SHABAKADA KEYDMEDIA : OO QABYAALAD QAAWAN IYO REERAYSI KU LUMISAY MIHNADII SAXAAFADA

Shabakada KaydMedia , oo Markii la daah Furay Dad Badan oo kamid ah Bulshada Soomaaliyeed meel Kasta ay dunida Ka Joogaan Ku farxeen , oo is dhahayeen warbaahin heer caalami ah baa la furay oo wax badan ka badali karta xaalada murugsan ee Dalka Ka jirta .



Balse Rajadaasi waa lagu Hungoobay oo Shabakadaasi (Kaydmedia ) waxay Reerraysi iyo Qabyaalad ku Lumisay Mihnadii Saxaafada, Waxaana Taas u keenay Aqoon Darada dhinaca Saxaafada .. Mana aha Wax Lala Yaabo Dhacdooyinka iyo Warar Reerayanta dagaal Huriska ah ee ay Shabakada Kaydmedia Baahiso.

Shabakadan oo marar badan lagu soo daabacay warar ka dhan ah Qabiil Gaar ah iyo Aflagaado Loo jeedinaayo Rag sumcad iyo makaanad ku leh Gudaha Bulshada Soomaaliyeed , ayaa Noqotay mid ka fog hab dhaqanka iyo wada noolaandhaha ummada soomaaliyeed Waxaan Bogooda Aalaaba Ka muuqda :

1-Maqal iyo Muuqaal soo cusboonisiinaaya Colaadii Sokeeye
2-Faalooyin Aflagaado iyo Cay Miiran ah oo lagu canjarafaynayo Qabiil Gaar Ah
3- Warbixino aan lahayn wax ujeedo ah , Kaliya in dadku Isnacaan (Isir Nacayb)
4- Qabyaalad & Shakhsi Nacayb

Waxa Laga yaabaa Inbadan oo ka mid ah Dadka Akhrisanaaya Maqaalkan Inay Horay u la socdeen Aflagaadada iyo Qabyaalada ay Shabakadani Shaqada Ka dhigatay , Taasi oo aan loo dul qaadan Karin Hadaba waxaan Ku la Talinaayaa Bahda Wax Ku qorta Shabakada Kaydmedia inay ilaah Ka cabsadaan , Maxaa yeelay Qof Eebbe ka cabsanaaya ma qadariyo qabyaalad, qas iyo qalalaase kama qayb qaato, qurun iyo laaluush ma bixiyo, qofka Alla ka cabsada dadka ma dulmiyo , warar been ah kama shaqaystee bulshadiisa ayuu u shaqeeyaa.

Hadii aad taas ka indha adeegtaan oo aad ka waantoobi waydaan Aflagaadada , cayda , iyo isir nacaybka iska jira in habaar iyo inkaari idinku Habsato , maxaa yeelay qof kasta oo akhriya faalooyinkiina waa dhibsadaa waana ka naxaa

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain