Ceelkii biyaha macaanaa ee Baargaal oo laysku haysto

Waxaa la xiray oo shaqadii ka istaagtay dhamaan farihii biyaha macaanaa ka dib markii laysku qabsaday lahaanshaha iyo gacan ku haynta ceelka biyaha macaan,

Biyaha ceelkaas ayaa ahaa isha kaliya ee biyaha magaalada cabitaanka looga isticmaalo kadib markii ceelkii waynaa ee magaalada biyihiisu cuslaadeen oo la cabi karg waayay

Arinta ceelka ayaa ayaamahan wareer iyo buuq ka taagnaa, si arrintaa loo damiyo waxaa socda waan waan ay odayaasha magaaladu wadaan si arintan sida ugu dhakhsaha badan loogu xaliyo

Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain