Booliiska Germany oo xiray nin Somali ah oo lagu sheegay Xisaabiyihii Burcad Badeeda

Booliiska Germany ayaa todobaadkii lasoo xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah oo qaxootinimo dalkaasi isaga dhiibay kaasi oo lagu eedeeyey inuu xisaabiye u ahaan jiray mid kamid ah Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Ninkan oo aan magaciisa weli si rasmi ah loo shaacin ayey Booliiska dowlada Germany ka qabteen xero qaxooti lagu qaabilo oo ku taal magaalada Giessen oo ku taal bartamaha wadankaasi Jarmalka.


Booliiska gobalka Saxony state ayaa maanta (isniin) saxaafada u xaqijjiyey maxkamadeynta ninkan oo ay magaciisa kusoo gaabiyeen (M),ayey sheegeen inuu qaxootinimo dhawaan kusoo galay dalka Jarmalka.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa xisaabiyaha mid kamid ah kooxburcad-badeed ah oo afduub u geystay Markab lagu magacaabo (Marida Marguerite), markabkaasi oo ay saarnaayeen 22 shaqaale ah ayaa lagu qafaashay xeebaha dalka Cumaan sanadkii 2010.


Maanta oo Isniin ah ayey Booliiska Jarmalka maxkamada horkeeneen danbiyada loo heysto ninkan iyagoo sheegay in (Faraha) ninkan lagu helay markabkaasi dushiisa.


Burcad badeeda ayaa markabkaasi heystay muddo 7 bilood ah iyagoo la sheegay inay jirdil u geysteen shaqaalaha markabkaasi kahor intaan malaayiin dollar loo siin madax furasho.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa burcad badeeda dhinaca tirinta lacagta iyo cuntada lasiinayey shaqaalaha markabkaasi lagu dul hayey, waxaana farihiisa laga helay sida la sheegay markabkadushiisa.

Dadka Qaxootinimada isaga dhiiba wadamada Yurub ayaa marka ugu horeysa Faraha laga qaado iyagoo laga eego inay marka hore meelo kale qaxootinimo isaga soo dhiibeenama ay yihiin danbiilayaal la raadinayo.


Waa markii ugu horeysay oo qof Soomaali ah oo qaxootinimo kusoo galay Qaarada Yurub loo qabsado danbiyo la xariira burcad badeednimo Danbiyada lagu soo oogay muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa waxaa kamid ah
Dhaawacyo iyo jirdil inuu u geystay shaqaalaha markabkaasi laafduubay.


Maxkamada dalka Jarmalka ayaa amar ku bixisay in ninkan xabsiga lagu sii hayo inta maxkamadiisa ay ka dhamaaneyso. News desktop
Developed by Jago Desain