daawo:Gabar Soomaaliyeed oo la xanuunsan xanuun mucjiso ah

Nasro Sh Maxamed Maxamuud Cali Geelle oo ku dhalatay magaalada Muqdisho dadeedu ay tahay 23 sano jir, haddana ay qoyskeedu ku noolaayeen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa muddo hal sanno ahayd xanuunsaneed xanuunkan dareenka argagaxa leh nagu abbuuray.

Dhakhtarkeedda ayaa sheegay in gabadhan xaalkeedu aad u adagyahay, islamar ahaantaasna uu ka yaabiyey xanuunka gabadhan hayo

Haddaba iyadoo xaaladda Nasro ay tahay mid argagax leh ayaa waxaa markii aan gaaray isbitaalka ay indhahaygu qabteen Nasro oo indhaheedda; dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka uu dhiig ka qubanayo, waana hadal heynta ugu badan ee aan ka dhex maqlayay isbitaalka gudihiisa.

Qolka ay jiiftay Nasro ayaa waxaa kasoo baxayay cabaad sidii qof ay wax qaniineyn oo kale; waxaana la maqlayayy qeyladeeda oo xiliba xiliga ka dambaysa isku badelaysay taah markaa kaddibna uu imaanayo dhiiga ka soo baxaya meel walba oo kamid ah indhaheedda; dhagaheedda, Afka, labada Ib ee naasaha iyo Sanka.



Baargaal.net
Wararka arimaha bulshada
Developed by Jago Desain