April 05, 2013

FRIDAY POINTS : Aroor Caws looma Daysto

SHARE


FRIDAY POINTS : Waa Faalo Todobaadle ah oo aan ku muujin doono  Meelaha Bulshadu Horumarka Uga Baahantahay oo mugdigu kaga Jiro , iyo meelaha ifaaya oo mudan in lagu daydo


Anagoo Midwalba dhibic siin doona :

-Marka arrin adagi la soo gudboonaado Bulsho  waxa muhiim ah in Dadka hormuudka u ah bulshadaas ( sida Nabadoonada / siyaasiyiinta Xilalka Haya ) ay ka bixiyaan  jawaab degdeg ah,
oo bulshada iyo warbaahintaba u soo bandhigaan waxa jira iyo meesha ay umuuruhu maraayaan si faahfaahsan oo u qalanta arrinta Bulshada  soo waajahday ,

Balse Taasi Kama Jirto degaanadeena , oo Siyaasiyiinta Deegaankeena qaamuuska uguma jirto ereyadan mana adeegsadaan " shir jaraaid , warsaxaafadeed" taasi oo aalaaba dhalisa y in dadku siyaabo qaldan u  fasirtaan  wax yaabaha ka dhaca deegaanka

________________

-Meelaha colaadu ka jirto iyo dagaaladu, marka ay xabbadu bilaabanto , caruurta iyo xooluhu, gaar ahaan riyaha waxa ay hoosta ka soo galaan dadka waaweyn.
inta ay wax xabbadu socoto caruurta iyo xooluhu waxa ay eegaan indhaha qofka weyn ay ag joogaan oo ay halkaa kala socdaan khatarta jirta inta ay leegtahay.

Haddii ay arkaan qofkii weynaa oo indhaha warwareejinaya ama fikir  naxsan iyana cabsida ayaa ku badata markaasey jirka is gelinayaan. Balse, haddii ay arkaan qofkii weynaa oo kalsooni qaba oo qoslaya ama iska shaqeysanaya iyana kalsooni ayaa gasha.

Laakiin Deegaankeena waxaa Yaab ah in Caruurta marka ay xabbada maqlaan ay dibada is dhigaan , oo cabsi baad sheegtay ayagu xabbada meesha ku dhacdo u kala tartamaan

 _____________

Isu dheelatir adeegyada iyo qiimahood waa wadada ay bulsho horumar ku gaarto ,
Deegaankeena  qiimuhu ww sidatan

Arday iskuulka = 10$ / Bishii
Buyahaya sidaad rabto u isticmaal   = 10$ Bishii
Korontada =  1$ KWT  

Dhinaca Kale

Kilo Hilib ah = 7 $
Dhuxul  = 15$ kiishkii
Kirada 1 Qol = 30 $

Shabakada Baargaal.net 
baargaal@gmail.com

SHARE

Author: verified_user