Posts

Kenya Oo Qorshaynaysa In ay korontada & gaaska wax lagu karsado ka dhaliso Digada Xoolaha

Mashruuca Qaranka ee Gaaska Noolaha Kenya (KENDBIP) ayaa ka shaqeeynaya inuu sameeyska korontada loo isticmaalo guryaha iyo warshadaha ka ballaariyo in lagadhaliyo digada xoolaha Kenya oo badan,khaasatan si loogu faa'iideeyo dadka aan ku xirneeyn qeybiyahakorontada qaranka
.
"Waddanku wuxuu haystaa fursad weyn ee uu ugu isticmaali karo digada in laga sameeyo koronto iyo gaaska wax lagu karsado, si markaas loo joojiyo xaalufka dhirta,"ayuu xiriiriyaha KENDBIP George Nyamu u sheegay Sabahi.

"Farsamada gaaska noolaha ayaa sidoo kale yareeynaya isbaddalka cimilada sababta oo ah ma soo saarayo gaaska nooluhu sii daayo."

KENDBIP, oo ka tirsan Istutagga Qaranka ee Beeraleyda Kenya, ayaa tababartay 200 oo fuundi in ka badan si ay u rakibaan qalab dheef-shiid oo isticmaala bakteeriyada oo lagu dhaliyo laguna xakameeyo gaaska methane-ka si loogu isticmaalo wax karinta.

Gaaska nooluhu wuxuu baddali karaa isticmaalka xaabada, gaaska iyo naaftada

Illaa iyo hadda, KENDBIP waxay waddanka baaxaddiisa ka dhiseen in ka badan 8,000 oo qalabka dheef-shiidka oo lagu dhaliyo gaaska ah waxayna ku talo jiraan inay sameeyaan 11,000 halka lagu gaadho 2014, ayuu yidhi Nyamu.

Fidinta isticmaalka gaaska noolaha ayaa yareeyn kara korontada mar walba ka tagta meelaha magaalooyinka ka baxsan sidoo kalena hoos u dhigi kara kharashka soo saarka, ayuu yidhi.

Bangiyada ayaa sidoo kale aqbalaya habkan lagu dhaliyo tamarta la cusbooneeysiin karo iyadoo toban bangi ay bixinayaan deymo loo sticmaali karo mashruucyada gaaska noolaha, ayuu yidhi. Nyamu

wuxuu sheegay in 30,000 oo galaan oo digo ah laga dhalin karo wax ka badan 5,000 oo saacadood oo kiiloowaat maalin kasta. Iyada oo guryaha ay qiyaastii isticmaalaan 650 saacadood oo kiiloowaat bishii, tamarta laga dhaliyo ayaa lagu ifin kara xaafad dhan iyada oo waliba tamarta

qaar ay u soo hareeyso in loo isticmaalo warshadaha.
In beer yar loo dhiso warshad waxaaku baxaysa 100,000 oo shilin($1,200) halka beerta weyn laga yaabo inuu qiimuhu noqdo toban jibbaar intaas.

Shirkadaha shisheeye iyo kuwa maxalliga ahba waxay gorgortan kula jiraan dawlad goboleedyada cusub oo la doortay Maarso si ay ugula shuraakoobaan

Baargaal.net
Developed by Jago Desain