IKRAAN CARAALE ANIGA XAMAR CAY IGAMA MUDNA

Fanaanada caanka ah ee
Soomaaliyeed Ikraan Maxamed
Caraale ayaa jawaab ka
bixisay hees ay qaaday oo
muran badan dhalisay,
warbaahinta qaarna warar kala duwan ka qoreen.


heestaan ayaa lagu
magacaabaa 'Xamar' waxaana
fanaanadda la qaaday Cabdi
Qaboojiye. Fanaanada oo jawaabta u soo
marisay warbaahinta

"Xamar cid iga xigtaa malaha
xitaa hadii aan caayo,
Aabehey ayaa ku dhashay
kuna aasan sabab aan u
caayana iima muuqato, sidoo
kale Ikraan ayaa tilmaantay iney dooneyso in xili dhow ay
booqato mgaalo madaxda
Soomaaliya ee Xamar. Ma aqaan sababta dadku u
jecelyihiin xumaanta, mar
welibaana beenta iyo wax aan
jirin ay iila raadiyaan, maahan
markii ugu horeysay ee wax
aan jirin leyga baahiyo, xaqiiqduna waxa ay tahay in
heestaan aysan ay eheyn mid
siyaasadeysan balse ay tahay
mid duco iyo dardaaran ah
ayay mar kale Ayey tiri
Ikraan Caraale.
Heesta Xamar oo weli si
buuxda aan usoo bixin ayaa
waxaa ku luqeynaya
Qaboojiye iyo Ikraan,
waxaana kamid ah erayada
heesta:

Xamar wey dakaantoo

Rarka wey ku dooshoo

dayac iyo dhibaataa

dadkeedii idleysee
Aanu kuu duceynee

Madaxweyne daacada

Daadihiyo shacabkoo

Daryeelo dadkiisa
Ka
ilaasha darayada{darxumo}
Developed by Jago Desain