Haweeney hubeysan oo ka tirsanCiidan bare Hiiraale oo labo Askari ku dishay Kismaayo

Haweeney hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan tahay maleeshiyada Kornayl Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) ayaa xalay magalaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxay ku dishay labo askari oo ka tirsan ciidanka maamulka cusub ee Jubaland.

Taliyaha saldhigga Kismaayo Maxamed Aadan Simow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay murmeen haweeneyda hubeysneyd iyo askarta, kaddibna rasaas ayay kufurtay labadooda.

Simow wuxuu sheegay in ciidanka booliska ee maamulka Jubaland ay ku guuleysteen inay qabtaan haweeneyda la sheegay inay dilka geysatay, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo

Baargaal.net
Breaking news
Developed by Jago Desain