Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga Puntland: Wax baan ka Qabaneyaa Doonyaha Jariifka Ku Haya Xeebaha gobolka Bari

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa
si kulul uga hadashay Doonyaha Shisheeye ee Xaalufinta ku haya Xeebaha
gobolka Bari,
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Puntland Muuse Geele Yuusuf"Faroole" oo ka Jawaabayey Baaq iyo Cabasho
kasoo yeertay Iskaashatada Kalluumeysatada gobolka Bari ayaa sheegay
in ay waxka qaban doonaan dhibaatada taagan.
Waxa uu xusay Wasiirku in dadaal dheer ugu jiraan wax ka qabashada
Doonyahaas ka socda wadamada Iiraan iyo Yemen dhawaana ay tallaabo
Sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.
Mudane Muuse Geele Yuusuf ayaa u Cadeeyey Kalluumeysatada deegaanada
Xeebaha ah ee gobolkaBari in Wasaaraddu tahay Siyaasadeeda kowaad
ilaalinta Dadka iyo Xeebaha Puntland isla markaana ka hortageyso
dhibaato kasta oo soo Wajahda.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Puntland ayaa ka Codasaday kalluumeystada gobolka in gacan siiyaan
Ciidamada Badda Puntland siay ula dagaalamaan kuwa Jariifka ku haya
Xeebaha gobolka.
.."""Waxaa loo baahanyahay oo Ciidanku ma shaqeyn karo haddii
bulshadeena Xeebaha kunool oo kalluumeysatada ah aaney wada shaqeyn oo
iyagu aaney gacan ka helin,Ciidanka Baddana,waxaa loo dhisay iney ka
ilaaliyaan dadka kuwa dhibaateynaya bulshadooda iyo Baddooda,…""" ayuu
yiri Muuse.

Bulshada ku dhaqan Xeebaha ee ka Cabanaya Doonyahaas ayuu uga digay
ineysan ka Xumaan marka qof deegaanka ka mid ah loo qabto arrimaha
Jariifka lana socda Iiraaniyiinta iyo Yemen.
…""Haddii dadka deegaamada ah gacan ka helin oo ay u arkaan markiiqof
isagu doon keensaday lasoo qabto amba tallaabo laga qaado,ina hebl baa
la qabsaday,ina hebel baa loo danleeyahay inaan la oran…"""" ayuu
xusay.
Dhanka kale Nabadoon Abshir Dhagcas oo isna ka hadlay dhibaatada
doonyaha Iiraan iyo Yemen ay ku hayaan Xeebaha gobolka Bari ay tahay
kuwa hoos u dhigay dhaqaalaha dalka,isla markaana wuxuu ku tilmaamay
in laba Burcad dadka dhibaato kuhayaan.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain