Posts

Shil gaari oo khasaaro badan gaystay oo qardho ka dhacay

Wararka laga helayo Magaaada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar-kaar ayaa
sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil gaari kaasoo sababay khasaare
nafeed oo kala duwan. Sida warka aan ku helnay shilkaasi waxaa ku
dhintay 5 ruux halka ay ku dhaawacmeen 7 ruux kale kuwaasoo goobaha
caafimaad loola cararay . Shilkaani khasaaraha badan sababay oo ka
dhacay duleedka Magaalada Qardho oo xarunta Gobolka Karkaar ayaa yimid
markii ay isku dhaceen labo gaari oo ahaa nuuca xamuulka ee loo yaqaan
waaraadka kuwaasoo siday dad musaafiriin ah. Qaar ka mid ah
howlwadenada isitaalka Qardho ayaa saxaafada u sheegay in dadka
dhintay 3 ka mid ah yihiin caruur yar yar kuwaasoo waalidoontooda ay
qaarkood dhaawacyo ku soo gaareen. Inta badan shilalka ka dhacay
gobolada waxaa loo aaneynayaa baabuurta rakaabka oo xawaare sare loo
kaxeeyo iyadoo markaa kadibna darawalku gaaro heer uu xakameyn kari
waayo gaariga.
Developed by Jago Desain