March 28, 2013

SIYAASADDA SOOMAALIYA SIDEE U KHALDANTAHAY ? By Xareed S. Cadaawe

SHARE
Aan ku bilaabee, bishatan gudaheeda, ayaa wasiir ka mid ah dawladda Soomaaliya wuxuu ku dooday: in maamulada hadda la samaynayo ay dastuurka ka hor imaanayaan. Oo marka hay'adaha hawshaas ku shaqada leh si sharci ah loo dhiso, islamarkaasna dadka soomaaliyeed gaaraan xoriyad buuxda oo qof walba si xor ah codkiisa u cabiri karo, ay noqonayso in la dhiso maamul goboleedyada.

Siyaasi ka mid ahaa xukuumaddii tan ka horaysay, oo u ololaynaya dhisitaanka Jubbaland, ayaa doodaas kaga jawaabay: dawladda hadda
jirta waxaa la dhisay iyadoo lagu sugan yahay xaafad xamar ka mid ah.Dadka soomaaliyeedna ma haysan xoriyad ay ku doortaan rabitaankooda.

Lamana tixgelin sida ugu habboon ee dastuurku qabo, ee sidii suurtagalka ahayd ayaa wax loo yagleelay. Jubbaland waxaa la bilaabay waqtigaas. Waxaana la raacay habraaca dawladda lagu dhisay mid la mid.
Markaas, haddii qaabka hadda lagu wado uu xaaraan noqonayo, dawladduna waxay noqonaysaa inay qaab xaaraan ah ku timi oo sharciyad ma helayso!

Labadaas hadal midkee sax ah? Anigu waxaan dhihi lahaa labaduba waa sax! Markaas, waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis ila yaabaan! Oo ku fekeraan: dabiici ahaan laba fekradood oo kasta oo iska soo horjeeda
mid ayaa sax ah, midda kalena waa khalad. Dabcan, taasina waa sax!

Wali ha ila yaabin; soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Timir waxaa ku jirta laf.

Sababtu waxay tahay waxyaabo khaldan ayaa markii hore aasaas sharci ah laga dhigtay. Sidaa awgeed, ayaa la doonayaa in shaqo kasta la qabto iyadoo lagu salaynayo aasaas khaldan. Oo isaga lagu miisaamo habraaca shaqooyinka. Haddaba, qofkii wax khalda iyo midkii wax saxa labadaba waxaa miiska u saaran labada miisaan ee kala sheega xaqa iyo baadilka.
Kuwaasoo soomaalidu fursad isku mid ah siisey, natiijadoodana isku mid u qaateen. Taasina waxay dhashay in la kala garan waayo qofkii jiho khaldan wax u wada iyo midkii jiho saxan wax u wada!

Hadda, waad ila garatay sababta aan markii hore u lahaa labada fikir ee iska soo horjeeda waa wada sax. Hase ahaatee, su'aashu waxaa weeye: waa maxay aasaaska khaldan ee sharciga laga dhigtay? Jawaabtu waxay furaysaa dood dheer! Si kasta oo ay tahay, ka gaabsan maayo inaan sheego; nin igu jeclaysta iyo nin igu nacaba. Laba arrimood oo waawayn ayaan sharaxayaa.

Marka hore: waxaa khalad ahayd in hannaanka dawladnimo lagu saleeyo
hab-qabiil, kaasoo awood qaybsigiisa lagu saleeyey qaacido loo baxshay
4.5! waayo? Qabyaaladda iyo dawladnimada ayaa is diidaya.

Qabyaaladda waxaa lagu qeexi karaa: dareen caadifo oo qofka si caaqnimo ah ugu tolaya cidda faraca qabiil kala dhexeeyo in maankiisa iyo muruqiisu u hoggaansamaan. Oo dadyowga kale sidaas ku necbaado,
gar iyo gardaroba. Sidaa daraadeed, qabyaaladdu waxay isku diraysaa dadka duruufaha nololeed ka dhexeeyaan; ee wadaaga ceelka, wadada, iskuulka, cisbitaalka, nabadgelyada, dhaqaalaha, karaamada
bini-aadamnimo IWM. Maxaa yeelay? Dadka duruufahaas wada wadaaga isku qabiil ma wada aha. Kuwa isku qabiilka ahna waa sii kala baxaan oo qabyaaladdu laf-laf iyo jilib-jilib ayay sii geleysaa, ilaa heer
labada bahood ee odaygii wada dhalay nool yahay ay is qabyaaladeeyaan.

Dhanka kale, dawladnimada waxaa lagu qeexi karaa nidaam dal lagu maamulo. Dalkaas oo leh xuduud juquraafi oo caalami ahaan loo aqoonsanyahay iyo dad dhalasho ahaan dalkaas sheegta. Meesha kuma
jirto in dadku isku qabiil yihiin. Balse, waxaa muhiim ah inay dhalasho wadan wadaagaan oo dareen wadaninimo ka wada dhexeeyo.
Dareenka wadaninimo wuxuu isku khasbayaa in dadka isku deegaanka ahi is jeclaadaan oo ay isku taageeraan duruufaha nololeed ee ka dhexeeya.

Haa! Ma ila fahamtay in daareenka qabyaaladeed iyo midka wadaninimo iska soo horjeedaan? Haddii ay jawaabtu "haa" tahay, allaylehe, waynu is fahamnay. Su'aal kale ayaa haddaba ii raacda: waxaan is qaadan
karin inta la isku dhoodhoobo ma wada shaqayn karaan? Aniga "maya" ayay ila tahay. Haddii aad cilmiga sayniska wax ka taqaan, goorta laba birood oo danabaysan oo labaduba wada "togane" yihiin ama labaduba
wada "tabane" yihiin ay isa soo jiitaan, ayaa su'aashaas jawaabteedu "haa" noqonaysaa!

Wax kasta waxbaa ka sii yaab badane, habkii qabiil in lagu saleeyo qaacido loo bixiyey 4.5 ayaa mucjiso ah! Waxaa la yiri: awood qaybsiga siyaasadeed waxaa loo kala ridanayaa afar beelood oo waawayn iyo beel
nus ah.

Waxaa la moodaa marka hore in dadka la tiro koobay oo ay sidaas u dhigmaan! La mase tirin. waxaa la moodaa marka hore in hal beel la dulmiyey oo nus laga dhigay, halka afarta kale sad bursadeen! Mase
aha, ee beel kasta dhexdeeda ayay qaacidadaas hoos ahaan isugu dabakhday, markaas ayaa dulmigu wuxuu gaaray tuulo kasta. Waxaa la moodaa marka hore in beelaha tirada badan ay xoogaa sad bursi ah ku heleen! Mase aha, waxaad arkaysaa beel degan sadex degmo in ay la saami tahay mid degan hal tuulo, oo markaas ay soo baxayso degmooyin aan cidina u matalayn kuraasta qaranka. Waxaa la moodaa marka hore in
qabaa'ilada ku urursan gobolo kooban, oo is leh waad tiro badan tihiin, in ay garan waayeen qaab kale oo tiradoodu wax ku tarto! Mase jirto taasi.

Bal eeg, doorashadii u danbaysay ee Kenya sida tirada codbixiyayaashu ugu kala duwanayd gobolada wadanka; wadarta dadka iska diiwaangeliyey Nairobi iyo Kisumu waxay ahayd 1264996 qof, tiradaas
78.3% waxaa iska leh Nairobi halka Kisumu leedahay 21.7%. saw kuuma muuqato sida nidaamkaasi u ilaaliyey in aan masaafo juquraafi la isku dulmin. Waxaan hubaa in nidaamyo badan oo kale oo arrintaas lagu xalin karo ay jiraan. Haddii ay sidaas tahay, maxaa qaabka ugu foosha xun loo doortay? Dadka qaarkiis waxay dhahaan qaabkani xaq ma aha ee waa xal! Ma waxaan xaq ahayn ayaa xal waara oo la mahadiyo noqon kara?Aniga "maya" ayay ila tahay, illeen muslim ayaan ahay, garashana waan qabaaye.

Marka xiga: waxaa khalad labaad ahayd in la doorto hannaanka Federalka. Nidaamkani isagoo Soomaliya khalad ku ah gebi ahaanba, haddana khaladkiisu wuxuu sii waynaaday marka la qabyaaladeeyey.
Hannaanka federaalku waa hab awoodda maamul loo qaybiyo dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo. Wuxuuna, badanaa, ku yimaadaa laba arrimood midkood.

Midda kowaad: waa in ay jiraan qawmiyado ku kala gedisan arrimo waawayn oo aysan bulsho ahaan isu la falgeli karin sida dhaqanka, diinta iyo luqada. Kuwaasoo deegaan ahaan kala soocan, balse raba inay hal dawlad yeeshaan. Tusaale waxaa u noqon kara Ethiopia, Nigeria iyo Switzerland.

Midda labaad: wuxuu ku yimaadaa in dawlado yar-yar oo horay siyaasad ahaan u kala madax banaanaa ay midoobaan si ay awood ciidan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba uga helaan.
Tusaale waxaa u noqon kara USA, UAE iyo Russia. 26ka dal ee maanta federaalka ah waxay ku salaysan yihiin labadaas xaaladood midkood ama labada oo is wata.

Labadaas xaaladood midda danbe waxaad moodaa in ay ku wanaagsanaan lahayd haddii la heli lahaa wixii loo aqoonaa Soomaaliwayn (5ta Soomaaliyeed ee Koonfur, Somaliland, Jabuuti, Soomaali galbeed iyo Soomaalida NFD)

Soomaalida 1991kii ka burburtay dawlada dhexe ma waxaa ku habboon federal? Haddiise uu ku abboonyahay ma isagoo qabyaaladaysan ayuu socon karayaa? Ninka su'aalahan uga jawaabaya "Haa", waa in uu sharaxaa cilmiga uu hayo ee adduunka ku soo kordhay! Dadka haddii la yiri reer hebel iyo reer hebel u kala baxa (hannaanka qabyaaladeed ee la siyaasadeeyey dartiis), Waxaa adag in qaab-dhismeedkii goboladii iyo degmooyinkii hore shaqeeyaan, iskaba daa in gobolo badan oo hor leh si xalaal ah isu raacaan. Saw iyada la kala diray Saakow iyo Bu'aale; Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb; Buuhoodle iyo Burco; Zaylac iyo Boorame. Saw iyada la kala dhanbalay Gaalkacayo, Ceerigaabo iyo Beledwayne. Saw iyada la isu bahalageliyey Muqdisho!

Hannaanka qabyaaladeed iyo hannaanka federalku waxay u kala socdaan laba jiho oo kala jeeda! Labaduna Soomaaliya waxay ku yihiin cuduro halis ah. Qofka haddii cuduro badan ku dhacaan, waxaa ugu dhib badan
kuwa daawayntoodu isdiidayso. Tusaale: haddii qofka hal mar kuwada dhacaan Cagaarshow iyo Macaan (Hepatitis & Diabetes) way adagtahay in si dhib yar loola tacaalo. Waayo? Cagaarshowga waxaa lagu daweeyaa in waxyaabaha macaan la badsado halka Macaanka ama Sonkorta ay u daran yihiin waxyaabaha macaanka ahi (waa teeda kacda)

Bulshada soomaaliyeed ma qaadan karto Federal. Maxaa yeelay? Mar jirto wax lagu qaybin karo oo kala soocaya, oo aan ka ahayn cudurka qabyaaladeed oo isaguna nidaamka dawladnimo aan u adeegayn. Waa bulsho hal qawmiyad wada ah oo dhaqan, diin, luqad iyo taariikhba wadaagta. Waa bulsho tiro yar oo hal gobol wada deeqo. Waa bulsho reer guuraa ah oo aad isu dhex socota isuguna dhex nool.

Labadaas qodob ee kala ah hannaanka qabyaaladeed iyo hannaanka federalka ayaan uga jeedaa aasaaska khaldan ee sharciga looga dhigay ummada soomaaliyeed. Mar haddii iyaga la cuskanayo oo in la cuskadaana
ay sharci noqotay lama garanayo qofka maslaxadda umadda ka shaqaynaya iyo midka diidan!

Lama yaabayo in reer kasta dhahaan annagu inta aan degno ayaan israacsanaynaa. Sida haddaba socota. Xitaa la yaabi maayo in la dhaho Caabudwaaq waxaa hawada ka xukumaysa Kismaayo. Sidoo kale waad ila fahamtay in sharcigii noqday lajiifiyaa-banaan! Oo doodaha iska soo horjeeda ay noqdeen wax aan la yaab lahayn.
Sidaa awgeed, waxaan kaa codsanayaa, akhristow, in aadan sinaba u kala taageerin shakhsiyaadka siyaasiyiinta isku wada ee adeecadaha afka soomaaliga ku hadla u qabtaan doodaha ma dhalayska ah; ee ka duulaya siyaasada ku qotonta labadaas hannaan. Hase ahaatee, ha quusan! In xal la helo waa fududahay.

Waxaan dhihi lahaa in xal la helo waa fududahay. Balse waxay u baahan tahay in shuruudo dhowr ah la helo. Kuwaasoo aan u baahnayn in la helo xoog ciidan iyo mid dhaqaale. Waxayna u kala muhiimsan yihiin, malahayga, sida aan u kala horaysiiyey:

1. In aynu garawsano, soomaali ahaan, marna in aysan ina soo marin waqti aynu fahamsanayn mabda'yada aasaasiga u ah dawladnimada; oo ay muhim tahay in aynu hadda xeerino arrimahaas. Sida:

I. aaminadda iyo qiimaynta waxyaabaha dadwaynuhu wada leeyihiin, kuwooda muuqda sida: goobaha laga fuliyo arrimaha bulshada ee Cisbitaalada, Iskuulada, Wadooyinka, Guryaha loo dhiso xafiisyo dawladeed iyo xitaa goobaha cibaadada; iyo kuwa aan muuqan sida: amniga, difaaca umadeed iyo abuurista fursadaha nololeed iyo kuwa horumarineed.

II. Cadaaladda bulsho oo aan weligeen ina soo marin, oo u baahan in ay aamino. Taasoo laga fahmi karo dhaqankeena sida caadooyinka hayb-sooca iyo xaqiraada aan dhexdeena isku samayno.waliba aan liidno kuweena ugu muhiimsan xagga dhaqan-dhaqaale sida kuwa ka shaqeeya farsamada gacanta, beeraha iyo kalluunka. Iyadoo waliba bulshadaas qayb ka mid ah aad loogu talaxtegay. Cadaaladda aan ka hadlayo waa mid kala garsiinaysa shucuurta dadka ee ma aha mid u kala qaadaysa hanti muuqata.

III. Ka fogaanshaha qabyaaladda oo aan u aragno badbaado inay u tahay nolosheena iyo wadajirkeena iyo in ay arrintaasi dawladnimada u tahay lagama maarmaan.

IV. Hufnaanta dhaqanka oo aan u aragno in ay muhiim tahay, islamarkaasna aan fahamno dhaawaca ay leedahay bulsho daroogadu dhaqan u tahay. Waxaan kawadaa cunista qaadka, oo aan u arko inay masiibo tahay. Oo ay hoos u dhigayso damiirka bulshada, korna u qaadayso xasaradaha iyo dhammaan waxyaabaha dhibta ina ku ah.

V. Cilmiga oo aan fahamno muhiimadiisa. Kama wado in aan waxbarano inkasta oo loo baahanyahay, balse garowsashada muhiimadda cilmiga iyo shakhsiyaadka aqoonta leh ayaa ka horaysa taas. Gaar ahaan soomaalidu waxay baahi u qabtaa fahmidda xeeldheerida cilmiga diinta islaamka iyo culuumta maamulka, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Si looga danbeeyo shakhsiyaadka fara-ku-tiriska ah ee iyagu kasbaday aqoontaas, loona siiyo fursad ay bulshada qaybaheeda kale ku hagaan.

2. In aynu garawsano danbiyada aan kala galnay, lana go'aansado in sharciga islaamka loo bandhigo si loogu kala baxo. Waayo? Dulmiga haddii aan la dawayn maharayo. Waxaana hubaal ah inuu cawaaqib xumo
inoo keenayo aakhirka. Dawladda soomaaliya ee waqtigan shaqaynaysa waxay ku doodaysaa inay ku hawlan tahay dib-u-heshiisiin; oo ay doonayso inaan la isu raacan wixii la kala galay. Taasi macquul ma aha. Wixii xaq ku kala maqan yahay waa in sharcigu u kala qaadaa.

Ugama jeedo aargoosi, balse xalka ayaa sidaas ku jira. Kamana wado reer hebel iyo reer hebel ha loo garamo. Hase ahaatee, waa in hantida la kala haysto la isu celiyaa. Ugu yaraan, qofkii ka sheeganaya qof kale inuu dhibaato u gaystay mudadii burburka waa in loo balan qaadaa inuu mar uun cadaaladda ka horsheegan doono. Shakhsiyaadka danbiyada dagaal galay oo dhibaatooyinka waawayn horseedka ka ahaa waa in sharcigu xukumaa, waana in magacyadooda, si gaar ah, loogu liisgareeyaa danbiilayaal qaran xitaa kuwooda dhintay. Sidaa awgeed, in la garnaqsado iyo aaminaadda sharciga waa in loo guuxaa!

3. In aynu garawsano in xalku ku jiro dhexdeena. Dib-u-heshiinta, midnimada, dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya kuma jiro IGAD, AFRICAN UNION, ARAB LEAGUE, USA, UN ama beesha caalamka. Dawlad kasta oo adduunka ka jirta waxaa u xariiqan xuduud dhuleed oo ummadeedu ku dhex nooshahay oo ay danaheeda ilaalinayso. Dadaal kasta iyo wax kasta oo ay qabanayso oo caalamka kale ah, waxay ka eegaysaa danta iyada ugu jirta. Ma diidani in danaha caalamku isku xiran yihiin, oo si uun loo wada shaqaynayo, balse arrintan aan sheegayo ayaa asalsan. Haddii Ethiopia danteeda ka dhex aragto inay ku jirto burburka Soomaaliya, markaas iyada dawlad ahaan wax kasta oo khalad ah looma tiirin karo;

Balse haddii burburku dhaco waa in soomaalidu is eedaysaa ( waa haddii aan duulaan xoog ah Soomaaliya lagu burburin). Qur'aanka waxaa ku cad inaan Ilaah xaaladooda bedelin qolo haddii aysan iyagu iska bedelin dhexdooda ama nafahooda. Tanina waa caddayn ina ku filan.

4. Marka aynu buuxino shuruudahaas aan soo xusay, ayaa waxaa loo baahanayaa shaqo-wadareed. Waa in qof kasta fadhiga ka kacaa si aynu aayaheena u badbaadsano. Waa in qof kasta u hawlgalaa sidii uu u islaaxin lahaa ugu yaraan hal qof, ha noqdo xitaa ilma uu dhalay ama midka ay isqabaan. Dadka xilalka loo dhiibanayo ama shaqooyinka qaranka loo xulanayo waa in laga fiirsadaa. Gaar ahaan hay'adaha amniga iyo garsoorka oo ay ku jiraan askarta caadiga ah.

Gabagabadii, waxaan ugu baaqayaa aqoonyahanada ku fadhiya hadda kuraasta muhiimka ah ee qaran ee qabiilka lagu soo xulay, sida xukuumadda iyo Baarlamaanka: in ay dareemaan waji gabaxa ay ku sugan yihiin, oo xilkas noqdaan. Ha ogaadaan inay wada dhimanayaan oo qof-qof loo xisaabin doono, ilaah hortiis maalinta qiyaamaha; hana ogaadaan inay goor xun iyo si xun u qaateen xil wayn. Ha ogaadaan in umadda Soomaaliyeed ay silic ku sugan tahay, oo xaq u leedahay inay u noolaato sida ummadaha kale ee caalamka. Ha ogaadaan iyaga ayaa maanta darka loo fadhiyaa.

Qore: Xareed S. Cadaawe
SHARE

Author: verified_user