Magaalada Stockholm Ee Caasimada Dalka Sweden oo ay rabshado xoog badan ka dilaaceen

Rabshado gacan ka hadal wata ayaa ka dhacay dalka Sweden gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Stockholm.
Rabshadahan oo ay sameynayeen dhalinyaro gadoodsan ayay ku gubeen baabuur aad u badan & weliba iskuullo, dhalinyaradan oo dab &Batrool ku qabtay gawaadhigaa ayaa dhinaca kalle weerar u geystay ciidamada booliska oo goobtaa u tagay si,ay rabshadaha u joojiyaan,

Rabshadahan oo ka bilaabmay Xaafadaha Husby ayaa ku fiday xaafado badan oo magaalada Stockholm kamida oo ay kamid yihiin xaafadaha Rågsved, Skogos oo ku yaala dhinaca koonfureed iyadoo habeen hore lagu gubay xaafadaa baabuur aad u badan halka galabta & caawa oo jimce ahna lagu gubay baabuur aad u badan xaafada Rinkeby oo ay Soomaalidu u badan tahay oo iyadana ay rabshaduhu soo gaadheen,

Rabshadahan gacan ka hadalka wata oo ay intooda badan sameynayeen dad ajnabi ah ayaawaxyaabaha dhaliyey waxaa lagusheegay kadib markii ciidamada boolisku ay ku dileen nin odey ah xaafada Husby kaasoo faash ladhex galay dad rayid ah. halka qaar kallena ay sheegeen in dhalinyaradan cadheysan ay ka cabanayaan xukuumada oo aan daryeelin nolosha xaafadaha ay ku nool yihiin,

Reysal wasaraha dalkan sweden Fredrik Reinfeldt & qaar kamida wasiiradiisa ayaa dadka ugu baaqay in amaanka la illaaliyo iyagoo xusay in nabad gelyada loo wada baahan yahay baabuurta oo la gubaana aanay xal noqon karin, Magaalada Stockholm ayaa la arkayey iyadoo gubanaysa laamiyadana ay ka socdaan rabshado gacanta ka baxay oo ciidamada boolisku ay illaa iminka u maaro waayeen,

Wixii warar ah ee dheeraad ah kalla soco
shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain