Bulshada Baargaal oo waddo muhim u ah noloshooda gacanta ku dhisaaya (Sawiro)

Waxaa Degmada Baargaal ka bilowday olele balaaran iyo shaqo sidii loo
hagaajin lahaa loona furi lahaa wadada ganbaduufle oo ahamiyad wayn u
leh bulshada degaanka ,

ololahaas oo ay si xoogan uga qayb qaateen , horseedna ka ahaayeen
dhalinyarada ururka ACDO ( ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta arimaha
bulshada Degaanka ayagoo kaashanaaya maamulka Degmada iyo bulsha
waynta degaanka .

Wadada Ganbaduufle ayaa isku xirta degaan balaaran ayadoo tagta dhul
daaqsiimeed iyo warooyin biyood , wadadaas ayaa waxaa kamid ah
degaanada ay marto conqoro ,Canjeela , Cargay , Fiinyo , Hursale
dheefo ,barxa iyo muudiye oo in kabadan 800 oo qoys ay ku dhaqan
yihiin

dadka ku dhaqan degaanadaas ayaa waxaa haysta dhibaato badan , ayadoo
qofka xanuusta lagu soo qaado rati ama Dusha ,

wadada ayaa sidoo kale leh ahamiyad wayn oo dhinaca ganacsiga ah
ayadoo ay ku yaaliin xijiyo aad u tiro badan , kuwaas oo wax soo
saarkooda lagu soo raro awr ,iyo qof dushiis

ugu Danbayntii Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed maxamuud Yuusuf (
Axmed Guray ) oo asagu bilaabay shaqada wadada lagu hagaajinaayo ayaa
ugu baaqay qurba joogta iyo Ganacsatada reer Puntland gaar'ahaan kuwa
kasoo jeeda degmada Baargaal iyo degaanada hoos yimaada inay ka qayb
qaataan dhismaha waddadan oo Muhiimad weyn u leh Degmada iyo deegaano
badan oo katirsan Gobolka Bari


Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Baargaal
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain