Deg Deg : Xawaalada KAAH Boosaaso oo lagu dilay Labo nin iyo warar sheegaya in la dhacay xawaalada

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka Warbaahinta Baargaal.net ayaa
sheegay in kooxo hubeysan ay dhaceen Xawaalada KAAH ee magaalada
Boosaaso Gobolka Bari.

Sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah ee aan ka heleyno Boosaaso
Kooxaha Hubeysan ayaa Rasasa ku furay Labo Nin oo Xawaalada
ilaalinayay, waxaana wararka ay sheegayaan inuu hal nin dhintay, midka
kalana uu yahay dhaawac.

Intaas kadib ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan ay gudaha u galeen
Xawaalada KAAH, waxaana ay dhaceen lacag aan cadadkeeda lahaynini sida
uu sheegay mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Inkastoo aan la xaqiijinin in xawaalada laga dhacay lacago ayaa hadana
waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay dilka labada Nin ee ilaalada ka ahayd
xawaalada, waxaana kooxaha la sheegay inau ku hubeysnaayeen Qoriga
AK47.

Xawaalada KAAH ayaa ku taalo suuq Boosaaso, waxaana wararka qaar ay
sheegayaan in la aqoonsaday kooxda dhacday xawaalada.

Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa la isla dhexmarayaa Xawaalada la dhacay,
waxaana wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in xawaalada ay
dhaceen kooxo burcad ah.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabakada Baargaal.net


Baargaal Media
News Desk
Developed by Jago Desain