyd
Dadku eegi waayeen
Dahab la mood inaad tahay
Daah igama saarna
Dooq haduu jiro
Da,yar loo qaado
Dad kale uma qalmo
Doolar iyo diinaar
Inta hanti dunidaan taalo
Adigaa kaa door roon
Damqashada jirkeygaan
Weli wuu dareemaa
Daacad wcan inaad tahay
Dadkoo dhan wey yaqaanaan

Hamuun jaceyl

From :naf loo hamuun qabo

Hamuun baan kuu qabaa
Halbowlihii dhiiga sidey iyo
Howl wadeenkii jirkoo idil
Heegan bey kuu yihiin
Haddan kuu jeedi waayo
Hurdo caashaq maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Howlaha aduunkaa is
Hareero yaallee
Hoog iyo caloolyoow
Hurdo xumaan kuu noolahay
Haasaawe maan helin
Hilowga aan kuu qabo
Habeenkii oo idil
Hareerahaan kaa dayaa
Hamuun caashaq baa I helay
Heesaha jaceylkuna
Adaa igu habey dhamaantood
Horaadkaaga isaaroo
Hamuunta iga gooy

Geeraar guurdoon ah

From : naf guur laga rabo

Guurbaan kaa rabaa
Gacan aan wadaagnoo
Guri xalaal ah aan degnoo
Garab wacan I siiyoo
Garwaaqso hadalkeyga
Mar haddaan is gacloonay
Is garabsano wacanaa
Samir baan kuu wadaa
Sacabo xalaal ahoo wacan
Samir iiga gudoon
Sababtaa waxaa leh
Ilicii horoon marnay
Samirkiisii weeyaan
Suuradaadaa wacan baa
Suniyahaa I deeqee
Sambabada iyo calooshiyo
Seedahey I gooyeen
La,aantaada samri waayoo
Ilaa aan saxaro
Sir dambe kaa rabee
Suurta geli guurkaan

Maseyr :

From : naf laga shakiyey

Mar quraan dareemay
Muraad inaad iga laheyn
Meel kalaad u dareertey
Maskaxdaada aad siisey
Muran badan adoon gelin
Murugaa igu fogaatee
Maseyr aan dhamaan baa
Madaxeyga ku mug leh
Micno ma lahan aduunkaan
Mid kalaan calman doonaa
Daacad ahow daryeel mudan
Dadka u u riyaaqoo
Duco iyo wanagiyo
Dadka ay u wadaan
Daacad baad igu wadey
Daacad hadaad tahay
Daaha ka rog hadalkaaga

Aroos

From : ku bilow mudan ama marwo, ama arooska ama aroosada

Nolo waa docee
Daa,iin waxaan ka tuugey
Daacad inaad ahaantaan
Daahir iyo dulliyo
Daa,in u diin siiyo
Daadah aad tiraahdaan
Daar wacan oon dumeyn
Iyo daacad baan idin amrey
Daa,in waxaan ka tuugey
Da,da maanta jirtoo dhan
Duqow iyo doob
Iney idiin duceeyaan
Daar xalaal ahoo wacan
Dunidaan lala yaabo
Daa,in uu idiin siiyoo
Dadka hadalkoodana
Allaha ha idinka daboolo
Duco waxaan mudan
Daacad kuwii isu ah
Ayuu daa,in ka aqbalaa


Cafis

From : naf lagu qaldamey , aboowe ama abaayo

Catow baan kuu wadaa
Cafis baan kaa rabaa iyo
Calool fiyoowi
Cawaaqib xumadaan marey
Cawo iyo ayaan baa
Caloosha kugu hayaa
Calwasaad baa I dilay
Cuqubadaan dareemay
Ceyshkiiba waan gabay
Caqli xumaa I qaadey
Cishadaan ku waayay
Subixii ma tooso s
Suntii aad igu beertey
Sedexdii sano tagtey
Sahal baan ku dareemay
Sifahaaga wacan baa
Saqdii dhexe habeenkii
Si xun ugu qarwaa
Sohwi baan dareemay
Si uun ii cafi


Daadis :

From : naf ladiidey

Na daneysataa tahay
Naceb aan u qaaday
Niyadda kaa jarey
Naxariis kuuma hayo
Nacabka aan kuu qabo
Niyadeydii buu diley
Nabarada caashaqa adigaa dhimay
Nakala daa walaal
Niyad kuuma haayee
Nabad baan kaa rajaynayaa
Niyaddaa kuu diidee
Naf ku neeceb aduunkan
Nolol kuuma quurtee
Na kala daa walaal
Nooc kastood ahaato
Niyaddaa ku diidee
Na kala daa walaal
Nabsi adigaa dalbadey
Neecaawda xanuunka leh
Niyadaada ku samirsii

Weli waa uu socdaa daadiskiiyee indhaha u fur
Damacaa ku qaadee
Dooqaagu waa doolar
Dan kaama lihiyee I daa
Doqon aan jeclaaday
Dahab hadii lagu raro
Doolar iyo diinaar
Dan kaama lihiye
Dooni mid kale
Doqon lama dugaashee
Da.yer baan ahee I daa
Duduubey hadalkaaga
Ducaan duqowda weydiisan
Danihii aan laha
Dartaan baan u gubay
Ku diidey aniguye
Kurbo caashaq kaama lihi
Kol horaan ku diidey
Kulan kuuma quuree
Kobtaada I maqashii


Dardaaran

From :naf la waaninayo

Waxaan kaaga digayaa
Damac aan loo meel dayin
Dabin lagama waayee
Daacad inaad ahaataa
Ruux daacad ah
Rabbi wuu jeclaadaa
Rabiaan haduu ku galo
Rixim goys ha noqon
Runta daaha ka qaad
Ruux wacanoo loo riyaaqay
Rasmina reerka ugu dagay
Taam ka dhig noloshaada
Tiir wacan waxaa ah
Tii lagu nagaadee
Tilmaan wacan ahaataa
Talo kuugu darayaa
.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain