Hees cusub oo Qoraal ah laguna magacaabo Baxsan

Heestaan oo ah  ”Hees haameed” aan magacdaray baxsan oo jawaab u ah  mid hore oo la oran jiray “Baxnaano” oo ay website yada kusoo daabacday taasoo ay usoo bandhigtay bahwaynta soomaaliyeed gaar ahaana ay su,aalo kusoo waydiisay bahda Abwaanada soomaaliyeed kuwaasoo aan isku dayay inaan aragtidayda kaga jawaabo intii illaahay iga garansiiyay.

1: Baxsaneey walaashayda baaqeeda heestaada !
2: Baxnaanaa isoo gaadhay biligteeda aan dheehday
3: Bogu waa i boodbooday beerkayna ii dhaaftay
4: Baal-haadintaadiina Barniyeey kusoo leexday
5: Bulshadeena bayhooftay baahidu dhamaynayso
6: Bushigooda guumoobay balaayada hareeraysay
7: Bahalkaas cantuugaayoo baradooda ku cunaaya
8: Burundiga xasuuqaaya bilcaanteena boobaaya
9: Beebahaa amxaar keenay oo lagu baduugaayo
10:Baroontiisa keenyaanka bililiqada dumarkeena
11:Biidhiqaatahaas dhoohan oo baaq u diranaaya
12:Biddahana inoo keenay baladkeena ku xereeyay
13: Bal intaanan baabkooda Baxsaneey ka faaloonin
14:Barqadiyo bankaad sheegtay biyahaa dareeraaya !
15: Beeshaad tilmaamayso abaartaa budhlaynaysa
16: Doogaa balliga jiifoo boorkuna ka haadaayo
17: Caanahaas la beegaayo ciirtaas butaacaysa
18:Xoolana bidhaantooda basarkaagu qaban waayay
19:Baxsaneey sarbeebtaada badnhigeeda faah-faahin
20:Bal aan sheego malahayga bisinkana u kaalmaysto
21:Badaheena ceegaaga baadkuna ka wada buuxo!
22:Baladkeena khayraadka Baarigu ku maansheeyay
23:Barbaarteenu garan wayday bakhtigana ka ruugayso
24:Birmad aan u fidin waynay cid lasoo baxdana waayey
25:Balaayaduna boobaysoo bilaash gaalku ku cunaayo
26:Burcaduna kusoo yaacday biilkana ka dhiganayso
27: Bulshadii ka dhimanaysoo baahidu ka laynayso
28:Bi,i waaye laga oomay bannaanadana laga joogo
29:Baan mooday baayeey’e bal ma helay jawaabteeda??
30:Ma bayaanshay xaalkeeda mise buur kalaan fuulay?
31: Bidhaantii ma heli waayay baradii ma waydaartay?
32:Barrigeena quruxdiisa bilicdiyo leh khayraakda!
33:Baadkiyo cagaarkiisa Baarigu nimcada siiyay
34:Bidhaanteeda qoraxdeena barigaa kasoo nuurta
35:Baraf li,i kulaylkeeda badankuba ku raaxaysto
36:Beeshii aduunkoo dhan baafinayso helideeda
37:Beeyadiyo fooxeena buuraha ka wada buuxa
38: Batroolkaas butaacaaya oo jiifa baladkeena
39:Bulshadii ka dhimanaysoo baahidu ka laynayso
40:Bi,i waaye laga oomay bannaanadana laga joogo
41:Baan mooday baayeey’e bal ma helay jawaabteeda??
42:Ma bayaanshay xaalkeeda mise buur kalaan fuulay?
43:Bidhaantii ma heli waayay baradii ma waydaartay?
44:Baaruuda aad sheegtay billaawahakan dhiigaysayn!
45: Baabi,inta doorkeena masjidyada bannayntooda
46: Culimada birayntooda dumarkeena basanbaasay
47:Boojimo ka dhigadkooda bilisteena layntooda
48: Barakicinta cidaheena beebaha ku qixintooda
49: Banaankana u saarkeena baydkooda gubideena
50: Baroontaa warjeefaysa baabi,isay shacabkeena
51: Biimada tahriibkeena badda laysku tuuraayo
52: Bacadkaa lugayntiisa saxaaraha baqoolkeena
53:Boqolaalka dhimanaaya bahalkuna cantuugaayo
54:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay!
55:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
56: Baha baha’ha weyaane Baxsaneey bal iga hooya
57: Beel-beesha weeyaane Barniyeey ogsoonaada
58:Bushigii qabiil weeyee Baari hayna waydaarsho
59:Bugtadii is quur-quursi iyo baawar isugu faanka
60: Baa dhalisay boogtaase birmadkeeda iga hooya
61: Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin
62: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
63: Buktadaasi nagu daynin baha baho illowgeena
64: Beelaysi diidkeena bulshadeena midowgeeda
65: Baariga u noqodkeena diintana ku bayrkeeda
66: Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno (NNKh))
67:Badi towbad aan keenoo boobnana kitaabkeena!
68:Baadilkana la wada diido beentana ka dheeraano
69:Beerka xumaha laga saaroo buufinaa is eedaynta
70: Baryihii lasoo dhaafay buugeena laga suulsho
71:Baarigeen haloo laabtoo aakhiro bal aan eegno
72: Banka laysku bixinaayo bacadkiyo kulaylkiisa
73: Baaqii Illaah sheegay yaynaan ka noqon baadi
74: Berri iyo xisaabteeda aynu beerka ka ogaano
75:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
76:Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
77:Bulshadiise fulin maysoo belaan aragnay baayeey’e
78: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
79: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
80:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
81: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali
82:Hooyada baroorteeda boqongooyay wiilkeedu!
83: Baydkeeda laga saaray banaanada wareegaysa
84:Bilcaanteena ooyaysa badankeeda loo dhaafay
85:Boobkiyo farayntooda bawdyahooda qaa-qaawan
86:Baastarkiyo xumaanlowgu banaanada ku faganaayo
87: Baquuqdooda yeeraysa barqadii la wada daawan
88: Bakaarahana gudihiisa Burundigu ku fuulaayo
89: Bacaawiga amxaarkiina barbarkiisa ka cunaayo
90: Baacii sankaa waynku beebaha ku meegaaray
91:Biddahaas kusoo yaacay bilililqada shacabkayga
92:Baroontana ku baacbaasan baladkooda gudihiisa
93:Bahdilkiyo xumaantooda bulshadayda lagu haayo
94:Bukaansocodka odaygeena aabaheena booyaaya!
95:Biixiyaha ka naafoobay bawdada ka kala haaday
96: Boohintiisa wiiqdeeda buuruhu ka daba qaylin
97:Buuqiisa dhiilaysan barrigoo dhan wada gaaray
98: Beerkeena awalaada barqin gaalku uu qaatay
99:Boobkiisa ubadkeena banaanka iska yaal’yaala
100:Baydkiisa uu gaystay baybalkana ku korinaayo
101:Baladiyo Cross qaatay ka boqoolay diinteena
102:Biirka boobayoo laacin sigaarkana buftaa haaya
103:Balwaduna halaagaysoo buundada ka tuurayso
104:Biriijyada ka duulaaya ba,ay oo cidlada taagan
105:Buubay oo hawada aaday haad baale aad moodo
106:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay!
107:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
108:Baha baha’ha weyaane Baxsaneey bal iga hooya
109: Beel-beesha weeyaane Barniyeey ogsoonaada
110:Bushigii qabiil weeyee Baari hayna waydaarsho
111:Bugtadii is quur-quursi iyo baawar isugu faanka
112:Baa dhalisay boogtaase birmadkeeda iga hooya
113: Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin
114: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
115: Buktadaasi nagu daynin baha baho illowgeena
116: Beelaysi diidkeena bulshadeena midowgeeda
117: Baariga u noqodkeena diintana ku bayrkeeda
118:Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno>(NNKH)

119:Badi towbad aan keenoo boobnana kitaabkeena!
120:Baadilkoo la wada diidoo beentana ka dheeraano
121:Beerka xumaha laga saaroo buufinaa is eedaynta
122: Baryihii lasoo dhaafay buugeena laga suulsho
123:Baarigeena loo laabtoo aakhiro bal aan eegno
124:Banka laysku bixinaayo bacadkiyo kulaylkiisa
125: Baaqii Illaah sheegay aynaan ka noqon baadi
126: Berri iyo xisaabteeda aynu beerka ka ogaano
127:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
128: Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
129:Bulshadiise fulin maysoo belaan aragnay baayeey’e
130: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
131: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
132:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
133: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali
134:Belaayada u yeerkeena hadba bowd u orodkeena!
135:Baryadeena cadowgeena baabi,iyay shacabkeena
136: Baaqaan u diranayno kuwii buulka naga saaray
137:Balanbaliyay ubadkeena baaskaana noo keenay
138:Boogteena tusidooda baxnaanada ka dalabkeena
139: Badinteena keenyaati baladkeena ku hogaamin
140:Bacawgii amxaar baafin booweheen ku sheegeena
141: Bahaladaan is diidaaya boqnajaraya soomaali
142: Badbaadada u diidaaya midba bawd u rooraayo
143:Bidhaanteeda nabadiina marba buuq ku kicinaaya
144: Buurdheer ka tuuraaya bixintiisa shacabkeena
145:Baxsadkeeda nabadeena baadideed lasoo waayay!
146:Bari goortii loo doonay dhanka bugux kuwii geeyay
147:Bidhaantiina naga leexshay bulshadana ka qarinaayay
148: Biligtiyo iftiinkeeda raggii doonayoo baafshay
149:Kuwii boorka kaga awday bahalkiyo cidlada siiyay
150: Baylihiyay shacabkeena boogahana noo yeelay
151: Billaahidiyo dhaartooda beentiyo is qarintooda
152: Balaayo u adeegooda daacadnimo ka bayrkooda
153: Bulshadiyo midowgeeda isu soo bax diidkooda
154: Bushi galinta nabadeena shirarkeena boogaynta
155: Boohintiisa calankeena xornimada birayntooda
156: Ba,aydiisa magaceena buska saaran sharafteena
157: Baabi,inta qarankeena barraadli,ida madaxdeena
158:Balaayooyinkaaso dhan birmadkooda iga hooya!
159:Baxnaanaynta nabarkeena bal aan sheego baayey’e
160: Burcadaa na naafaysay boqnajaraya ehelkeena
161:Wuxuu baranin shacabkeenu buugoodu uu laabmin
162: Baabkooda laga guurin beentooda laga raysan
163:Bukhaariga markaan raacno baranaa kitaabkeena
164:Baarigana la kaalmaysto Baxsaneey ku toosnaano
165: Baha baha’hana aan diidnoo beelaysi laga guuro
166: Bulshaduna walaalowdo beegsadaana tawxiidka
167: Barinaa Illaaheenoo u bandhigano xaalkeena
168:Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno>(NNKH)

169:Bugtadaan ka sheekeeyay iyo qaar kasii baahsan!
170:Baaxadoodu waynaatay buuga aanan ku cadaynin
171:Barta maanta aan joogno waxa beesha gaarsiiyay
172:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay
173:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
174: Biidhiqaate raga baasoo baladkooda iib geeyay
175:Baacnimada Soomaali barraadli,ida shacabkeena
176: Buufiskiyo is baacbaasiga beelaha is nicidooda
177: Biil ku cunista dhiigeena baayicida ehelkeena
178:Boosraadin madaxwayne baarlamaan jacaylkeena
179:Beeshayda maba dhaafto bixinmaayo xukunkayga!
180:Baridaan kursiga saaray banayn maayo abidkayga
181:Berigaan anaa xoog leh bulshadana u talinaaya
182:Baydkayga aan buuxsho beesadana aan kaydsho
183:Barbaarkayga aan dhoofsho baariisna aan geeyo
184: Bilcaantayda baabuuro bal aan guriga ugu keeno
185:Bal’aan xaaska dubay geeyo hasoo booqatee heedhe
186: Boosas aan usoo iibshoo bogcad aan u weeqaaro
187: Beeshayda idilkeeda baljim aan u diro boowe
188: Biyo kulule aan geeyo beryo aan dalxiis aadno
189:Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin!
190: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
191: Buktadaasi nagu daynin boogteena lagu caafin
192:Bulshadoo is wada raacda biidhiqaate tuuryaysa
193:Baacsada ragaan sheegay baladkooda ka xoreeya
194:Bawdkeena laga saaro kuwa boobay shacabkeena
195: Baladkeena loo diido kuwa beesha gadanaaya
196: Boorsadooda loo tuuro burinaa dhamaantooda
197: Baydkeena laga oodo raga biilka nagu raadsan
198: Bi,inaaya sharafteena keenyaana u baaqaaya
199:Bacaawiga tigree keenay baradeena soomaali
200:Burundina usoo yeertay bawdkeena soo taagay
201:Biddahana la saaxiibay baladkeena ku xereeyay
02:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
203: Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
204:Bulshadiise fulin mayso belaan aragnay baayeey’e
205: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
206: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
207:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
208: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com
Developed by Jago Desain