La Yaabka Dunida: Hablaha Hindiya Oo Helay Dhar Ka Difaacayo In La Kufsado.!!

Haweenka ku dhaqan dalka Hindiya oo muddooyinkii u danbeeyay cabsi
wayn ka qaaday kufsi, waali ah oo dalkaas ka bilaabmay ayaa sida
muuqata xal iyo xeelad ay kaga gaashaantaan u helay dhibtaas
hadhaysay.

Sida warbaahintu caalamku ka warantay Laba hablood oo u dhashay dalka
Hindiya ayaa ikhtiraacay dhar awood u leh in ay gabadha ka
badbaadiyaan, kufsiga iyo faro xumaynta, dharkan oo ah mid ku
shaqaynaya koronto waxa uu awood u leeyahay inuu badbaadin karo
gabadha la soo weeraro ama lafaheeda uga baqata in la kufsado.

Sida ay ku warantay jariirada (Times Of India), ee ka soo baxda dalka
Hindiya, haweenka dalka Hindiya oo wakhtiyadii u danbeeyay ku jiray,
xaalad wareer ah oo aan hore waligeed loo arag oo kufsi iyo faro
xumayn isugu jirta, ayaa wakhti xaadirkan u muuqda in ay heleen faraj
deg deg ah oo ay cabsidaa balaadhan ee hadhaysay kaga baxayaan.

Jariirada ayaa ku warantay in laba hablood oo ka mid ah, ardayda
jaamacadaha Injineerinka ee dalkaas wax ka bartaa, ku guulaysteen inay
soo saaraan, dhar awood u leh in gabadha ay kufsiga ka badbaadiyaan,
isla markaana qofka isku daya inuu kufsi kula kaco gabigiisaba ka
dhigaya sidii wax aan awood lahayn.

Labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo, Rimbi Turabathi iyo Manisha
Mohan, ahna hablo da?doodu aad u yar tahay, waxa ay sameeyeen, dhar
dhinaca loo gashado ka ah caadigii dharka lagu yaqaanay, halka dhinaca
kale ee dibada marayana ay kaga leeyihiin difaac koronto oo qofka
cabsi galiya, cida xidhan ku furaya koronto badan oo suuxin karta
gabigiisaba.

Sida jariiradu sheegtay dharkan ayaa qofka weerarka ah ku furaya,
awood koronto oo heerkeedu gaadhsiisan tahay, 3800 oo kilo volt, taas
oo suura gal ka dhigaysa in qofku suuxo.

Jariirada ayaa sheegtay in dharkani kaliya aanay ku koobnaanayn inay
difaacaan qofka xidhan oo kaliya, ama qofka soo weeraray suuxiyaan oo
kaliya, balse ay awoodna u leeyihiin in ay fariin gaaban oo SMS ah,
booliska si otumaatig ah ugu dirayaan, taas oo si cadna ay ugu
bayaaminayo goobta qofka xidhani ku sugan yahay, sababtoo ah waxa ku
rakiban markiisa horaba qalabka JBS-ka loo yaqaano.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain