Posts

Ururka Hooyooyinka Danwadaag oo Baargaal looga Dhawaaqay

Waxaa Maantay Ka dhacday Degmada Baargaal Xaflad iyo Bandhig ay ka soo
qayb galeen Hooyooyinka Degmada Baargaal iyo nawaaxigeeda iyo qaybaha
kale ee bulshada Degaanka ujeedada Xafladan ayaa waxay ahayd Bandhiga
urur haween oo dhawaan laga sameeyey Degmada Baargaal , ururkaas oo
loogu magacdaray ururka Hooyooyinka Danwadaag

Ugu horreyn waxaa goobtaas ka Hadashay gudoomiyaha ururka Hooyooyinka
Denwadaag ee Baargaal Hooyo Maryan Cabdi Axmed oo dadwaynaha u soo
jeedisay bogaadin isla markaana sheegtay ujeedoooyinka ururka
hooyooyinka Danwadaag iyo sababaha loo aasaasay, Hooyo Maryan Cabdi
waxay sheegtay in ururkani ahayn mid siyaasad lug ku leh isla markaana
ka madax banaana qabyaalad iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxay Hooyo
Maryan sheegtay in ururkani noqon doono mid bulshada wax u tara
maadaaba uu yahay urur ay ku midoobeen hooyooyin deegaanka iyadoo
xustay in hooyadu tahay asaaska bulshadu ku fadhido.

Ururka Hooyooyinka Danwadaag ee Baargaal ayaa ugu danbayntii waxay
goobtaas ku soo bandhigeen alaabooyinka hidaha iyo dhaqanka waxaana
aad loogu amaanay alaabooyinkan ay soo sameeyeen waana kuwaan hoos ka
muuqda sawiradoodu :

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal - Gobolka Bari
Developed by Jago Desain