Goobile Saar Gedood

Goobile Saar Gedoodama Goobile, waa saar xaragada codka iyo xamaasada uu xambaarsanyahay dad badan fadhiga ka kiciya goobaha bulshada iskugu timaado. Hoboladda ugu caansan ee qaadda Goobile Saar Gedood waa fanaanadda Khaddiija Cabdullahi Dalays. Dhulka gaduudan ee Garbahaareey, Ceel Gaduudilaa Beled Xaawowaxa ku luuqeeyaha Saar Gedood uusan marnaba ka tagin erey ahaan.

Taariikh

Goobile Saar Gedood wuxuu ku caan noqday gobolka Gedoee Soomaaliya. Saarkan waa nooc buraanbur ah waxaana ku luuqeeya dumarka goobaha dhiiragelinta iyo damaashaadka la iskugu yimaado. Fanaaniinta ragga ah way la hooriyaan gabdhaha ku luuqaynaya Goobile Saar Gedood. Saarka ugu caansanGoobile Saar Gedoodwaxaa ku jira ereyada Gedo, Baardheereiyo Gowraar. Gedo waa halka uu Goobile Saar Gedood ka soo jeedo halka Baardheere loola jeedo degmada ugu wayn gobolka Gedo, Gowraar waa dhul daaqsin ah oo dhaca duleedka tukad kaga aadan ee bari iyo galbeedba 40km webiga labadiisa dhinac inta u dhaxaysa Baardheree iyo Buurdhuubointaan la gaarin daaqsinka Shawaay oo kaabinka ku haya magaalada Buurdhuubo.

Caasimada Muqdisho xiligii nabadda iyo nidaamyadii dowliga ka jireen Goobile waxaa wada tuman jiray bulshada iyada oo aad loola dhaca habka tixda ay gabdhuhu alifaan iyaga oo amaanta marba meel saarayo, qof, meel ama munaasabad haykal sare leh.

Goobile tuduc ahaan waa 10 ilaa 15 tudcood oo kuwa ugu dambeeya labo sadar ka kooban kan koowaadne "Goobile Goobilow ama War Goobile Goobilow" lagu furto Xamaasad iyo laxan xiiso leh ayuu leeyahay saarkan Goobile.

Waxaa dhacaysa in gabdhaha ay codbaahiyaha isu dhiibaan marka sawaxanka uu gaaro heer goobjoogayaasha ay ka cod dheeraadaan gabdhaha ama fanaaniinta qaadayo saarka. Cajal aad loo daawado oo ay duubtay Khaddiija Cabdullaahi Dalays 1988 ayaa inta badan laga barta tabta, ereyada iyo laxanka Goobile Saar Gedood. Qaxa, Qurbajoogta iyo Goobile Saar Gedood Markii suugaanta afkeena hooyo iyo murtidii hobolada caanka ah ee dalka ee bulshada madadaalin jiray iyo idaacadihii ay dumeen, waxay abwaanada qurbajoogta bilaabeen bal in ay dib u ururiyaan duubis qoraal, cod iyo muuqalba leh ku sameeyana murtidii iyo suugaantii luntay sanadadaan burburka.

Rogaalcelintii Suugaanta Af Soomaaliga Goobile Saar Gedood wuxuu mar labaad fagaaraha soo istaagay Nairobiilaa Yurubilaa Waqooyiga Ameerika. Dhaanto, Heelo, Buraanburiyo noocyo kale oo badan ayaa isku fagaare lagu soo bandhigaa Goobile Saar Gedood. Aroosyada, xafladaha dhalinta iyo dumarka samaystaan, sanad guurooyinka gobollada ama waqtiydaa taariikhiga intaba waa laga qaadaa Gooble Saar Gedood.

Gabar walba ama koox fanaaniin ah oo walba waxay tiriyaan tuduc Goobile Saar Gedood ah, kuwaas oo ay ku beegaan munaasabada. Tusaale, doorasho dowlad, horumar dhaqaale, guubaabo ciidan iwm. Laxanka Goobile Saar Gedood mar walba waa isku mid. Sadarka Meeriska Goobile Saar Gedood Meeriska Goobile Saar Gedood badiyaa waa "Goobile Goobilow ama War Goobile Goobilow." Ereyga "War" ayaa sadarka labaad dhextaal looga dhigaa bilow ilaa dhamaad inta lagu luuqaynayo saarka.

Tusaale tixda hoose, Goobile Saar Gedood oo ay ku luuqeeyeen gabdho iyo fanaaniin jooga Canada. Gorwaar waa dhul daaqsin ah Waa kuwan Ereyadii Goobile Saar Gedood Ciwaan: GOOBILE, SAAR GEDOOD GOOBILE GOOBILOW
1. *.Dhulkaan ku calool galow
*.Hooyaday lagu guursadow
*.Aabahay ku garaadsadow
*.Ciideeda gaduudan iyo Allow yaa Gedo mar taga
*.War Goobile Goobilow 2.
*.Baardheeroow yaa ku gala
*.Iyadoo gugu ku helay
*.Gowraarey yaa ku mara
*.Geed geed yaa kuu dhunkada
*.Markay beeruhu go’aan ayaa Gogolow ku dega
*.Guttooy yaa kaa dul baxa
*.Soo daawada geela dhalay
*.Gattaa iyo Sara yaa ka dhaca
*.War Goobile Goobilow
3.
*.Ugaasyo laqaata iyo Wadaad Sheekh ah oo garweyn
*.Wiil geesi ah oo wax gala
*.Garmaamo iyo gaari dumar Sadey gooni u yihiin
*.Gedo-na waa qayb ka mid ah
*.War Goobile Goobilow
4.
*.Sadaan nahay guud ahaan
*.Gedo-na waa nagula dhalay
*.Rabiyow Gacantaadan Weyn
*.Barwaaqo aan guurin iyo Adigu nagu sii gargaar
*.Goobile Goobilow
*.War Goobile Goobilow
5.
*.Meel aan geesigu gablamin Rabbigayow Gedo ka yeel
*.Gabdhuhu meel aanay ka tegin Rabbigayow Gedo ka yeel
6.
*.Goobile Goobilow
*.Meel aan laga waayin Geel
*.Rabbigayow Gedo ka yeel
7.
*.Goobile Goobilow
*.Meel ay beeruhu go’aan
*.Rabbigayow Gedo ka yeel
8.
*.Goobile Goobilow
*.Meel aan laga gelin xumaan
*.Rabbigayow Gedo ka yeel
9.
*.Goobile Goobilow
*.Iskuulada meel laga galo
Rabbigaoyw Gedo ka yeel 10.
*.Goobile Goobilow
*.Meel cudurada aanay gelin
Rabbigayow Gedo ka yeel
11.
*.Goobile Goobilow
*.Miraha geedaha ka baxa
Rabbigayow Gedo ku badai
12.
*.War Goobile Goobilow
*.Guusheedii iyo sharafteedi hore
Rabbigayow Gedo ku celi
13.
*.Goobile Goobilow
*.Meel ay gobolladu dhismaan
Rabbigayow Gedo ka yeel
14.
*.Goobile Goobilow
*.Meel ganacsigu uu ku kaco
Rabbigayow Gedo ka yeel
15.
*.Goobile Goobilow
*.Meel ay gacal wada degaan
Rabbigayow Gedo ka yeel
Developed by Jago Desain