Posts

Japan oo ku deeqday $15 milyan oo lagu taageerayo carruurta Soomaaliya

Dowladda Japan ayaa ku
deeqday lacag gaareysa $15
milyan oo doollar oo lagu
caawinayo hay'adda
Qaramada Midoobay ee
daryeelka carruurta ee UNICEF inay wax kaga qabato baahiyo
deg-deg ah oo baaxad weyn
leh oo ay qabaan carruurta ku
nool Soomaaliya.

Hay'adda UNICEF ayaa maanta
war-saxaafadeed ku sheegtay
in deeqda lacageed ay wax
kaga qaban doonto
dhibaatooyinka la xiriira
nafaqada, ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada,
ilaalinta carruurta, biyaha,
nadaafadda guud iyo
fayodhawrka carruurta
tabaaleysan. "Deeqda lacageed waxaa
buugaag loogu gadi doonaa
300,000 oo carruur ah –
kuwaas oo kala bar ay gabdho
yihiin. Waxay u oggolaaneysaa
500,000 oo haween iyo carruur isugu jira inay helaan adeegyo
caafimaad halka 60,000 oo
carruur ah oo la il daran nafaqo
darro la siin doono quudin gaar
ah," ayay UNICEF ku sheegtay
war-saxaafadeedkeeda. Sida ay sheegtay hay'adda,
qeyb ka mid ah lacagta waxaa
loo isticmaali doonaa
dhismaha iyo dayactirka ilo
biyoodyo ay ka faa'iideysan
doonaan in ka badan 50,000 oo haween ah iyo carruur, iyadoo
intaas raaciyay in barnaamijka
wacyigelinta nadaafadda guud
iyo fayodhawrka loo qaban
doono bulshooyinka si looga
hor-tago cudurrada ka dhasha nadaafad xumada. Carruurta ku nool Soomaaliya
waxaa qabaan halis noocyo
badan isugu jirta oo ka
dhalatay dagaallada, barakaca,
nafaqo xumada iyo cudurrada. Waxaa lagu qiyaasay in
carruur tiradoodu ay gaarayso
215,000 oo da'doodu 5 sano ka
yar ay la il daran yihiin nafaqo
xumo ba'an – kuwaas oo 66
boqolkiiba ay ku nool yihiin koonfurta dalka.
Developed by Jago Desain