SAWIRKA MAANTA : BULSHADA BAARGAAL OO MAALIN IYO HABEEN KA HARSAN WAAYAY MARAAKIIB JARIIF AH



Sawirka Maanta ayay Shabakada Warbaahinta Baargaal.Net Idiinku Soo gudbinaysaa dhibaatada Xoogan Ay Maraakiibta jariifka Ku hayaan Xeebaha Degaanka

Sawirka Maanta ay soo qaado Kaamirda Shabakada Baargaal.net Ayaa la Qaaday 21/ 4 / 2013 saacadu markay ahayd 11:00 Subaxnimo ,Markabkan Jariifka ah ayaa haatan Ku sugan Meel aad ugu Dhow Xeebta Baargaal.

lama qiyaasi karo inta ay le'egyihiin dhibaatooyinka ay u gaysanaayaan maraakiibtaas jariifka ah degaanka , Maraakiibtan ayaa Keeni Kara Dib u Dhalashada Burcadbadeedii Deegaankeena laga Sifeeyay.

Waxaana Maalmahan Buux dhaafshay xeebta Magaalada Shabaago Laga soo Jaray Doonyo iyo Maraakiib Jariif ah ,

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain