BAARGAAL MEDIA : Madaxweyne Xasan Sheikh oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyey Garoowe

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh maxamuud iyo Wafdi la socda ayaa goor dhaweyd soo gaarey magaalo madaxda dawlad goboleedka puntland ee Garowe.

waxaana soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh0 Masuuliyiinta ugu saraysa dawlada puntland ee ugu sareeya oo uu horkacaayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed [Faroole] iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo wakhti kooban isku wareystey garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa ka dib loo u dhaqaaqay dhinaca Magaalada.

Madaxweyne Xasan ayaa kadib soo dhex maray Magaalada Garowe halkasoo uu salaan ka qaaday shacab farabadan oo wadooyinka dhoobnaa.

Ka dib labda masuul waxay ugudbeen Madaxtooyadii hore ee Puntland halkasoo ay uga sii gudbeen Madaxtooyada cusub ee Puntland oo hada ah Guriga rasmiga ah ee Dowlada Puntland.

Wixii ku soo kordha safarka madaxwaynaha iyo arimaha laga wada hadli doono kala soco

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain